Qisada Xaajib Al-Mansoor waa duruus taariikheed
Salaamu alaykum. Maanta iyo qoraalkeena waa qiso xiiso badan, gaar ahaan isbadal
doonka iyo dadka himada leh.
Halyeyga sheekadeena waa wiil da'yar oo taarikhda kugalay magaca Xaajib Al-Mansoor
walow loo yaqaanay dameerle!
Taariikhda Xaajib Al-Mansoor waa mid laga wadanka Spain guud ahaan gaar ahaan
Muslimiinta.Taariikhda Andulus iyo meesha ay kudanbaysay waa sheeko kale oo
kuxasuusinayso xaalada Somalia.
Xaajib Al-Mansoor iyo 2 wiil oo kale waxay kuxamaalan jirey dameero taas oo
sumad unoqotay in loogu yeero dameeralaydii.
Goor habeyn ah oo laga soo gadoomay maalin shaqo adag ayey ufariisteen sheeko
iyo inay iska wareystaan waayaha aduunka.
Xaajib ayaa soo booday oo waydiyey saaxibadiis waxa ay tamaninayaan aduunyada
inay gaaraan. Nin weliba wixii uu jeclaa ayuu sheegtey, isaga markii lawaydiyey
wuxuu sheegey inuu rajaynayo inuu noqda Khaliifka. Wuxuu intaas raaciyey "Haddii
aan noqdo khaliifka wadanka, maxaad iga codsanlaheedeen? Saaxibadiis ayaa
kuqusley ayagoo u arkay inuu kutalax tagay tamaniga.
Dhowr jeer haddii uu su'aasha kuceliyey ayuu midkood u adkeysan waayey
hadal-tiradiisa oo kuyiri: Waxaad tahay dameerle, sidaas ayaadna kuwanaagsan
tahay inaad ahaato weligaa ee naga fadhiisa!
Al-Xaajib mansoor iska dhagatiriyara jawaabaha saaxibadiis "Kabasoo qaada inaan
noqday khaliifka, maxaad iga codsanaysaan". Saaxibadii mid kamid ah ayaa
sheegtey in lasiiyo beero, daaro, Fardo, adooma ushaqeeya iyo 100,000 dinar oo
dahab, meesha uu Kii kale kujawaabay:Haddiiba aad Khaliif noqotid, waxaad
isaartaa dameer adigoo wajigayga gadaal ujeedinaya oo aad iga madoobaynaysid!
Waxaad dadka usheegta inaan ahay beenaale, tuug ah oo qofkii lagu arko inuu
lasocda laxirayo!
Waaga marka uu baryey oo salaada latukaday, Al-Mansoor wuxuu lafariistey fikir
iyo sida uu ugu dhabeyn lahaa riyadiisa. Wuxuu hoosta kaxariiqey shaqada uu hayo
inaysan gaarsiin karin meesha uu rajaynayo, sidaas awgeed wuxuu go'aansaday inuu
iibiyo dameerka, isha dhaqaale ee kali ah ee uu gacanta kuhayo!
Al-Mansoor wuxuu shaqo kaheley policeka, halkaas oo uu kamuujiyey howl-karnimo
ilaa saraakiisha isu sheegeen wiilkan yarka ah ee howl karka ah! Mudo yar
gudahood Al-Mansoor waxaa utimid darajooyin iyo dalacaad isdaba joog ah ilaa uu
noqday saraakiisha usareeya policeka!
Mudo markii lajoogay, waxaa geeriyooday khaliifka, waxaana xukunka qabtay dhaxal
ahaan wiilkiisa oo 10 jir ah! Waxaa loo baahday hogaamiye kale oo sii wada
howsha dowlada ilaa uu wiilka kakoraya!
Wadatashi iyo kulan waxgaradka dowlada kadib waxaa lago'aamiyey inuusan noqan
qof reerka bobortooda (Banee Ummaya) si aanu xukunka ugu marooqsan wiilka yarka
iyo inay ahaadaan dhowr qof oo uu kamid yahay Al-Mansoor.
Al-Mansoor oo gacan kahelaya khaliifka(wiilka) hooyadiis, wuxuu kuguulaystay
inuu meesha kasaaro ragii kale taas awood usiisey inuu gacanta kudhigo dhaman
arimaha dowlada. Taas waxaa xigtay inuu xilka kala wareega wiilkii yara,
sidaasna kunoqday khaliifka ummadda Muslimiinta reer Andulus oo wixii xiligaas
kahoreeyey gacanta ugu jirey Bani Ummayah.
30 sano kadib markii uu iibiyey dameerka, ayuu Al-Xaajib kudulfariistey korsiga
Khaliifnimada taas oo riyadii urogtay run.
Goor ay arin halkaas marayso ayuu dib uxasuustey meeshii uu kasoo bilaabay,
saaxibadiis iyo balanqaadyadii uu usameeyey.
Wuxuu udirey fariin in lakeeno isagoo weliba utilmaamay sifooyinkooda iyo meesha
ay joogaan. Dhegta ayaa lagu soo dhigey ayagoo halkoodii fadhiya oo aan waxba
iska badalin dhaqaale iyo cilmi ahaan. Waxay uqaateen in danbi lagu soo eedeeyey
markii loo sheegey inuu Khaliifka doonaya! Waxaa lasoo hor istaajiyey khaliifka
mise waa saaxibkood,dameerlihii!
Salaan iyo soo dhaween kadib ayuu khaliifka weydiyey inay xasuustaan
codsiyadoodii! Kii beera iyo aduunyada sheekhtey wixii uu kasuustey ayuu
sheegtey,Khaliifkana wuxuu ugu daray dheeraad. Ninkii kale afka ayuu kala qaaday
naxdin awgeed, wuxuuna kucawday in la'iska cafiyo laakinse Khaliifka ayaa diidey
ilaa laga abaalmariyo wuxuu Allah kabaryey iyo 'inuu ogaado inuu Allah awoodi
waxkasta'.
Walaalyaal waxaan filaya inaad duruus badan kala baxdeen sheekadan! Taaariikh
Al-Xaajib, waxaa lagu sheegaa inuu ahaa qof damuux iyo himo leh, waana tan
gaarsiisey meesha uu gaaray. Ama dhallinyarada maanta marbaad isleedahay malaha
waxay doonayaan howl-gabnimo ayagoon weli shaqo tagin.
Qofka inuu isbadal raadiyo waa waxa lagu yaqaan dadka taariikhda horay ugalay.
Allah subxaanu watacaalaa,wuxuu qofka siinaya waxaa uu kafilanaya ee uu
udadaalo, aakhiro iyo aduunyo.
Xusuus
Magaca saxda ah ee Xaajib al-Mansoor waa Muxamad Bin Cabdullaahi Bin Caamir,
wuxuu dhashay 327H, Andulus. Wuxuu kujira raga ugu taariikhda dheer reer
Andulus, 54 jeer ayuu duulay oo aan marna lasoo jibin. Dowladiisa waxay gaartay
meel hortiis iyo gadaashiis aysan gaarin. Waxyaabaha lagu xauusto waxaa kamid ah
inuu ciidan balaaran kuduulay kadib markii loo sheegey in 3 dumar lagu qafaashay
wadan kale oo gaala ah. Sidoo kale, wuxuu balaariyey masjika weyn ee Qurtuba.
Sanadka markuu ahaa 390H ayuu geeriyooday Raximahu-llaah.
Intaan markale kulmayno, waa walaalkiin Adam Abuzuhri oo idinleh 'Soomaali ha is
raacdo'. Wixii talo iyo tusaale ah abuzuhri1@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2013
|