Heshiis uu Goob Joog uu ka ahaa Madaxweyne Xasan Shiikh oo ay kala Saxiixdeen
Dowladaha Soomaaliya iyo Norway
Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan “Waa Jiraan Dowlado Dan ka leh Soomaaliya laakiin
Norway wax Dan ah oo ay ka leedahay Soomaaliya Ma jirto”
Waxaa maanta oo Taariikhdu tahay 27-da Juune 2013 Magaalada Muqdisho Heshiis ku
kala Saxiixdey Dowladaha Soomaaliya iyo Norway kaasoo lagu Tilmaamey Heshiis
Dhinacayo Badan taabanaya , waxaana heshiiskaas Dowladaha Soomaaliya iyo u kala
Saxiixey Wasiirada Arrimaha Dibada ee Dowladda Federaalka Fowsiya Yuusuf Xaaji
Aadan iyo Wasiirka Horumarinta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowlada Norway Mr.
Heikki Holmes.
Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo la Hadashey Saxaafada ayaa waxaa wax laga
Weydiiyey waxa uu ku saabsan yahay Heshiiskaas waxayna sheegtay in Heshiiskaas
uu yahay mid Dowlada Norway ay ka qayb qaadaneyso arrimaha Dib u Dhiska ,
Horumarinta Haweenka iyo soo Celinta Kaabayaashii Dhaqaalaha ee ay Dowlada ka
heli jirtey Dhaqaalaha iyo Dib u soo Celinta Xiriirkii ka dhaxeeyey Soomaaliya
iyo Norway .
Idaacada BBC-da ayaa Wasiirada Weydiisey Su’aal ahayd in aaney jirin Cid Dan
la’aan wax ku bxineyso maxay tahay Danta Dowlada Norway ee ka leedahay
Soomaaliya ? waxayna Fowsiya ku Jawaabtey “ waa jiraan Dowlado Dan ka leh
Soomaaliya oo Shirkado Wata, laakiin waxaan kuu sheegayaa in Dowladda Norway
aysan wax dan ah ka lahayn Soomaaliya waxaana Madaxda ugu sarreysa Dowlada
haystaan Dhalasho Norwegian ah marka waa Dowlad Dooneysa in ay Caawiso Shacabka
Soomaaliyeed waana Dowlada Nalal ku shaqeeya Cadceeda ee la geliyey Magaalada
Muqdisho noogu Deeqdey”
Waxaa kale oo la weydiiyey Su’aal ahayd waxa ay kala socoto Shirkadaha fara
badan ee Ajnabiga ee ku sugan Soomaaliya waxayna ku jawaabtey “Waa jiraan
Shirkado sugan Soomaaliya oo u badan kuwa Aamaanka marka Muhiimadu waxay tahay
in Dowlado Tira koobto taasina waa la wadaa Qorshahaas lagu Tira Koobayo
Shirkadaaas
Inkastoo aaney Wasiiradu ku Faahfaahin Wareysiga ay siisey BBC-da in Heshiiskani
Qayb ka yahay Heshiiska Dhinaca Badda oo Dowlada Norway oo aad u daneyneysey
Sannadihii la soo dhaafey ayaa hadana dad badan waxay Rumeysan yihiin in
Heshiiskan lagu saxiixey Garoonka Diyaaradaha oo Goob Joog ka ahaa Madaxweyne
Xasan Shiikh aanu ka marneyn Damaca Norway ay Muddo Dheer ku dooneysey in ay mar
uun Shidaal uga soo saarto Biyaha Soomaaliya
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mai amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Norway iyo Soomaaliya oo xiriirkii diblomaasiyadeed kala saxiixday
Muqdisho, 27 Juun 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,
Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay Wasiirka
Horumarinta Xiriirka Caalamiga ah ee Norway Mr. Heikki Holmes.
Kulankan waxaa goob jog ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha
Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haaji Adam, Wasiirka Maaliyadda Maxamud Xasan
Suleyman iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweynaha iyo Wasiirka Norway ayaa waxey ka
wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii Norway ay uga qeyb-qaadan laheyd
dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.
Wasiirka Norway iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda
Soomaaliya ayaa warbaahinta hortooda ku kala saxiixday heshiis labada dal ah oo
lagu soo celinayo diblomaasiyaddii labada dal iyo inay iskaashi ka wada yeesheen
dib u dhiska Soomaaliya.
Shir jaraa’id ayuu madaxweynahu ku yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay in Mr
Holmes uu yimaado Muqdisho, tanoo tuseysa sida dalka Norway ay uga go’antahay in
xiriirkii labada dal la soo nooleeyo oo heshiiskii maanta uu calaamad u yahay in
Soomaaliya ay maanta si siman heshiisyo diblomaasiyadeed ula saxixianeyso
waddamada horey u maray. Waxaan kaloo uga mahadcelinaynaa Norway geesinimada
dheeraadka ah oo ay si toos ah (bi-lateral) ula shaqeyneyso dowladda oo ay si
toos ah ugu soo gubinayaan kaalmadooda ku wajahan dib-u-dhiska dalka.”
Madaxweynahu waxuu ka codsaday beesha caalamka inay ku daydaan Norway oo ay si
toos ah ula shaqeeyaan dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u sahlanaato in
adeegyada bulshada loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.
- DHAAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Senior Advisor & Spokesperson to the
Office of the President,
engabdirahman@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 28, 2013
|