SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Tagistiisii Cadaado Maxaa Xigi Doona?

Shiikh Xasan Daahir Aways wixii ka dambeeyey markii laga adkaaday Ciidamadii Midowga Maxkamadaha Islaamka oo ay Dalka soo galeen Ciidamadii Milatariga Itoobiya dabayaaqadii sanadkii 2006-dii waxa uu ka mid ahaa Madaxdii u carartey Koofurta Soomaaliyaa waxayna uga sii gudbeen Magaalada Asmara ee dalka Eretariya halkaas oo lagu Aasaaasay Isbahaysigii ARS ee loo yiqiin Isbahaysigii Asmara oo si cad uga hor yimid Dowladii Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf waxaa uu ka mid ahaa Shiikh Xasan Daahir Aways shaqsiyaadkii ugu magaca weynaa wadaadaadii siyaasiyiintii Qurba joogtii iyo Bulshadii rayidkaa ahayd ee halkas isugu tagtay,

Waxayna ku gacan sayreen isaga iyo rag ku feker ahaa waagaas in lala heshiiyo Dowladii Cabdulaaahi Yuusuf oo ay u arkayeen iney Dabadhilif u ahayd Dowlada Itoobiya oo ay weligoodba Soomaalida Col ahaayeen, Laakiin waxaa u Hogaansamay Dalabkii waxa loogu yeero Beesha Caalamka Wadaado iyo Siyaasiyiin uu Hormuud ka ahaa Madaxwaynihii hore ee Soomaaaliya Shariif Sheikh Axmed.

Markii lagu soo dhawaaqay Dowladii Shariif ee Jabuuti waxaa uu yimid Xasan Daahir Magaalada Muqdisho oo ay ku wada sugnaayeen sedax qaybood oo ay u kala jabeen Midowgii Maxkamadaha Islaamka oo Muqdsisho Nabadeeyey Bartaamihii 2006-dii kuwaas oo kala aahaa Dowladaa Federaalka Xisbul Islaam iyo Al shabaab.

Marka laga eego dhinaca awooda Milatari ma jirin wax sidaa awood u buuran oo ay markaas ku lahaayeen Magaaldaa Muqdisho Xarakada Shabaab mana jirin awood ay ku iclaaamiyaan dagaaal lagala hor tago Dowladii Sheikh Shariif laakiin waxaa arintaaas Al-Shabaab ka gacan siiyey Sheikh Xasan Daahir Aways. Oo dharaar Cad meel fagaare ah kaga dhawaaqay dagaaal lagu qaado Dowlada uu Madaxda ka yahay Shariif Shiikh Axmed waxa uuna ku sifeeyey mid aan waxba ka duwanayn tii Cabdulaaahi Yuusuf oo ay markii hore isaga iyo Shariifba isku feker ka ahaaayeen Waxayna Shabaab mar dambe Xisbul islaam ka qabsadeen Magaalooyin badan taaasuna waxay aakhirkii keentay in Xisbul islaam si guud ugu biiro Xarakada Shabaab oo dagaaal Hubaysan kula jirtay Dowladaa Federaaalka Soomaaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.

Dad badan ayaa rumaysan in Sheikh Xasan Daahir Aweys Al-Shabaab siiyey taageero Siyaasadeed madaama uu ku xiraan yahay Wadamada Qadar,Sacuudiga iyo Dalka Imaaraadka Carabta taas bedelkeedana waxa uu ku lumiyey taageerada inuu gacan ka helo dad badan oo deegaankiisa ah .

inkastoo ay dhinaca fekerka marar badan isku Khilaafeen saraakiisha sarsare ee Al Shabaab hadana waxay ka Midaysnaayeen in uu sii socdo dagaalka lagula jiro Ciidamadaa Dowlada iyo kuwa Amisom. Mana jirin iney Siyaaasiyiinta Shabaab-ku wax sidaa u buuran ka soo qaadaan Weerada dhinaca Afka ah ee uu mar-mar Sheikh Xasan ku qaadi jirey Madaxdaa Xarakada Shabaab.

Si kastoo ay ahaataba hada waxaa soo baxday in Sheikh Xasan Daahir Aways soo gaaray Magaalada Cadaado ka dib safar dheer oo uu Doon kaga soo raacay Magaalda Baraawe halkaas oo uu ku noolaa tan iyo markii Al-shabaab laga qabsaday Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Waxaanaa marag ma doonto ah inuu sii xoogaystay Khilaafka Siyaasadeed ee soo jiitamayey ee u dhexeeyey Shabaab iyo Xasan Daahir. Waxaa marka is weydiin leh oo ka guuxaya maanka dad badan oo soomaliyeed iyo shisheeyaba mar hadii Xasan Daahir maanta joogo Magaalada Cadaado maxay macna leedahay oo kaa bedeli kartaa Siyaasada Soomaalida maanta, una dhimi kartaa Xarakada Shabaab?

Wararku waxay sheegayaan in Maamulka Cadaado uu yahay Dalaal ama Dhexdhexaadiye u dhexeeya Xasan Daahir iyo Dowlada Xasan Sheikh, warar kalena waxayba sheegayaan iney reer Cadaado Shiikh u sii dhoofin doonaan Magaalada Doxa ee dalka Qadar halkaas oo lagu wada hadal siin doona hadii ay dhacdaba isaga iyo Madaxwayne Xasan Shiikh iyadoo Maamulka Ximan iyo Xeeb uu wajahayo Cadaadisyo fara badan hadana waxaa adag in laga Faramoroojiyo hadiiba la isku dayo . Laakiin La arki doonee sida Xaalku noqdo Saacadaha iyo Maalmahaa soo socda markaas oo ay wax kala Cadaan doonaan.

W/Q. Cabdinaasir Xirsi. Iidle

E-Mail naasirx@hotmail.com

Tel 00252615503978

Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;