SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Fariin ku Socota Madaxweynaha , Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Raiisul Wasaaraha oo ka Timid Dadka Deegaanka Afisyooni

Waxaa Qoraal naga soo gaarey Dadka Degen Deegaanka Affisyooni ee Xaafadda Xamar jabajab ee Magaalada Muqdisho kuwaas oo ah Qoysaskii Ciidamadii Hore , Kuwa Hadda Safka hore ku jira iyo Xoogaa Shacab oo halkaas ku soo Barakacay ,waxayna fariin Cabasho ah u Dirayaan Madaxweyne Xasan Shiikh , Gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari iyo Raiisul Wasaare Saacid Waxayna Cabashadooda u Qorneyd Sidatan:

Sannadkii 2010 ayaa waxaa la Damcay in dadkii halkaa Degenaa ee Affisyooni oo qaarkood Sadex fac halkaas ku noolaa islamarkaana Dowladii hore halkaas Dejisey ka dib markii ay Abaal gud looga dhigey Difaaca ay Difaaceen Dalkooda in la Barakaciyo iyadoo lagu mar mar Marsiyaoonaya in ay khatar ku yihiin Amaanka Garoonka Diyaaradaha , taasoo markii Dambe ay Beenowdey , waana la ogaa halkii ay ku dambeysey Dhacdadaas , waxaa dadka Degaanka isku afgarteen in la Baneeyo qaybta Kulliyada , oo Dhismaheeda ay wax ka Dhiseen Dadka Deegaanka sidaana Dib loogu Degey Affisyooni .

Waxaa maalintii isniinta ee la soo dhaafey dadka Deegaanka lagu wargeliyey in ay mar kale halkaas uga Guuraan muddo Todobo Cisho taasoo la yaab ku noqotey dadkii halkaa Degenaa , waxayna Qoraalkoda cabashada ku sheegeen in ay ka dambeeyaan Qaar ka mdi ah Saraakiisha Ciidamada ka dib markii ay si hoose ula heshiiyaan dad ganacsato oo halkaas Dano gaar ahaaneed ka Sameystaan, waxaana haatan Deegaanka ku nool dad Gaaraya 10 kun oo Qoys marka waxaa ay dadka Deegaanka isweydiinayaan Dowlada ma Dhul bay rabtaa Mise Shacab hadii ay Shacab rabto waxaan ugu baaqeynaa inay naga qabtaan dadkaas sheeganaya Saraakiisha hadii ay Dhul Rabtana Dhulku waa uu badan yahay oo meel kasta ayey ka helayaan.

Waxaan Diyaar u nahay in aan raacno Go’aankii Madaxweyne Xasan Shiikh ee ahaa in dadka aan laga saari Karin Deegaanada Dowladda leedahay ilaa Deegaankaas ay Dowlada u hesho Dhaqaale ay ku dhisto ,marka waxaa muuqda in Go’aankii Madaxweynaha laga talaabsadey iyadoo la fulinayo Dano Shaqsiyadeed , Sidoo kale waxaa ay dadka Deegaanka ay soo dhaweynayaan hadalkii Wasiirka arrimaha Dibada oo ahaa in dadka Barakacayaasha la Dejinayo deegaano ay Dowlada u soo xushey oo ay ku noolaadaan.

“Dowlad waa Shacab , Shacabka haddii aysan Daryeelin Dowladaas ma noqoneyso Dowlada u adeegta Shacabka sidaa darteed waxaan u soo jeedineynaa Madaxweynaha ,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Raiisul Wasaaraha ay ila gaar ah ku eegaan Cabashada Shacabka iyo Ciidamada ku nool Xaafadda Affisyooni , haddii aysan Dowlada arrinkaa Deg deg wax uga qaban waxaa arrintu ku biya Shubneysaa mid la mid ah wixii ka dhacay Dalka Turkiga gaar ahaan Beerata Taksiin oo ilaa iyo hadda Dowladda Ordogana ay Xal u la’ dahay”ayey ku yiraahdeen Qoraalkii ay soo saareen dad ku nool Deegaanka Affisyooni” Waxay sii raaciyeen

“Waxaan Diyaar u nahay in aan Baneeno Deegaan waa hadii Dowlada ay baahi weyn u qabto laakiin Shaqsiyaad Huwan Magac Dowladeed ama Saraakiil marnaba ka yeeli meyno in si qaldan kaga faaideystaan Magaca Dowladda waayo waxay Dowladi , Dowlad ku tahay in ay u Damqato Shacabkeeda ,bal fiiriya Dadkii Soomaaliyeed ee ka Qaxay Dalkooda waxay ka heleen Dalalkii ay tageen Deegaan, Nabadgeelyo , iyo soo Dhaweeyn , ma waxaa naga Damqanaya Dowladihii Ajnabiga ahaa Dowladiina ma sidaan bay noo Dayaceysaa ,mararka qaar waxaa Maqleysaa Madaxweyne Safarkiisii Dibadeed joojiyey ka dib markiiuu Maqley in la Dhibaateeyey Ruux uu Madax u ahaa marka halkee kala Joognaa Dowladna Ruux bay u Damqanysaa kuwana Shacabkoodii Dhibaato haysta ayeysan wax Muraad ah ka lahayn sidoo kale Xubnaha Baarlmaanka waxaan leenahay Shacabka ayaa Mataleysaan oo idiin doortey ee Deg Deg u eega waxa ka taagan Affisyooni” waxaa sidaa lagu yiri farintii ay u direen Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlanaamka iyo Raiisul Wasaaraha

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mai amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;