FEDERAAL, DOWLAD-GOBOLEEDYO IYO QABYO-QORAALOOW DANTEE LA IDINKA LAHAA?!
HORDHAC Allaah ayaa mahad oo idil iska leh. nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena
Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Intaa kabacdi, aqristaha sharafta badanoow,
anigoon gogol-dhig dheer waxba kugu daalin, bal aan si toos ah u galo dulucda
qormada. Aan ku billaabee, Federalku micna ahaan afka Somaliga marka loo badalo waa “Goboleysi”.
Waxaana sidiisaba isticmaala caalamka 20+ Dowladood oo nidaamkaa qaatey.
Dhammaantoodna dadka dowladahaasi ku dhaqani waa kuwo kala Diin ah, kala Dhaqan
ah, kala Isir ah, kalana Luqad ah, kuwasoo aan isku feker ka noqon karin wada
noolaansho iyo xuquuq siman oo si cadli ah ku dhex oolli karta. Waxaana loogu
tala galay inay noqdaan dad kala qaybsan oo midkasta goonigiisa u taagan, midka
kalena waxba kala dhaxeeyn, waxaa kaliya ee la isku yimaadana ay tahay
xukuumadda dhexe ee federaliga ah. Caalamka kama jirto dowlad sideena oo kale
ah, oo isku Isir, Diin, Dhaqan, iyo Luqadba ah, haddana, Federalism ayaan ku
dhaqmeeynaa leh, ama oggolaadeyba markii qoorta loo surey intaaba.
Ku dhaqanka Federalka ama Gobolaysiga waxaa uu leeyahay xuduud goboleedyo kala
soocan, oo qowmiyad kastaba goonigeedu u leedahay, taasoo lagu kala garto midba
midkiisa kale, calan ahaan iyo calaamad ay kaga duwan yihiin inta kale dalka
guud ahaanna leh. Laakiin, Soomaaliya oo kale ma aha nidaam ku habboon, oo wax
kagala markii dhinac kastaba laga fiiriyo, maxaa yeelay, waa dad waxkasta isku
mid ka ah, haddana, wada ah Ehel iyo Qaroobo xididkeedu dheer yahayna eey ka
dhaxeyso. Balse, dad ayaa horboodaya oo ummadda hal dhinac wax ugu sharxaya,
iyagoo aalaaba ku celceliya, dadku wuu isdiley, wuu kala dagay, si uu isu aaminu
Federalka ayaa daawo u ah. Cabsigalin iyo shaki kala galin oo kaliya ayaa la
rabaa in ummadda loogu qanciyo nidaamkan, iyadoo albaabyada kale xalka keeni
kara horeyba looga sii xirayo ummadda, maadaama dad gaar ahi dano gaar ahaaneed
ka dhex arkeen. Gobollo kooban ayaana si waalli ah looga taageeraa federal-ka,
sababtase bal adiga is weydii! Qasaaraha nidaamka federalka uu leeyahay oo uu waliba Soomaalida si gaar ah ugu
leeyhay waxaa ugu weyn, inuu yahay haykal dhisan oo u sameysan inuu dadka isku
dilo, oo uu waliba ahaado mid dhibaatadiisu aysan dhammaanin boqollaal sano oo
hadda soo socota. Markaa Federal ayaan u sameynayaa Soomaalida waxay ka dhigan
tahay dhexdeeda ayaan Qabiil ahaan idin kala qaadayaa, markaa dowlad dhexe oo
awood badan haddii aysan lahayn sidee loo heshiisiin karaa? Arrinta Federalism-ka iyo Dowlad-Goboleedyadu waxeey leeyihiin taariikh dheer,
oo inta xaqiiqda ogi shirkii Kenya ee Soomalida loogu qabtey Mbagathi ayaa
mashruucan Soomaalida qoorta loo soo surey/galiyey oo orodoo qaata la soo yiri.
Waxeyse heerkeedii waallida ahaa gaartey xilligii dowladdii ugu dambeysey
kumeel-gaarnimada dalka ka arrimineeysey, oo aheyd xilligii Dastuur ku sheegga
Qabyo-Qoraal-ka ah la inoo soo dhoodhoobey. Nidaamkan Federaalka waxaa hindisahiisa lahaa qaar ka mid ah wadamada dariska,
gaar ahaan Ethiopia, iyo Kenya. Waxaa ku taageerayey hey’ado caalami ah iyo
quwado shisheeye, iyadoo mid kastaahiba dantiisa gaarka ah uu mashruucan cusubi
ka dhex arkayey. Waxaa muhiim ah Soomaalida in ey isla wada fahanto in Dowladaha Ethiopia iyo
Kenya, aaney marnaba oggoleyn in Soomaaliya dibdambe cagaheeda isugu taagto,
gaar ahaan iyadoo quwad mug leh oo midna ah leh. Si hadafkaasi u suurtagalana
waxeey labadan dowladood muddo markii la joogaba Soomaalida u soo hindisi jireen
qorsho Soomaaliya dhulka loogu sii celinayo, si sare u kicidba iska daaye, aaney
xitaa u soo Ruuqaansanin ama aaney u sooba Hinqanin. Qorshahan Federal-ka inta aanan qoorta la inoo soo surin, qorshooyinkii ka
horeeyey ummada Soomaaliyeed loo maleegey, dhaganna galey, waxaa ugu caansanaa
kuwan:
![](qar2a.jpg)
A- Kii 1aad wuxuu ahaa midkii intii dowladdii dhexe aaney gabi ahaanba hawada ka
bixin la maleegay, kaasoo Dowladda Ethiopia ay ugu aabuurtey, hubeeysey,
xerooyinna ka siisey dalkeeda gudihiisa Kooxo Jabhado Qabiileed wada ah, oo
hadafka eey ka mideysnaayeena uu ahaa oo kaliya in dowladaa la dumiyo. B-Markii dowladdii dhexe burburtey, Qorshihii 2aad ee ku xigey ee Kenya iyo
Ethiopia ka sinnaayeen waloow mar kasta Ethiopia hormuudka ka aheyd, wuxuu ahaa
midkii ku dhisnaa wadataageeridda kooxaha magacyada badnaa ee siyaasadda dalka
isaga soo horjeedey, iyo in ey sii kala jajabiyaan, iskuna sii hubeeyaan, aadna
u sii kala fogeeyaan. Ethiopia-na markii ey doonto Ciidamadeeda ey dalka marba
dhinac ka soo galaan, intii ey rabaan kufsadaan, jirdilaan, iska xirtaan, amaba
iska xasuuqaan. C-Qorshihii 3aad ee Kenya iyo Ethiopia dalka ka dhaqangaliyeen wuxuu ahaa kii ey
Ethiopia ku dooneysey in ey xeyndaab Ethiopia u sameysato xuduuddeeda, kasoo ey
ku abuurtey maamulka ka jira Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, iyadoo Ethiopia oo
cadowga ummada Soomaaliyeed ee soojireenka ah u aragtey in eyba dalka kala
goyntiisa u mari karto. Muddo kabacdina waxeey sidoo kale ku taageertey Marxuum
C/llaahi Yusuf sameynta maamulka gobollada Bari ka jira. Waana meesha Kenya
iyadana uga go’antahay in ey hesho kuwa la mid ah kuwan, oo ey ugu horreyso kan
Jubbooyinka ey ka waddo, oo dowladda Soomaaliya ey Sanka uga galineeyso, iyadoo
iska soo hormarineysa Tabcaneyaal. D-Qorshihii 4aad ee Kenya iyo Ethiopia dalka ka dhaqangaliyeen wuxuu ahaa kii
hirgaley ee xiligii abuurista hogagamiye kooxeedyada, oo mid kastaa ey waxaanoo
gawaari Hub iyo Saanad Milatari ah u soo rari jirtey, iyadoo mid kastaahina uu
iyada si toos ah uga amar qaadanjirey, kalana ilaalin jirtey. Hoggaamiye
kooxeedyadaa oo aad u naaxey ayaa Garoommo iyo Dakado khaas ah oo ey si gaar ah
u leeyihiin sameystey, waxeeyna Ethiopia u tusisey mustaqbalkoodaba in uu ku
xiran yahay in Soomaaliya aaney abid dowladba ka dhalan, si waxa ey maanta
heystaan aaney u waayin, iyagaa ayeyna kula dagaashey dowladdii Carta ee
Madaxweyne C/Qaasim, ugu dambeyna ku burburisey. E-Waxaa ku sii xigeey qorshihii Quursiga ee (0.5) muwaadiniin Soomaaliyeed loogu
shaabbadeeyey, muwaadin xaq dhammeystiran ku leh dalkiisa hooyo ma tihid-na
afcad loogu yiri, taasoo aheyd kala fogeyn, kala faquuq iyo niyad-jab tii ugu
xumeyd. Waxaase sidoo kale qoorta la inoo surey qorshihii isku milqinta awoodda
Madaxweyne iyo tan Ra’isulwazaare, dhibkan oo ka billoowdey Dowladdii Carta,
iyadoo mid kastaaba laga dhigey madaxweyne gaar u taagan, (Anaa Amiir, Wa Anta
Amiir, Miin yasuuqul Ximaar?), ulajeeddadii laga lahaa waa laga gaarey, oo waxaa
la waayey Madaxweyne iyo Ra’isulwazaare wada shaqeeyn karaba, oo inta is fahma
ummada si wada jir ah wax ugu qabta oo samatabixiya. Mushkiladdu ragga ma aheyn,
oo mudadaa waxaa la heli lahaa labo is fahamta. Nasiib darro! Niman iyagiiba
isdagaashan, oo la kala gadayo, midkastana loo muujinayo in weerer lagu yahay,
balse, garabkiisa ey taagan yihiin shisheeyuhu, dal iyo dad tabaaleeysan waxba
uma qaban karin. F-Waxaa inoogu xigey xilligii Maxaakimta, oo waloow kooxo isku jira ey ahaayeen
oo aanan garaneyn meesha ey isla gaari lahaayeen, haddana, waxeey aheyd waqtigii
ugu horreeysey oo koox mideysan dalka intiisa badan la wareegeen, oo nabad dhab
ah dadku dhadhamiyeen, Ethiopia oo u arkeeysey in qorshooyinkeedii dhul ku
celinta Soomaaliya ey meesha ka baxeen, ayaa duullaan ku burburisey, iyadoo
taageero ka heleeysey quwado shisheeye oo Mareykanka ugu Tun weynaa.
Qorshayaashaas waxaa ku dhexsocdey qorshooyinka khaarijineed (Targeted
Assasinations) ee nin-doorka ummadda sida: Culumaa’udiinka, Saraakiishii
ciidamada, Aqoonyahanno, iyo guud ahaan indhaha ummadda, si qarsoodi ah loogu
ugaarsanayey, looguna gumaadayey muddo dheer. G-Ugu damneyn markii ey arkeen in nidaam iyo maamul dhinaciisa loo jeestey ayaa
hindise kale loo soo maleegey ummadda Soomaaliyeed, waana midkan federaalka.
Dowladaha darisku danaha ey ka lahaayeen nidaamkan federalka waxaa ka mid ahaa
in Soomaali Qabaa’il xuduudo kala leh, haddana kheyraad, dhul, iyo awoodba isugu
miliqsanyihiin leh qoorta loo galiyo nidaamkan federal, si ey madaxa isula
galaan, u kala qeybsamaan, dagaal iyo khilaafaad joogta ahna aaney waligood uga
bixin, oo marna aaney u helin Dowlad-Dhexe oo awood leh oo wadamada dariskana la
xisaabtami karta, si faragalin joogta ah aaney uga deyn dalka Soomaaliya. Nidaamka Federaalka waxaa ula jeedadiisu tahay in la dhiso Dowlad-Gobolleedyo
Xeyn-Daab u ah dowladaha dariska, oo si toos ahna uga wada amarqaata iyaga, oo
xiriirka ey la leeyihiin dowlada dhexena uu aad u liito. Waxaa sidoo kale laga
leeyahay in dowlada dhexeba magac-uyaal noqoto, oo wax aan jirinba laga soo
qaado, awoodaheedana aad inta loo yareeyo, si xeeldheer Maamul-Goboleeyada lagu
gacmo xiro, dastuurkii qabyo-Qoraalka ayaa si aad ah arintaa loogu dabaqey, oo
waliba [Laba nin] ayaana arrintaa garba-duubka Dowlada dhexe iyo naaxinta
Maamul-Goboleedyada si hoose isaga kaashadey, in badanna ku guuleeystey. Haddii
aan in badan laga badallin Dastuur ku sheegana, waxweyn ayuu caqabad ku
noqondoonaa helitaanka dowlad dhab ah oo Soomaaliyeed oo shaqeynkartaba, awood
buuxdana u leh hoggaaminta iyo difaacidda dalka iyo dadka oo mideysan. Waxaa qorshahan federal iyo Qabyo-Qoraalkaba sidoo kale wax ka wadey, hey’ado
dano dhaqaale ka lahaa arimahan, oo Burburka Dowladnimada Soomaaliyeed wax ku
cuna, oo intooda badan Nairobi fadhiya, oo dhaqaale lagu qiyaasey $1Billion/year
(Hal Bilyan oo doolarka Mareykanka ah sanadkiiba) magaca Ummadda Soomaaliyeed ku
cuna, iyadoo hantidaasi oo loogu talagalay Ummaddeena tabaaleeysan iyo dib u
dhiska dalkeena hooyo, aaney marnaba soo gaarin ummadda, macluul iyo gaajana ugu
dhammaadaan duruufo nololeed iyo darxumo adduun darteed.
![](baala.jpg)
Waxaase ugu halis badan marka laga soo tago dowladaha dariska oo federaalkan
qoorta inoo soo surey, Qabyo-Qoraalkana ku darsadey arrimaha xuduuda aan
cayimneyn, iyo jinsiyaddan shuruudaheeda la sahley qaadasahadeeda, iyo kuwo
[labada nin] ey ku darsadeen oo casimadda shaki lagu galinayey, iyo ammuuro fara
badan oo maamul goboleedyada awood loogu dhoodhoobayey, dowlada dhexana loogu
jeenaduubayey, ayaa Federal-kan iyo Qabyo-qoraalkaba waxaa hormuud ka ahaa,
Hey’ado iyo dowlad ka mid ah quwadaha aduunka oo hadaf intaa ka fog ka lahaa
arrimahan, kuwaasoo aad ey u dhibtey dadkan wada Muslimiinta ah, wada Sunni-ga
ah, waliba halka Mad-Hab ee Imaamu Shaafici isla sii wada heysta. Waa hey’ado
dagaal qoto dheer iyo gulfis xooggan ugu jira wax ka badalidda arrintan ah in
ummadani waxkasta ka mideeysanyihiin.
Si arrimahan waxweyn looga baddalana waxeey howlgallo waaweyn ka aloogeen
Xeryaha Qaxootiga ee Soomaalidu ku balanbashey, haba ugu darnaatee Xerada
Qaxooti ee Dhadhaab ee ah tan ugu weyn Adduunkoo idil. Waxeey ka howl-galiyeen
mashruucii “Diintaada ku badalo dhaqaalo iyo Dibad” oo TV-ga caalamiga ah ee
Aljazeera uu warbixintii xanuunka badneyd ka diyaariyey. Hey’adahan waa kuwo
hagardaamadooda iyo halisahoodaba ey si xoowli ah ku socdaan oo xitaa gudaha
dalka ayey ka wadaan, oo waan daawadey kuwo Bible-ka heysta oo dalka meelo ka
mid ah jooga, oo waa gaalo la leeyahay, oo guryo lagu qarinayo, si mustaqbalka
dhow loo helo ummad inta aan ka mideysannahay maanta, ku kala duwanaata beri!
Ogoow waa kuwii intii shirkii Embagathi socdey dabada ka riixayey kooxihii la
baxay “Golaha Gaalada Soomaaliyeed” ee waliba ey rabeen in ey Baarlamaanka
Soomaaliyeed ku daraan. Nasiib darana! Dastuurkan qabyo-qoraalka ah waxbadan oo
Diinta ummaddeena lid ku ah ayey ku darsadeen, sida in aaney shardi aheyn in uu
madaxweynuhu muslim yahay. In aaney shardi aheyn in Diinta qura ee Dalka uu
leeyahay, laguna faafin karo tahay tan Islaamka. In dumarka qaban karaan
jagooyinka ugu sareeya dalka, oo uu madaxweyne ku jiro, iyo kuwo kaloo fara
badan. MAXAA XAL AH? Waxaa loo baahan yahay in Soomaaliya dowladda dhexe oo awood leh loo sameeyo,
kuna dhaqda ummada xeerka Ilaahay raaliga ka yahay iyo dhaqanka wanaagsan ee ay
Soomaalida ku dhaaftay dunida inteeda kale. Waa in ey iska diiddaa nidaam ku
sheeggan Goboleeysiga oo iyadii waxkasta ka mideeysneyd lagu sii kala fogeynayo,
kuna dadaashaa sidii ey u yeelanlaheyd dowlad dhexe oo awood leh, balse,
cadaalad ku dhisan oo danta dadka iyo dalka waxkasta ka hormarisa, gobol kastana
sida loo dego ummadda si cadaalad ah ey isaga doortaan qofka ey iyaga rabaan, oo
aan qof aan gobolkaaba dagin dusha looga keenin, sidii dhici jirtey. Haddii aan
nahay Soomaali kala qaadis iyo xuduud gobol oo la inoo sameeyo uma baahnin. Waa
inaan og nahay in qaran Soomaali awooddiisa aysan ku imaan karin in la adegsado
nidaamka gobolaysiga, dhaqaalaheenana uusan ku habboonayn oo uu waliba ku
dhismayn. Dastuur ku sheeg ey isla soo dhisteen dhowrjiho, oo qaar la dagaashan
yahay qarannimadeena, qaar diinteena, qaar wada jirkeena, qaarna danaha guud ee
ummaddeena, ina wada anfici maayee, waa in waxban laga badalaa, “Iyadoo wadada
saxda ah ee sharciyeed loo marayo”, oo aan loo aabo yeelin kuwa qashinka kasoo
buuxsadey, ee diiddan in wax laga badalo, ama afka labadii yeeraya, oo leh
dastuurkii baa wax laga bedeley. Soomaaliya cadaalad oo kaliya ayaa deeqada,
cidkastana meesheeda ku dharjineeysa. Wabillaahi Towfiiq.
![](jun2108.jpg)
W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdi Boqor”
Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha
Al-Madinah International University, Malaysia
abdulkadirphd@hotmail.com
Sawirrada: Amiin Caamir arts iyo Google images search
Faafin: SomaliTalk.com | June 21, 2013
|