SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Khudbadda Gudoomiyaha Baarlamaanka Ee 26ka June (Qoraal+Cod)

Halkan ka dhagayso Khudbaddii Jawaari oo Cod ah

Khudbadda oo qoraal ah hoos ka akhri:

KHUDBADDA GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACBIGA
M.ne Muxammad Sh. Cusmaan Jawari

Mudane Madaxweyne,
Mudane Ra’iisul Wasaare;
Mudane Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Golaha Adeegga Garsoorka;
Mudanyaalka Golaha Shacabka iyo Xubnaha Golaha Wasiirada;
Madaxda Maamulka iyo Maaraynta Hay’adaha Dawladda Hawlwadeennada hawlaha Dawladda
Madaxda Maaraye ganacsiga iyo Laamaha gaarka

Muwaadiniinta Sarafta leh
Walaale iyo Walaalow

Anigoo ku hadlaaya magaca Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed kana wakiil ah dhammaan xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed, iga guddooma salaam diiran, qaddarin gaar ah iyo HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO ku aaddab sannadguurda 53-aad iyo habeenkan xusuusta mudan oo gobollo ka mid ah dalkeena hooyo ay xorrobeen.

Hambalyo diiran ayaan u diraya dhammaan shacbiga soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaanse rabaa in caawa muwaadin kasta in uu qaato daqiidado yar oo kooban oo uu xusuusto farxadda iyo rarrayta iyo hilowga aan isu qabnay 26-kii Juun ilaa 1-dii Luuliyo 1960-kii deedna is weydiiyo: Maxaa ina kala kexeeyey iyo maxaa tala ahoo inoo dan ah.

Aniga iyo xildhibaanada ila da’da ah iyo kuwa usoo goobjoogay waagaas xorriyada, waxaan isku raacnay in hilowgii ina hayey waagaas maanta mid kasii kulul uu ina hayo, dhammaan xildhibaanadasiday u dhan yihiin, waxay ku mideysan yihiin in midnimo iyo walaaltinimo isugu soo hoyanona ay inoo dan tahay, umaddeena iyo horumarka dalkeenana u roon.

Mudane Madaxweyne, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed wuxuu soo dhoweynayaa taageerayaana sii wadidadda wadahadallada dib-u-heshiiska u bilowday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Gobollada woqooyiga Soomaliyeed ee Somailand;

Inta geeddisocodka wadahadallada socdaan taniyo gunaanadkiisa laga gungaarayo, BFS wuxuu ku talinaya in muwaaddin kasta oo soomaaliyeed heer kastoo maqaamkiisa bulshadeed yahay uu ka fogaado hadal kasta oo keeni karo xanaf iyo maandhaaf.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed wuxuu ku talinaya, in is-dhexgalka iyo isusocodka bulshada, wada xiriirka dhaqaale, ku dhaqanka iyo xormaynta Diinta Islaamka iyo maamusidda xeer-dhaqameedka soomaalida, ilaalinta midnimada dhulka iyo gobannimada umadda soomaaliyeed, wadar ahaantooda waa dhaqammo isku dhafan iskuna dhidibbo aasan, oo xiriiriya bulshada soomaaliyeed oo ay dheer tahay hal luqad ay ku wada xaajoodaan. Waxaan leenahay dhaqan nool oo leh dhiig walaaliya soomaalida oo sinna aan loo kala furfuri Karin, dhul kasta oo ay ku nool yihiin iyo calan kasta oo ay huwan yihiin. Saa daraadeed, dhaqammadaas aan soo tilmaanay waa in ay ka mid ahaadaan qodobbo ka mid ah ajendada geeddisocodka wadaxaajoodkan u bilowday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Gobollada Soomaaliyeed ee Somaliland.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed wuxuu ku talinaya, in Nuxurka iyo natiijada wadahadalka in ay waafaqsanaadaan ruuxa iyo axkaamta Dastuurka Federaalka sida ku meel gaarka loo ansixiyey iyo Dastuurka kama dambayska ahe, haddi Eebbe idmo, dadweynaha soomaaliyeed sanadka 2015 ku ansixin doono afti dadweyne.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed wuxuu ku talinaya, in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay la-tashiga arrimaha wadaxaajoodka ballaarisaa si dadweynaha soomaaliyeed guud ahaan, intii suurtogal ah, uga wada qaybqaataan, gaar ahaan muwaddiniinta kasoo jeeda degaanada Gobollada Woqooyiga Soomaliyeed ee Somalilandna si buuxda looga qaybgeliyaa.

Mudane Madaxweyne, iyo walaalyaal, Soomaalida waa dad yar tiro ahaan, degaan ahaanse waa dal ballaran oo ina wada deeqa, dadka soomaaliyeedna waa mid wadaaga waxyaabo maguuraan ah oo siinaya midnimo asal ah (natural unity/unita’ naturale), inkastoo muddooyinkan dambe aad laysugu diray, laysugu dilay loona kala dilay, iyadoo aad loogu buunbuuniyey waxyaabaha yaryar ee kala qaybiya, lagana indhasaabay arrimaha waaweyn ee mideeya, midnimadaas asalka ah oo keeneysa in run ahaantii ayan jirin baahi lagama maarmaan ah oo loo qabo kala goynta shacbiga iyo kala qooqoobidda dalka iyo kala daadin bulshadeed.

Aan wada hadalno waa aan heshiino – Mudane Madaxweyne Mudane R/Wasaare, wadahadalkan inoo bilowday yuusan hakan … geed dheer iyo geed gaaban ku kastaba aan u wada fuulno, gogol nabadeed kasta, goob kasta lagu fidiyo aan u galno, shacbiga soomaaliyeed wuxuu inaga filayaa inaan nabad iyo walaaltinimo umaddeena isugu soo hoohino oo kuna midowno. Wadahadalku ha noqdo mid walaaltinimo ee yuusan noqon una muuqan mid weel iyo waalid ka tarjumaya. Waxaabaha fara ku tiriska ah oo aan ku kala tagsan nahay ha noo dambeyaan oo arrimaha badan aan ku heshiis nahay aan ku midowno. Wadajir aan uga baxno gudcurkan dhowr iyo labaatankan sano inagu habsaday.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed wuxuu idinla diyaar yahay in aan tageero buuxdo idinku siiyo oo weliba aan idinla hawlgalno.

Shacbiga Soomaaliyeedna waxaan xusuusinayaa in Baarlamaan iyo xukuumad keligood aanay howshan iyo wada xaajoodkan fulin Karin. Gobbanimada Jumhuuriyadda, Alaahu SWT ka sokow, shacbigaa leh, ajiga loo adeegayo waa shacbiga. Hay’adaha Dawladda ma aha wax kale ee waa addimaha u adeega rabitaanka Shacabka. Saa daraadeed.

Waaa waajib muwaaddin kasta u xilsaaran in midnimada iyo difaaca dalkeena loo wada guntado, Gobannimada iyo sugidda ammaanka umaddeenana u wada duubano.

Ugu dambayentii waxaa Allahu swt ka baryeynaa in quluubteena isu soo wada dumo, dhaahaa wixii dhexdeena ah oo aan isku maandhaafnayna in uu si san, warsan iyo si suuban noogu islaaxiyo. Waxaan Allahu swt ka baryeynaa inuu inaga dhigo kuwii dhallinteena dhaxal wanaagsan u reeba, oo adduunyadooda ku dhaqdaan aakhiradoodana uga tabaasheystaan. Barbaarteenana inuu xilqaadiyaal suuban oo barakeysan inooga dhigo inta dhunsanna inoo soo hanuuniya… aamiin! Aamiin! Allahayow amiin!

Mar kale Hambalyo iyo isu soo hoyad wanaagsan

Wassalaamu Calaykum wa RaxmatuLlahi wa Barakaatuh


Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo ku aadan 26-ka juun u diraya dhamaan shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho, 26, June, 2013.. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliye mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa hambalyo ku aadan sanad guuradii 53 aad ee ka soo wareegtay 26-ka Juun 1960 u diraya dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dibada iyo gudaha dalka.

“Anigoo ku hadlaya magacayga, kan xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waa maalin qiimo weyn ku leh qaranimada Soomaaliya, waana malintii ugu horaysay ee calan Soomaaliyeed xoriyad ku babado” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in maalintani huwan tahay taariikh aad u dheer ayna tahay maalintii ummada Soomaaliyeed ay gumaysitii Ingiriiska ka xoroobeen. Waaxaana uu sidoo kale xusan halgankii dheeraa ee ummadda Soomaaliyeed u soo gashay madax-banaanideeda iyo inay noqoto ummad six or ah aayeheeda uga tashata. waxuuna sheegay inay farxad weyn u tahay in sanad guuradii 53aad ee xornimada Soomaaliya barked gaar ahaan gobolada waqooyi ay ku soo beegantay xili uu dhacayo isbdal taariikhi ah ayna dalkana ay ka taliso xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya.

“Waxaa farxad inoo ah inaan markale xusno maalintaan taariikhiga ah anagoo ah dawlad iyo ummad caalamka laga aqoonsan yahay, aana ka gudubnay dagaaladii sokeeye iyo dawladdihii ku-meel-gaarka ahaa,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo tilmaamay inuu si buuxda ula qeybsanayo farxada dabaal-daga maalintaan taariikhiga ah dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba.

DHAMAAD

Xafiiska Warbaahinta
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

Muqdisho, Soomaaliya
Email: media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com | June 26, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;