Warbixinta DFS ee Shirka Brussels ee 16ka September iyo Qorshaha "New
Deal"
Hoos ka akhri warsaxaafadeedyada ka soo baxay DFS ee shirka Brussels lagu
qabanayo 16ka September 2013.
Madaxweynaha oo shaaciyey Shirka Brussels ee 16ka September.
Muqdisho 26 June 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Guud ee
Afrika ee Midowga Yurub Mr Nick Westcott iyo Safiirka Midowga Yurub Michelle
Cervone kalana hadlay shirka Brussels lagu qaban doono 16ka September 2013 iyo
sidii loo xoojin lahaa xiriirka Midowga Yurub iyo Soomaaliya.
Shirka ka dib ayey labada mas’uul shir jaraa’id ku wada qabteen Xafiiska
Madaxtooyada oo ay shaaciyeen in shirka Brussels uu dhici doono 16ka September
2013 loogana hadli doono sidii loo taageeri lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya
qorshaheeda dib-u-dhiska Dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyey dadaalkooda
iyo go’aankooda ah inay Xafiiskii Midowga Yurub ay dib uga furayaan dalka
gudihiisa, sheegeyna inay shacabka Soomaaliyeed muhuum u tahay inay Midowga
Yurub dalka gudihiisa ay ka howlgalaan oo xafiisyadooda ka furtaan. Waxuuna
sheegey in Dowladdu ay ku taageeri doonto Midowga Yurub sidii xafiiskaas
Muqdisho looga furi lahaa.
Madaxweynaha oo ka jawaabay su’aal aheyd maxuu shirkan uga duwan yahay shirarkii
horey loo qaban jirey ayaa ku yiri “ Shirkan Brussels ka dhacaya 16ka September
2013 waa mid Dowladdu ay la hortageyso qorsheyaasheeda dib-u-dhiska dalka oo ka
tarjumaya baahida dhammaan deegaanada Jamhuuriyadda Soomaaliya, caalamkuna ay
maanta diyaar u yihiin in la sii xoojiyo guulaha amniga iyo horumarka ka jira
Soomaaliya.
“Soomaaliya oo maanta mareysa marxalad ka soo kabasho iyo bilow horumar waxey u
baahantahay kaalmada caalamka, oo ma jiro dal sida Soomaaliya u burburtay u
burburay, mana jiro dal ka soo kabtay dhibaatooyinkii soo maray oo aan caalamku
ka saacidin.
“Maanta waxaan mareynaa marxalad shacabka, dowladda iyo xaaladduba ay diyaar u
tahay in dalka dib loo dhiso oo shacabka Soomaaliyeed ay helaan fursado shaqo,
waxbarasho, caafimaad iyo dhammaan adeegyada bulshada. Aad iyo aad baana uga
mahadcelineynaa Midowga Yurub dadaalkooda oo rajo weyn nagu abuuraya.
Ugu danbeyntii Madaxweynahu waxuu yiri in shirka cida ka faa’iideysaa ay yihiin
shacabka Soomaaliyeed oo dhan, qorsheyaasha iyo mashaariicda la horgeynaya ay
yihiin kuwo dalka oo dhan ku baahsan.
- DHAMAAD -
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Senior Advisor & Spokesperson to the
Office of the President
Ra'iisal Wasaaraha oo sheegay in Soomaaliya aad ugu hanweyn tahay shirka
Brussels iyo heshiiska caalamka
Muqdisho, Juun 26, 2013. .. Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaaliga ah ee
Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid" oo maanta si rasmi ah u furay
kulankii guddi hoosaadka Heshiiska Caalamka ee loo yaqaano New Deal ayaa
muujiyay sida weyn ee loogu hanweyn yahay shirka Brussels ee qorshahan lagu
fariisin doono.
"Waxaan aad ugu qanacsanahay inaan isfaham buuxa la yeelano caalamka intiisa
doonaysa inay gacan naga siiyaan dib-u dhiska iyo horumarka dalkeena. Waa mid
aan hormuud ka nahay noona ogolaanaya inaan baahideena gudbisano, sida aan
rabnana naloogu taageero," ayuu yiri Ra'iisal Wasaaraha oo khudbo kooban ka
jeediyay kulankii maanta ay yeesheen hawl-wadeenada isku jira ee qorshaha New
Deal.
Nick Westcott oo ah Agasinka Midowga Yurub ee Arrimaha Bariga Africa oo shirka
ka hadlay ayaa sheegay in wali laga shaqaynayo heshiiskii Soomaaliya iyo
bulshada caalmka ee doonaysa innay Soomaaliya taakulayso. Waana hawl socon
doonta inta laga gaarayo Sebteembar 16 oo ah marka uu shirku furmayo, ayuu yiri
Nick. Waxaana uu intaas ku daray in qorshahani yahay mid Soomaalida lagu
garab-qabanayo una suurto galinaya inay ka guul-gaaraan qorshohooda qaran.
Dhanka kale, waxaa isna arrrinta ka hadlay wakiilka Qaramada Midoobay ee
Soomaaliya Nicholas Kay oo qorshahan ku tilmaamay mid xoojinaya xiriirka u
dhexeeya Soomaaliya iyo bulshada caalamka. Waxaana uu dawladda Soomaaaliya ugu
baaaqaay innay la timaado baarnaamij dib-u dhis iyo horumar oo dhamays tiran.
Ra'iisall Wasaaraha ayaa sheegay innay xukuummaddiissu aqbashay qorshaha New
Deal ayna dooonayso siday u heli lahayd qaabka ugu sahlan ee caalamku gaacan uga
siin kaaro qorsha dawligaa. Waxaana uu sheegay innay shacbiga iyo dawladduba aad
ugu han-weyn yihiin heshiiska labada dhican ee lagu wado innuu ka soo baxo
shirka Brussells ee dhacaya Sebteembar 16.
DHAMAAD
Sawirada Halkan ka daalaco
http://s1190.photobucket.com/user/adangurey/slideshow/New%20Deal%20Core%20Group
Ahmed Adan
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
Phone: +252 (0) 616 44 00 28
Email: media@opm.gov.so
Madaxweynaha oo hanbalyada 26ka Juun u diray shacabka Soomaaliyeed
Muqdisho 26 Juun 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan
Sheekh Maxamud ayaa hambalyo u direy shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan
munaasabadda 26ka Juun.
Madaxweynaha oo ka qeybgalay xaflad si heer sare ah loo soo agaasmay oo ka
dhacday Madaxtooyada oo ay ka soo qeybgaleen Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra'iisul
Wasaaraha, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Ra'iisul Wasaare Ku-xigeennada,
Wasiiradda, Xildhibaanada, Guddoomiyaha Gobolka Banadir iyo marti sharaf kale
ayuu madaxweynahu ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasibadda maalintii
xornimada ay qaateen gobolada Waqooyi oo aheyd 26kii Juun 1960.
Madaxweynahu waxuu yiri "53 sano ka hor ayey aheyd markii dhalinyaro
Soomaaliyeed horseed ka noqdeen halgankii lagu helay xornimada, midnimada,
qaranimada isla markaana kor u qaaday sharafkii iyo karaamadii shaqsiga
Soomaaliga ah. 53 sano dadku wey ka waxbarasho yaraayeen maanta, weyna ka
dhaqaale yaraayeen, hase yeeshee waxaa jirtay geesinimo, waddan jaceyl iyo
midnimo xoogan."
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegey in "Maanta ay muuqato ifafaallo rajo weyn
na siineysa inaan marxaladdan adag si wadajir ah uga baxno. Wallaalaheen
Waqooyiga waxey 53 sano ka hor la yimaadeen aragti dheer oo ay midnimada ummadda
Soomaaliyeed uga dhigeen mid muqadas ah oo aan la taaban Karin, waana uga
mahadcelineynaa dadaalkaas iyo aragtidaas fog."
Madaxweynahu waxuu sheegey in tafaraaruqa, qabyaaladda iyo danaha gaarka ah
uusan xalku ku jirin oo loo baahanyahay Qaranimo, midnimo, wallaaltinimo iyo
dowlad jaceyl na gaarsiin karta marxalad shaqsiga Soomaaliga ah uu sharaftiisa
iyo karaamadiisa kor u qaadeysa.
Madaxweynaha ayaa xafladda ka dib salaam sharaf ka qaatay ciidamada isla
markaana calankii lagu saaray goobtaas oo si qiiro waddaninimo leh ay ka wada
muuqatay dhammaan ka soo qeybgalayaashii xafladii calan saarka iyo munaasabadii
26ka Juun.
- DHAMAAD -
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Senior Advisor & Spokesperson to the
Office of the President,
Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2013
|