Dhurwaaggii ka giigaan u diri gacan Salaameede !!!!!
HORUDHAC :
Kooxda
Dhiig yacabka ah ee Al-shabaab oo shalayto Weeraray ismiidaamin ah ka
geystay,Xarunta UNDP ee Magaallada Muqdisho ayaa ah Dhurwaayo u ooman Dhiigga
Muslimiinta meel kasta ay joogaan Dunnida Dacaladeeda.
Kooxdaas oon Maqaalo fara badan aan ka qoray sida :
1) Shabaab yaa Macallin u ah.
2) Shareecadda Iyo Al- Shabaab ( 1,2,3,4 ).
5) Al- Shabaab Jannada ay galayaan ma tii Ahlu Kitaabka oo kalaa???
6) Imaam Axmed Bin Xabal oo shabaab lacnaday.
7) Imaam Shaafici oo Shabaab Aamusiiyey !!!!
8) Al- Shabaab Iyo Kimistari ???!!!!
9) Al- Shabaab Haddaan hilib waraabe ku qasbay ciil uma qabo.
10) Shiikh Umal oo Al- shabaab ka yaqyaqsooday. IWM .
Maqaaladas Iyo kuwa kale oo fara badanna waxaan ku muujiyey sida Al-shabaab ay u
yihiin xarako lunsan oo gacan ku dhiigle Iyo Af ku dhiiglaba ah, oo ah dhurwaayo
ama waraabayaal u ooman Dhiigga Muslimiinta.
Ayaan haatan Caawa u dirayaa SALAAN Iyo GUNNO Markaan arkay sida ay u wiiqeen
Dawlladda Xasan Culusoow Iyo Saacid Hurdaaye.
Maxaayeelay Dawlladda Xasan ayaa geed dheer Iyo mid gaaban u fuushay in ay
Dhibaateeyaan Dadweynaha Jubbaland ee Masaakiinta ah, ee har Iyo Habeen
dawladooda Raacsan marna aan ka hor imaanin.
Waa Dadweyne isku Tashaday oo aysan Hal Shilin ku sheegan, xataa waad
mahadsantihiin Qalbigey u Roon tahay !!!!.
Dagaalladii ay soo wada galeen Ciidamadii Dawladda Kiinya lagu soo tababaray
Iyo Ururka Raaskaambooni Iyo Dawllada Kiinya , ee mudada Sannadka ah ay kula
jireen Dagaal Ururka Al-Qaacidda , ayaa waxaa ku Naf waayey Boqolaal Ruux ,waxaa
ku dhaawacmay kumaankun Askar ah, waxaa ku barakacay Boqolaal Qoysas.
Markuu guushii la gaaray Dawladda Soomaaliyeed xataa waad mahadsantihiin
lagama helin, sida ay u soo dhaweeyeen ama u marxabeeyeen kuwii la midka ahaa ee
xoreeyey Bay & Bakool, Hiiraan, Guruceel, Shabeellada Hoose Iyo Shabeelada Dhexe.
Maamulka Jubbooyinka muddo Sideed bilood ah ayaa waxaa ku socday hagardaamo,
Dagaal, Quursi, Been abuur,Dibindaabyo, Dacwado Iyo warxuma Tashiil, ilaa ugu
danbeyntii Dagaal toos ah lagu soo Qaaday oo lagu dilay Halyeey Cagadhiig iyo 70
taneeyo kale Iyo Boqolaal dhaawacay ah.
Waxaa Intaas ku dartaa in Ioo soo adeegsaday Cadawgeenii Al- shabaab oo ay
dagaalka Kismaayo 120 Shabaab ah ay ka soo qeyb galeen ??? Waxaa Maalin kasta
Xamar iiga Hanjabaaya Timo jarre Xaad Iyo Ahmed Diiriye Indho guduud ??? !!!!
Haddaba Akhristoow Maxaa ii diiday in aan soo xasuusto Gabaygii Sayid Mohamed
cabdulle Xasan ee Gaalo leged AMA Guban Dadba sida ay u yaqaanaan !!!!!.
Maxaa ii diiday in aan soo xasuusto Dhibkii Daraawiish la marshay Iyo
geesiyaddii laga Dilay sida Caga Dhiig oo kale Iyo markii Sayidka loo sheegay
Raggii dakanaha ka qabay in Dhurwaaga loo jarjaray, uu markaas Ciil Iyo Farax
Dartiis Dhurwaaggii uu SALAAN Iyo Gunnaba u diray oo uu ku yiri Dugaagga kale
waad iga xigtaa!!'.
Ayadoo Lala qabo in aan Shabaab necbahay oo Dagaal naga dhaxeeyo oo ay
Dhurwaayo yihiin baan Caawa SALAAN tii Sayidka oo kale ah u Dirayaa ????
Wuxuu yiri Sayid Mohamed :
Najiskii gurta xumaa hadduu, shalayto geeryooday
Godka lagu cadaabkii haddaan, gawrac ugu jiiday
Uu guduri cunay waa waxay, galabsanaayeene
Dhurwaagii ka giigaan u diri, gacan salaameede
Isagay gargaaroo dugaag, iiga goonniyahe
Haddaan garan gunaan siin lahaa, gooriyo ayaane
Gelin haddii aan foororay miyaan, giirka kor u qaaday
Guhaad iyo calool xumo miyaan, geydhtayoo diriray
Hadba gees miyaan deyay intaan, gownaxyada buuray
Guntigaan maroorsaday miyaan, labada low geeyay
Gaashaanka iyo tiirigiyo, gamas miyaan qaatay
Ma genbaan u taagnahay intay, gaadho noloshaydu
War ma Dhooddi baa gaamuroo, garabku weynaaday
Ma galaasyo miidaan ku shubay, gamashigii dayrta
Gorgor kacey la moodyow durduro, ma igu gooraamay
Godobtaydu way wada jirtaa, goonyohoo idile
Gashi niman ku leeyahayba waan, dabagelaayaaye
Waxaan goosan karo anigu waan, gurubsanaayaaye
Gardarradiyo maaggii i helay, waan ka geylamiye
Gartay weeye dunidaba inaan, galalafeeyaaye
Gayigaba waxaan doonayaa, inaan gumeeyaaye.
Haddii Dawladdii aan dooranay ay Qabiil Nagu leyneyso oo xataa Shabaab Nagala
safaneyso, sow gar iima aha in aan Saxan saxan ku Gudo oon waraabahaas Dhibka u
geystay aan Amaano ?!!
Maanta waa Xafiiska UNDP ,shalayna waxay aheyd Maxkamadii Sare ??.. Yaa og in ay
barito noqoto Villa Soomaaliya oo Dabkaas ay ku gubtaan Xasan Shiikh Iyo Saacid
Hurdaaye.
Dhibka Xamar ka dhacaaya ee soo noqnoqonaaya waa Nabsiga laga galaayo Gobollada
Jubbaland, inta ay Jubbaland dhunkaal u mareegayaan wallee Kama foga in Allaah
ku salido Cadawgooda AMA aan si kale u iraahdo inta ay makri Iyo xaasidnimo
Jubbland la rabaan walle Allaah meel kale Ayuu ugaga imanayaa.
God Wallaal ha qodin Haddii aad Qodidna Ha Dheereynin ku Dhici doontidaan ma
ogide !!!!!.
Waxaan Maqaalkayga ku soo afmeerayaa Halhayskaan :
Dhurwaaggii ka giigaan u diri gacan Salaameede.
Isagaa I gargaaroo dugaag iiga gooni ahe.
Haddaan garan gunaan siin lahaa goor Iyo ayaane.
Mahadsanidiin .
EX. Xildhibaane Shiikh Sahid Mohamed Yusuf
Mareykanka, Gobolka Virginia.
sahidyusuf@ yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 20, 2013
|