Ra’iisul Wasaaraha oo magacaabay Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho,
June 24, 2013-----Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta u magacaabay Afhayeenka Xafiiska
Ra’iisul Wasaaraha Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo ah waaya arag dhanka warbaahinta
ah.
Dikreetada magacaabista oo warbaahinta loo qeybiyay ayaa ku taariikheysan June
23, 2013, waxayna u qorneyd sidan hoos ku qoran.
Ujeeddo: Magacaabis Xil
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya
Markuu arkay: Qod. 99-aad Xarfihiisa (A, D, iyo E) iyo Qod. 100-aad ee Dastuurka
JFS
Markuu arkay: Baahida loo qabo in la xoojiyo lana horumariyo xiriirka
warbaahineed ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Markuu Akhriyey: Taariikh-nololeedka, waayo-aragnimada shaqo iyo aqoonta la
xiriirta warbaahinta uu leeyahay aqoon-yahanka hoos ku xusan
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya wuxuu xeeriyay
Qod.1-aad
Magacaabis
Waxaa loo magacaabay Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiweli Afhayeenka Xafiiska Ra'iisul
Wasaaraha.
Qod.2aad
Dhaqan gelid
Xeerkani waxa uu dhaqangalayaa marka uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada
Federaalka Soomaaliya, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee dawladda.
Mudane Cabdi Faarax Shirdoon
Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumada Federaalka Soomaaliya
Dikreetada oo saxiixan Halkan ka eeg
Ra’iisul Wasaaraha Ayaa Tababar U Soo Xiray Ciidankaii Ugu Horeeyey oo
Saraakiil Soomaaliyeed Ku Tababaraan Dalka Gudihiisa
Muqdisho, 24, Juun, 2013..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee
Soomaaliya mudane Cabdi Farax Shirdoon (Saacid) oo ay wehliyaan Wasiirka
Gaashandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, Wasiirka Wasarada kheyraadka C/risaq
Cumar Maxamed iyo Wasiirka Warfaafinta C/laahi Cilmooge Xirsi ayaa maanta xero
ku taala deegaanka Jaziira taba-bar ugu soo xiray ciidamo gaaraya ilaa 880
Askari, ciidankaan ayaa goobta kusoo bandhigay gaado ka ciyaar kala duwan.
Taliyaha ciidanka qalabka sida Jen: Daahir Cilmi Aadan (Indha Qarsho) ayaa ka
hadlay ahmiyada uu ciidankaan u leeyahay wax ka qabashada amaanka dalka.
“Ciidanka maanta taba-barka aan u soo xirnay waa ciidan markii aan xaraynaynay
aad laysu weydiinayey halka aan ka helayno dhaqaalaha ku baxaya, waxaana sharaf
u ah dowladda Soomaaliya iyadoo beesha caalamka aan wax taageero ah ka helin
inay u soo dhamaystirto tababarkaan oo soconayey mudo lix bilood ah, waxaana
kalsooni buuxda ku qabnaa in ciidankaan ay noqon doono kuwo ka xoreeya meelaha
ay uga harsan yihiin kooxaha nabad diidka ah dalka” ayuu yiri Jeneraalku.
Wasiirka gaashaandhiga Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa ku bogaadiyey sida
mutawacnimada ah ee ay ciidankaan u dalbadeen inay dalkooda difaacaan, wuxuuna
tilmamay in ciidankaan saldhiga u yahay asaaska ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.
“Waa ciidankii ugu horeeyey ee dalka gudihiisa ay ku tababaraan saraakiil
Soomaaliyeed, waxaana makhraati ma doonta ah hadii aan isku tashano inaan wax
qabsan karno, ciidankaan waxay doorteen inay dalkooda iyo diintooda ka difaacaan
cadowga, waana lagu abaal marin doona” ayuu yiri wasiirku
Ra’iisul wasaaraha ayaa dhankiisa sheegay in ciidankaan sida ugu dhaqsaha badan
loogu dhamaystirayo agabyadii ay ku howl gali lahaa yeen,si ay u gutaan
waajibaadkooda shaqo.
“ Ciidankaan waxaa tababarka loo furay markii xukuumadda la ansixiyey, waana wax
lagu farxo in mudo 23 sano kadib markii ugu horaysay ay ciidanka qaranka ay
tababaraan saraakiil Soomaaliyeed, taba-barkaan waa wajigii koobaad, waxaana sii
socon doona tababrada la siinayo ciidamada kale, waxaa xukuumadda ka go’an in
dhamaan ciidanka qalabka sida ay si joogta ah u helaan xuquuqdooda” ayuu yiri
Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale xusay in siyaasadda dowladda ay mudnaanta
koobaad siinayso daryeelka ciidanka, waxayna golaha wasiirradu khamiistii la soo
dhaafay magacabeen guddi ka shaqayn doona sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha
kala duwan ee haysta ciidanka qalabka sida
Ugu danbayntii Ra’iisal Wasaaraha ayaa ciidanka la qadeeyey, isagoona kala
sheekaystay duruufaha ay ku tababarteen, waxaana arinkaas qayb ka yahay dadaalka
uu Ra’iisul Wasaaruhu ugu jiro sidii kor loogu qaadi lahaa moraalka ciidanka.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa u balan qaaday kooxda horseed oo duruufo
dhanka nolosha ah ay ka muuqdeen in la siinayo lacag gaaraysa 30,000 doolar,
isagoona ku tilmaamay in kooxdaani ay laf dhabar u tahay guubaabinta iyo
geesinimo galinta ciidanka, kooxda horseed ayaa maanta soo bandhigtay heeso ay
ku cabirayeen sida ciidanka qaranku ugu heelan yihiin inay difaacaan dalkooda.
---DHAMAAD---
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the Prime Minister
Mogdisho-Somalia
Media@opm.gov.so
Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2013
|