Ciidamada Xooga oo Qar ka laa-laada!!
Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed waxaa la Aas-aasey 12 kii Abriil Sannadkii
1960 kii , markii uu jirey Saddex Sanno ayaa waxaa uu Dagaal la galey Ciidamadii
Itoobiya oo islahaa yeeysan Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed kuugu Xoogeysan ,
hase yeeshee waa la ogaa Wacdaraha iyo Casharadii ay u dhigeen Ciidamadii
Itoobiya ee ku soo Xadgudbey Ciida Soomaaliya , waxaan Xiligaas Ciidamada
Somaaliya ay gaarayeen ilaa Laba Kun oo Askari.
Hadba meel waxaa uu soo Tu’aba Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliyeed waxaa ay
Cududiisa ugu Xooganeyd ay gaartey Xiligii Dowladii Milatariga , waxaana lagu
Qiyaasey ilaa Boqol kun oo Askarii iyo in ka badan waxaana si aad ah u dhismey
Ciidamadii Dhulka ,,Badda iyo Cirka , waxaana Ciidamada Miltariga ay noqdeen
kuwa ugu Xoogan ee Qaarada Afrika ka dib markii ay ka adkaadeen Libaaxii Afrika
waa Ciidamadii Itoobiya Sannadkii 1977, wxii Xiligaas ka dambeeyey waxaa hoos u
dhac ku yimid Ciidamaddii Xooga dalka Soomaaliyeed ilaa markii dambe ay ku kala
biireen Kooxo Jabhado ahaa kuwaas oo bililiqeystey Agabkii Ciidamada Xooga dalka
Soomaaliyeed .
Mudadii Labatanka Sanno ee uu Burburka uu jirey waxaa la isku dayey in Dib loo
Yegleelo Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed , bal aan fiirino marxaladihii ay
soo mareen Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, Xiligii Dowladii Carta ayaa
Raiisul Wasaarihii Dowladaa Cali Khaliif Galeyr ayaa ayaa mar uu la hadlayey
wixii ka harey Ciidamadii Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa yiri”Calaamka naga
yeelimaayo Dib Dhiska Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed marka aan sameyno
Ciidan na Badbaadiya , Iyagana aan ka Badbaadno” hadalkaas ayaa waxaa si aad uga
caroodey qaar ka mid Saraakiisha Soomaaliyeed maadaama uu hadalkaas u dhacayey
in la sameeyo Ciidan aad u yar oo aan dagaal geli Karin.
Xiligii Dowladii Cabdulaahi Yuusuf ayaa Dowladaas waxay damacdey in ay Dib u
dhisto Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed maadaama uu Cabdulaahi Yuusuf wax ka
yaqaaney Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed , hase yeeshee waxaa Dawaldadaas la
soo Tababarey Ciidamo fara badam basle waxaa loo Bixiey Magaca Koobi oo loola
jeedey in Ciidamaas ay yihiin kuwa ku dhaqan ah Ciidamada Itoobiya waxaana ku
furmey Dagaalo u muuqdey kuwa Qabiili ah maadaama ay Qabaailka qaarkii ay
Ciidamadaas ugu muuqdeen kuwa la doonayo in lagu Muquuniyo Qabiil gaar ah ,
waxaana Ciidamaas ku yimid Burbur iyo kala carar .
Markii uu Xukunka uu qabtey Shiikh Shariif waxaana Xiligaas Ciidamada Xooga
dalka loo soo Tababarey Ciidamao fara badan hase yeeshee waxay iyana wateen
Dhaqamadii Wadamadii lagu soo tababarey Sida Uganda , Jabuuti , Sudaan iyo Kenya
, waliba waxaa intaas ii dheer in Ciidamaas ay ahaayeen kuwa siTa Noocyo kala
duwan oo Dareyska Ciidamada , waxaase la yaab leh in Wasaaradii ay ka
tirsnaayeen aysan siinin Darreys u gaar oo lagu garto dhamaan Ciidamada Xooga
dalka Soomaaliyeed , waxaa ka sii yaab badnaa markii aniga oo ku sugan mid ka
mid ah Isbitaalada Muqdisho ayaa waxaa Xafiiska Dhaqtarka soo galey Wiil
Dhalinyaro ah oo Xanuunsanaa, waxaa uu Dhaqtarkii weydiiyey halkii uu ka tirsan
yahay ? Waxaa uu ku jawaabey”Maxaa sheegeysaa Dhaqtar “ War waxaan ku weydiiyey?
Qaybtee , Horintee, iyo Ururkee ayaa ka tirsan tahay” Isaga oo indhaha ka Mirig
Mirigsiinaya ayuu yiri” War Horrin iyo Urur ma aqaanee waxaan ka mid ahay
Ciidanka hebel” isagoo Tilmaamaya mid ka mid Qabqablayaasha Ciidamada Xooga “
Aad buu u yaabey Dhaqtarkii oo sii daba dhigey “ Walee Ayaandarro ayaa ku
dhacdey Ciidamadii Xooga Dalka Soomaaliyeed hadiiba ay garan la’ yihiin halka ay
ka tirsan yihiin”
Qaar ka tirsan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa qaarkood waxay meel Fagaaro ah ka
sheegeen in Ciidamada Xooga Dalka ay yihiin kuwa Magac u yaal ah, waxayna Afka
ku balaariyeen in Ciidamada Xooga dalka ay yihiin Ciidamo Hal Qabiil ah sidoo
kale qaar kale ayaa waxay qabaan in Isbedelkii lagu sameeyey Saraakiisha
Ciidamada ay sabab u yihin habacsanaanta ku timid Ciidamadii Xooga dalka
Soomaaliyeed iyadoo markii la doortey Madaxweyne Xasan Shiikh uu sheegey in uu
dib u Dhisayo Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed sidii kale waxaa uu sheegey in
aysan waayi doonin Mushaaraadkooda oo ay Bil waliba ay qaadan doonaan , waxaana
Moodaa in taasi ay meesha ka baxdey waayo mudo Afar Bilood wax Mushaar ah ma
qaadan oo markii muddo la joogo ayaa waxaa Ciidamada loo tuuryaa 200 oo Doolar ,
mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada ayaa yiri” Labadaan Boqol ma Kororto miyaa
waxaa la bilaabey Xiligii Dowladii Shiikh Shariif.
Sarkaal Diidey Magaciisa la sheego ayaa yiri “Marnaba lagama yaabo in ay
Dhismaan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed Qaybahooda kala Duwan waayo 30% waa
Nabad Sugid 40% waa Booliis inta soo hartey waa Milatari markii Askarigii Safka
hore ku jirey waxaa uu Qalqaalo ugu jiraa in Labadaas Ciidan midkood uu noqdo
waa Nabasugid ama Booliis waayo Aqliga Wanaagsan ma Nasiinayao in Askari Safka
Hore ku jiraa iuu ka uu ka Nolol Hooseeyo Ciidamada kale ee Nabadsugida iyo
Booliiska , mida kale Ciidamada Safka hore ku jira waa ka soo yaacaan Gobolada
iyo Tuulooyinka , waxayna qaarkood ay ilaalo u noqdeen Wasiir , Xildhibaan
Sarkaal, Agaasime marka waxaan Ogaadey in Askarigaas uu laba Mushaar qaato ka
dib marka uu la heshiiyo Sarkaalkii Xukumayey ee uu Safka hore dagaalka uga soo
tagey marka sidee Ciidan Xooga dalka Soomaaliyeed ku Dhismayaa.
“Inta ay Ciidamo Shisheeye ay Ilaalo ka yihiin Madaxda Dowlada ha ka yaabin in
ay Niyad yeeshaan Ciidamada Qaranka , waxaan ku talin lahaa in Madaxda Dowlada
ay Ilaalo ka noqdaan Ciidan Soomaaliyeed taas ayaa waxaa ay abuuri kartaa in la
jeclaado Ciidamada Qaranka, laakiin inta ay Shisheeye ilaalo ka yihiin Madaxda
Qaranka waa adag tahay in ay Dhismaan Ciidamada Qaranka, waxaa ka sii yaab badan
waxaan Maalin Dhaweyd arkayey Gawaari kuwa Qafilan ama Beebee la siiyey
Ciidamada Booliska marka maxay Ciidamada Booliiska ku qabanayaan Gawaaridaas aan
oran karo waxaa lahaa Ciidamada Xooga dalka maadaama ay Safka hore ee Dagaalka
ku jiraan waana arrin kale oo aan laga fiirsan”ayuu yiri Siyaasi ka mid ah
Siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Waxaa uu sii raaciyey
“Waxaa i soo wacay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda ee ku sugan Kismaayo
waxaa uu i yri “Waxaan Qarka u saaranahay in aan ku kala biirno madaxda is
Magacawdey ee ku sugan Kismaayo waayo Muddo dheer wax Mushaar ah kama helin
Dowladda Federaalka ,waxaa ka sii daran in uu heshiis dhex marey Xukuumada Ahlu
Sunna waxaana lagu heshiiyey in Ciidamada Ahlu Sunno ku biiraan Cidamada Dowlada
weliba lana siiyo Tababaro iyo Mushaar Dhowr Bilood ah hase yeeshee taasi waxay
ay ka socon weydey Dhinaca Xukuumada inkastoo Xukuumada ay u sheegtey Ahlu Sunna
in Saraakiil Soo Tira Koobta loo diro Xarumaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Ahlu
Sunna balse waxaa taasi u Cuntamiweysey Ahlu Sunna sidoo kale waxaa jira Ciidamo
fara badan oo la sheegey in ay yihiin Ciidamada Badda iyo Cirka kuwaa oo iyana
Mushaaraad ku qaata Magacyadaas inta Xooga la saari lahaa Ciidamada Dhulka oo
maanta Baahidooda taagan tahay ”
Guntii iyo Gabagabadii Wiil uu Dhaley Askari ka mid Askartii hore ayaa wxaa uu
yiri “Aabahey waxaa uu ahaa Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed waxaana uu
Mashaarkiisu ahaa mid aan na Kaafin Karin hase yeeshee Dowladii Milatariga waxay
Ciidamada Siin jirtey Raashin aan Biilan jirney Bisha oo isugu jirta Kiish
Bariis, Kiish Bur , Saliid , Sonkor, Caano Boore iyo Timir taasoo naga Dabooli
jirtey Mushaarkii yaraa ee Dowlada na sii jirtey waxayna Ciidamada ay ahaayeen
kuwa ku faraxsan Mihnadooda Ciidan sidoo kale waxaa Dowladda si aad uga warqabi
jirtey Ehelda Askariga Geeriyoodo ilaa ay Ilmahiisa ka Korayaan waxay qaadan
jireen Mushaarkooda iyo Raashinkooda sidoo kale kan Dhaawaca waxay u fidin
jirtey Daryeel Caafimaad sidaa darteed hadii Dowladda uu Mushaarkii Ciidamada ku
adkaadey maxay dhinaca Raashin Xooga u saari weysey oo Dowlada Caalamka uga
Codsan weysey in laga Taakuleeyo Dhinaca raashink sida ay Sameeyn jirtey
Dowladii Milatariga inta ay isku Howleyso Lacago kaalmo ah weliba raashinkaas si
Dadban ayuu u gaarayaa Shacabka taasi ayaa looga bixi karaa Dayaca Ciidamada
Xooga Dalka Soomaaliyeed.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mai amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2013
|