Baarlamaanka Oo 30,000$ Ugu Deeqay Agoonta Ay Ka Geeriyoodeen Askartii
Booliiska Kadib Kulan Ay Xildhibaannada Iyo Taliska Booliiska Yeesheen
Maanta “SAWIRRO”
- Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Gudoomiyaha Baarlamaanka:
Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lacag gaareysa
30,000$ (Soddon kun oo Doollar) oo ay gunadooda bishan ka jarayaan ugu
deeqay carruurta agoonta ah ee ay ka geeriyoodeen askarta Booliiska ah
ee naftooda u huray dalkooda,dadkooda iyo diintooda kadib kulan ay
Mudaneyaasha Baarlamaanka iyo Saraakiisha Booliiska ku yeesheen
magaalada Muqdisho. Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ah ee magaalada Muqdisho
ayaa waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa soo
xaadiray saraakiisha ugu sareysa Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed oo
iyagu kasoo jawaabay u yeerista Xildhibaannada Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh
Cismaan Jawaari oo kulankan si rasmi ah u furay ayaa ugu horeyn uga
mahad celiyey saraakiisha Ciidammada Booliiska ah sida ay ugasoo
jawaabeen u yeerista Mudaneyaasha Baarlamaanka ayadoo talaabadanna ay
muujineyso sida ay hay’adaha ammaanka gaar ahaanna Booliiska tixgelin
u siinayaan la shaqeynta Baarlamaanka Soomaaliya.


Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto C/xakiin
Daahir Saacid oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay inuu aad ugu
faraxsanyahay inuu horyimaado Baarlamaanka Soomaaliya waxaana uu intaa
ku daray in mar walba Saraakiisha Ciidammada Booliisku diyaar u yihiin
iney ka jawaabaan awaamiirta Baarlamaanka. Intaasi kadib kulanka ayaa noqday mid ay albaabada u xiranyihiin
ayadoo saxaafadanna dibad joog ay ka aheyd waxaana ay si hoose uga
wada hadleen Mudaneyaasha Baarlamaanka iyo Saraakiisha Ciidammada
Booliiska Soomaaliyeed sida ay uga wada shaqeyn karaan sugidda
ammaanka Dalka iyo sida loo sixi lahaa dhaliilaha jira waxaana markii
uu kulankaasi soo gebageboobay kadib saxaafadda la hadlay Gudoomiyaha
Baarlamaanka iyo Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed. Ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa
tilmaamay in kulankii maanta ay si calool fiyoobi ah uga wada hadleen
saraakiisha Booliiska iyo Xildhibaannada Baarlamaanka sugidda ammaanka
Dalka iyo wada shaqeynta dhanka amniga ah islamarkaana kulanka lagu
go’aamiyey in wada shaqeyn joogta ah ay Xildhibaannada iyo Booliiska
ka yeesheen adkeynta amniga. “kulankan waxa uu ahaa mid muhiim ah runtii ka sokoow go’aaminta wada
shaqeynta Baarlamaanka iyo Booliiska ammaanka waxaa kale oo ay
Mudaneyaasha Baarlamaanku go’aamiyeen in lacag dhan 30,000$ (Soddon
kun oo dollar) oo ay mushaarkooda ka jarayaan bishaan ay ugu deeqeen
carruurta agoonta ah ee ay ka geeriyoodeen Askartii Booliiska ee
naftooda u huray dalkooda,dadkooda iyo diintooda, waxaan rajeynayaa
iney wadashaqeyntaan ay sii ballaaran doonto oo ay wada shaqeyn
doonaan gudiyo labada dhinac ah”ayuu ku yiri shirkiisa jaraa’id
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto C/xakiin
Daahir Saacid oo isaguna ka hadlay shirkajaraa’id ayaa uga mahad
celiyey Xildhibaannada Baarlamaanka sida ay ugu damqadeen carruurta
agoonta ah ee ay ka geeriyoodeen Askarta Booliiska waxaana uu
talaabadan ku tilmaamay iney dhiiragelin u noqon doonto Ciidammada
Booliiska ah ee hada shaqeynaya, sidoo kalena waxa uu taliyuhu ballan
qaaday in wadashaqeynta Booliiska iyo Xildhibaannada Baarlamaanka ay
noqon doonto mid joogto ah. Si kastaba kulankan ayaa kusoo gebageboobay jawi aad u wanaagsan
maadaama ay si hoose sugidda ammaanka Dalka uga wada hadleen Taliska
Booliiska saraakiisha ugu sareysa iyo Xildhibaannada Baarlamaanka ah
ee Soomaaliya waana kulankii ugu horeeyey ee noociisa ah oo ay si
wadajir ah xarunta Golaha Shacabka ugu yeeshaan Xildhibaannada
Baarlamaanka iyo Taliska Booliiska Soomaaliyeed. ---DHAMAAD--- Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Faafin: SomaliTalk.com | June 23, 2013
|