Machadka Express ee Luqadaha oo ay ka Qalin Jabiyeen Ardeydii ugu Badneyd
Xaflad si heer sare ah loo soo Agaasimey islmarkaana ahayd Xaflad ay ku Qalin
Jebinayeen Machadka Express ee Magaalada Muqdisho 120 Arday oo dhameysatey
waxbarasho Laba Sanno waxaana ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee Bulshada
waxaana Dhamaan ka Qaybgalayaasha ay haayeen ku u riyaaqay Cilmiga Baaxadda ee
ay ka barteen Machadka Express oo isugu jirey Luuqadda Ingiriiska Computer_ka.
Qaar ka mida Waalidiintii ka soo qaybgalay Munaasabadaasi ayaa sheegay in
Dugsiga Express uu yahay mid 10 Sano ee la soo dhaafay soo saarayay Dad leh
Aqoon Xirfad u leh luuqadda Ingiriiska awoodna u yeeshay in ay ku shaqaystaan
waxaana iskuulka uu bixiyay Shahaadada High Diploma
Maxamed Ibraahim Buule oo ku hadlay Magaca Waalidiinta ayaa sheegay in ay si
wayn ugu faraxsan yihiin Carruurtooda oo helay fursad ay ku bartaan luuqadda.
iyo Cilmiyo kale oo ay ka mid yihiin Computerka waxa uuna talo ku soo jeediyay
in la sii kordhiyo dadaalka ay ku sii wadayo aqoonta cilimiga.
Maamulaha Guud ee Macaahidda Express Cabdulqaadir Xaashi Warsame ayaa sheegay in
Machadka uu soo saaray arday fara badan oo qaarkood wax ka dhigta Jaamacado
dalka dibadiisa una sahlanaatay in ay ka gudbaan imtixaamka luuqadda Ingilishka
,waxa uuna intaasi ku daray in ay hadda soo kordhiyeen Machadka kaasoo lagu
baranayo Cilmiyo kale gaar ahaan Cilimiga Ganacsiga iwm.
Qalin Jebintaa ayaa hayad tii ugu Balaarneyd waayo waxaa Machadka ka Qalin
jabiyey Ardeydii ugu badneyd oo gaareysa 120 Ardey waana Dufcaddii 6thaad ee
qaadanayey Shahaadada High Diploma waana Machadyada fara ku tiriska ah ee lagu
barto Luqada Ingiriiska .
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | June 22, 2013
|