Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Ansixiyey heshiishkii “Coutonu”, una
Gudbinaya Baarlamaanka si loo meelmariyo
Warsaxaafadeed ka soo baxay kulankii Golaha Wasiirada DFS ayaa tibaaxay "golaha
ay ansixiyeen heshiishka “Coutonu” oo ay Soomaaliya dhowaan saxiixday, waxaana
qorshuhu yahay in xukuumaddu ay dhowaan heshiishkan u gudbiso baarlamanka
federaalka ah ee Soomaaliya si uu u meelmariyo."
Waxa kale oo Golahu ansixiyeen magcaabista 5 safiir oo cusub oo loo
kala magacaabay Talyaaniga, Itoobiya, Belgium & Midowga Yurub, Malaysiya iyo
Tansaaniya. Warsaxaafadeedka oo dhan hoos ka akhri:
Golaha Wasiiradda ayaa shirkoodii maanta ku ansixiyey magacaabist safiiro
cusub
Muqdisho, June, 20, 2013… Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa,uuna shir guddoominayey Ra’iisul
Wasaare mudane Cabdi faarax Shirdoon (Saacid) ayaa meelmariyey magcaabista 5
safiir oo cusub.
Raiisul Wasaaraha ayaa magcaabista safiirada ku tilmaamay in ay ka mid tahay
qorshaha xukuumaddiisa ee xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya la
leedahay caalamka.
“Tallaabadan waxa ay ka mid tahay qorshaha xukuumadda ee lagu adkaynayo xiriirka
diblamaasiyadeed ee aynu la leenahay caalamka iyo dardargelinta shaqada ergada
diblamaasiyadeed ee Soomaaliya u joogta dalalka caalamka” ayuu yiri Ra’iisul
Wasaaruhu.
Safiirada la ansixiyey magacaabitaankooda waxay kala yihiin: Gen. Muuse Xasan
Cabdulle, daniraha Soomaaliya ee dalka Talyaaniga. Axmed Cabdisalaam Aadan,
danjiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya. Cali Saciid Faqi Danjiraha Soomaaliya ee
dalka Belgaum iyo Midowga Yurub. Nuur Faarah Xirsi, danjiraha Soomaaliya ee
dalka Malaysia, iyo Saciid Nuur Yuusuf oo horey u ahaa danjirihii Soomaaliya u
fadhiyay Itoobiya oo loo wareejiyay dalka Tansaaniya.
Golaha wasiiradda ayaa sidoo kale ka dooday ammaanka dalka,waxana warbixin laga
dhegeystay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka mudane Cabdikariim Xuseen
Guuleed iyadoo Wasiirku uu sharraxaad ka bixiyey weerarkii argagaxisanimo ee
shalay lagu qaaday dhismihii hay’adda UNDP ee magaalada Muqdisho. Goluhu si
buuxda ayuu u dhaleeceeyay falkaas argagixiso.
Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale ka dooday kor-u-qaadista heerka nolosha ee
ciidamada Qaranka, wuxuuna goluhu boogaadiyey kaalinta ciidamada qalabka sida ee
ku aadan suggidda ammaanka dalka iyo la-dagaalanka cadawga lidka ku ah qaranka
Soomaaliya. Wuxuu goluhu garawsaday in loo baahan yahay in kor loo qaado heerka
nololeed ee ciidamada iyo qoysaskooda, iyadoo arrintaasi loo xilsaaray in ay
khamiista soo socota talo ka keenan wasaaradaha kala ah, arrimaha gudaha,
gaashaandhiga, maaliyadda iyo horumarinta addeega bulshada.
Ugu dameyntiina, golaha ayaa ansixiyey heshiishka “Coutonu” oo ay Soomaaliya
dhowaan saxiixday, waxaana qorshuhu yahay in xukuumaddu ay dhowaan heshiishkan u
gudbiso baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya si uu u meelmariyo. Heshiishka
Coutonu ayaa fursad u siiya dalalka saboolka ah in ay helaan deeqo toos ah iyo
in laga dhimo lacagaha casnhuuraha ah ee ku waajiba.
DHAMAAD
Xafiiska Warbaahinta
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha
Mogadisho, Somali
Email: media@opm.gov.so
Ra’iisul Wasaaraha oo guddi heer qaran u magcaabay xuska munaasabadaha
26ka Juun iyo 1da luuliyo
Muqdisho. Juun 20, 2013… Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee
Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa wareegto uu maanta ka soo
saaray xafiiskiisa ku magcaabay guddi heer qaran oo loo xirsaaray qabanqaabada
xuska maalmaha xorriyadda ee 26ka Juun iyo 1da luuliyo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wareegtadiisa ku sheegay in uu guddigan magcaabay isagoo
tixgelinaya mudnaanta ay leedahay sannad-guurada 53aad ee ka soo wareegtay
markii Soomaaliya ay ka xoroobeen gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga
sannadkii 1960kii.
Guddiga uu Ra’iisul Wasaaruhu u magcaabay qabanqaabada xuska maalmaha qiimaha
weyn ugu fadhiya ummada Soomaaliyeed ayaa ka kooban sided (8) xubnood oo kala
ah:-
1.Cabdikariim Xuseen Guuleed, Wasiirka arrimaha gudaha, Guddoomiye
2.Cabdixakiim Maxamuud Fiqi, Wasiirka Gaashaandhigga…… Gud-ku-xigeen
3.Xasan Maxamed Jimccaale, Wasiir ku-xigeenka Garsoorka, Xubin
4.Cabdi Shakuur Cali Mire, Wasiir ku-xgeenka Warfaafinta, Xubin
5.Maxamuud Macalim Yaxye, Wasiir ku-xigeenka W.Horumarinta adeegga, Xubin
6.Maxamuud Axmed Nur, Duqa magaalada Muqdisho, Xubin
7.Maxamuud Xirsi Cabdlle, Xog-hayaha Joogtada ah ee Xafiiska R/W, Xubin
8.Cali Cabdi Wardheere, Xafiiska Arrimaha Bulshada ee R/W, Xubin
Guddigan heerka qaran ee uu Ra’iisul Wasaaruhu u magcaabay qabanqaabada xuska
munaasabadaha maalmaha xorriyadda Soomaaliya, ayaa shaqadiisu tahay in uu qaban
qaabiyo xuska, xiriiriyo hay’adaha ku hawlan xuska ciidahaasi qaran iyo in ay ka
hawl-galaan sugidda amniga iyo habsami-u-socodka munaasabadaha xorriyadda ee
dalka Soomaaliya.
DHAMAAD
Xafiiska Warbaahinta
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha
Sawirada Halkaan ka daalaco
http://s1190.photobucket.com/user/adangurey/slideshow/Gollaha%20Wasiirada
Mogadisho, Somali
Email: media@opm.gov.so
Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Iyo Wafdigiisa Oo Booqday Xarunta
Baarlamaanka Dalka Belgium
Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee golaha Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo wafdi uu hogaaminayo ay
magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ay ku joogaan socdaal
shaqo ayaa booqasho ku tagay xarunta Baarlamaanka dalka Belgium. Booqashadan ayaa waxaa Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka
iyo wafdigiisa ku wehliyey safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub
iyo Dalka Talyaaniga Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxaana ay
soo indha indheeyeen dhammaanba qeybaha kala duwan ee uu ka
koobanyahay dhismaha xarunta Baarlamaanka dalka Belgium. Xarunta Baarlamaanka waxaa kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka
iyo Wafdigiisa Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Belgium Hon. Sabine De
Bethune oo sidoo kale ay kulan wada qaateen wafdiga uu hogaaminayo
Mudane Jeeylaani Nuur Iikar Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee
Baarlamaanka Soomaaliya. Kulankan oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka Dalka Belgium ayaa waxaa
labada dhinac ay uga wada hadleen sidii ay iskaashi iyo wada shaqeyn
joogta ah u yeelan lahaayeen labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo
Belgium taasi oo labada dhinac ay isku raaceen abuurista jawi wada
shaqeyn iyo iskaashi joogta ah oo ay yeeshaan labada Baarlamaan. Wafdigan ka socda Baarlamaanka Soomaaliya ee uu hogaaminayo Gudoomiye
ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka ayaa magaalada Brussels uga
qeybgalay shirka ACP-EU kaasi oo mudo 20 sano ka badan aanay
Baarlamaanka Soomaaliya wafdi ka socda ka qeybgalin. ---DHAMAAD--- Xafiiska Warfaafinta Iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka
Faafin: SomaliTalk.com | June 20, 2013
|