Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse Boqor Yuusuf (King-Kong) oo ku
geeriyoday dalka Finland - June 24, 2013
Taariikh nololeedkii Boqor C/laahi Boqor Muuse oo kooban
- Boqor C/laahi wuxuu ku dhashay Degmada Jeriiban Gobolka Mudug Sanadka
markuu ahaa 1937 .
- Wuxuu Dugsi dhexe iyo dugsi sare ku qaatay College Somali Caasimada
Muqdisho.
- 1967 Boqorku wuxuu ka soo qalin jabiyay Jamacada modena ee Itali, wuxuu
takhasus ku sameeyay Sharciga Penalka iyo civilka Sanadki .
- 1969 wuxuu ahaa Gudoomiyaha Maxkamada Gobalka Banaadir .
- 1971-1973 wuxuu ahaa Garsooraha Maxkamada abiilka .
- Dagaalkii sokeeye ee Somalia ka hor Boqorku wuxuu kamid ahaa
siyaasiyiinti qortay Manifesto .
- Sanadihii ka danbeeyay buruburkii wuxuu boqorku ka mid ahaa madaxada
Sarsare ee Gobalada Puntland.
- 2000-2002 Wuxuu noqday Wasiirka Gaashandhiga ee Dawladii TFG da ee Carta
lagu soo dhisay .
- 2008 ayaa loo caleemo saaray Boqor
Waxaa u tacsiyeeyey:
Madaxweyne Xasan: Boqor King-Kong nabadeyn baa lagu xasuusan doonaa
Muqdisho 24 May 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa eheladii, Qaraabadii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed
uga tacsiyeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Rabbi ha u naxaristee
Marxuum Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (King-Kong) oo maanta ku geeriyoodey Dalka
Filand.
Madaxweynahu Waxuu sheegay in Boqor Cabdullaahi uu ka geeriyoodey dhammaan
umadda oomaaliyeed “Inaa lilahi wa inaa ilayhi raajicuun,Waxaan leenahay Allaah
Samir ha inaga siiyo Boqorka dhammaanteen, waxa uu ka tegey dhammaan umadda
Soomaaliyeed, waxa uu ahaa nin si weyn looga yaqaano dalka ahaana aqoonyahan
Taqasus u leh sharciga, kana soo jeeda boqortooyo oo waqtigiisa ku bixiyey
nabadeynta shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Sidoo kale Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa sheegay in Boqorka uu door muhiim ah ka soo qaatay shirarkii dib u
heshiisiinta ahaa ee ka dhacay gudaha iyo dibadda dalka Soomaaliya sidoo kalana
la soo shaqeeyey dowladdihii dalka soo maray.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in uu Marxuumku ka mid ahaa Odoyaashii
iyo Siyaasiyiintii isku hawshay badbaadinta Qaranka Soomaaliyeed.
- DHAMAAD -
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Senior Advisor & Spokesperson to the
Office of the President
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka tacsiyadaynaya geeridii ku timid Marxuum Boqor
Cabdullahi Boqor Muuse
Tacsi qaran
Inaan-li-laahi waa inaa ileyhi Raajucuun
Muqdisho, 24, June, 20133..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee
Soomaaliya mudane Cabdi faarax Shirdoon (Saacid) ayaa halkaan tacsi tiiranyo leh
uga dirayaa qaraabadii, ehelkii iyo dhamaan Salaadiinta Soomaaliyeed isagoo ku
hadlaya magaciisa, kan xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed geeridii
naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse Boqor Yuusuf oo
galabta ku geeriyoday dalka Finland.
“geeridu waa xaq, waqtigiisa ayaana dhamaaday, waxaana aad noo taabatay geerida
naxdinta leh ee ku timid Boqor Cabdulahi Boqor Muuse, oo runtii ahaa nin magac
weyn ku leh gayigga Soomaaliya, hadii ay ahaan lahayd mid dhaqan iyo mid
siyaasadeed intaba, Boqorku waxaa uu qayb weyn ka soo qaatay sidii dadka
Soomaaliyeed u heshiin lahaayeen mudadii lagu jiray bur-burka, wuxuuna xilal
muhiim ah ka soo qabtay dowladihii rayidka ahaa iyo kuwii ka danbeeyey intba”
ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ilaahay uga baryey marxuumka inuu janatul fardowsa ka
waraabiyo samir iyo imaana ka siiyo, qaraabadii iyo ehelkii uu ka baxay.
Amiin! Amiin! Amiin!
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director office of the Prime Minister
Mogdisho-Somalia
media@opm.gov.so
Gudoonka Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ku Timid Boqor
C/laahi Boqor Muuse…. WARSAXAAFADEED Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid
Allaha u naxariistee Boqor C/laahi Boqor Muuse (King Kong) oo ku
geeriyooday dalka Finland. Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka
ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN waxaan ugu horeyn
doonayaa inaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyo geerida naxdinta
leh ee ku timid walaalkeen Boqol C/laahi Boqor Muuse oo ay geeridiisa
nasoo gaartay, runtii waa geeri naxdin leh waxaanna Alle uga baryayaa
inuu siiyo naxariistiisa jano, umadda Soomaaliyeed guud ahaanna uu
Samir iyo iimaan ka siiyo” Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “ runtii
Marxuum Boqor C/laahi Boqor Muuse waa shaqsi caan ku ahaa raadinta
nabadda iyo xalka shacbiga Soomaaliyeed, si gaar ah waxaan ugu
xasuustaa doorkii wanaagsanaa ee muuqday ee uu Boqor C/laahi Boqor
Muuse Allaha u naxariistee ku lahaa geedi socodkii dalka looga soo
saaray KMGka waxaa xaqiiqo ah in Soomaalida guud ahaanba ay wanaagiisa
xasuusan doonaan,umadduna way tabi doontaa” “ugu dambeyntii anigoo ku hadlaya magaceyga iyo magaca Golaha Shacbiga
waxaan guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed u dirayaa tacsi tiiraanyo leh,
si gaar ahna waxaan ugu tacsiyadeeynayaa ehelada iyo qaraabada
Marxuumka oo aan leeyahay Samir iyo iimaan dhammaanteenba Alle hanaga
wada siiyo” ayuu tacsidiisa kusoo gebagebeeyey Gudoomiyaha
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan
Jawaari. ---DHAMAAD--- Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2013
|