Madaxweyne Xasan: Waxbarashadu ahmiyad gaar ah bey noo leedahay
Muqdisho, 20 June 2013 –
Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo
ka qeybgalay xafladdii xiritaanka Shirweynaha Qaran ee Dib-u-habeynta
Waxbarashada ayaa yiri.
"Waxbarashadu ahmiyad gaar ah bey noo leedahay, waxaana mahad gaar ah u soo
jeedinayaa Wasaaradda Horumarinta iyo Adeega Bulshada oo shirweynaha Qaran ee
dib u habeynta waxbarashada soo qabanqaabisay.
"Siyaasadda Dowladda ayaa ah in dib-u-habeynta hay’adaha dowliga ah laga
qeybgaliyo oo talo ay ku yeeshaan bulshada qeybaheeda kala duwan oo shirkan
waxbarashada iyo kii garsoorkaba ay wada ahaayeen shirar qaran oo dalka
gudihiisa lagu dhigay, isla markaana laga qeybgaliyey dhammaan qeybaha kala
duwan ee bulshada.
Madaxweynaha ayaa sheegey in uu u soo joogo waqti aan carruurta Muqdisho aysan
tagin Iskuulada oo dhibaatooyin fara badan ay jireen, oo uu u mahadceliyey
dhammaan dadkii 22kii sano ee la soo dhaafay u istaagay horumarinta waxbarashada,
sheegeyna in la joogo waqtigii la fulin lahaa aragtida wasaaradda oo ah in hal
milyan oo carruur ah la geeyo Iskuulka. Madaxweynahu waxuu sheegey in haddii
laga wada shaqeeyo arrinkan ay suurtogal noqon karto in dhammaan carruurta
Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho tayeysan.
Madaxweynahu waxuu sheegey in dalku uu leeyahay kheyraad fara badan oo haddii
waxbarasho la helo ay keeni doonto in laga faa’iideysto oo la horumariyo
kheyraadka. Madaxweynahu waxuu sheegey inay jiraan waddamo aan kheyraad laheyn
haddana dhaqaalahoodu uu aad u sarreeyo sababtana ay tahay iyagoo xoogga saaray
waxbarashada. Madaxweynahu waxuu sheegey in 1850kii ay boqortooyada Japan
go’aamisay in shacabka Japan laga horumariyo waxbarashada oo ay maanta meel sare
ka marayaan caalamka. Soomaaliyana waa inaan mustaqbalka carruurta hadda sii
hagaajinaa oo aan aragti dheer la imaanaa.
Madaxweynaha ayaa sheegey in Puntland ay heer sare gaarsiisey waxbarashada
shacabka deegaankaas oo uu sheegey in loo baahanyahay in wax laga barto oo
dowladda dhexe qorshaheeda waxbarasho laga sii ambaqaado horumarka waxbarashada
Puntland.
Madaxweynaha oo ka hadlayey dhacdadii shalay ee xarunta Qaramada Midoobey lagu
weerarey ayaa sheegey inay nasiib darro tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed lagu
qanciyey inay is dilaan oo ay shacabka laayaan. Waxuuna sheegey in loo
baahanyahay in dhalinyaradaas lagu qanciyo inay nabadda ka shaqeeyaan oo ay bad-baadiyaan
naftooda iyo nafta bani’aadamka oo ay ajar iyo abaalmarin adduun iyo aakhiraba
ku helayaan.
Madaxweyanaha yaa sheegey inay jiri doonaan shirar kale oo looga hadlayo dib-u-habeynta
dhaqaalaha, amniga iyo dib-u-heshiisiinta bacdamaa shirkii garsoorka iyo kan
waxbarashada ay noqdeen kuwo guul ku dhammaaday oo u horseeday shacabka
Soomaaliyeed inay aayahooda ka tashadaan.
- DHAMAAD -
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Senior Advisor & Spokesperson to the
Office of the President, engabdirahman@gmail.com +252615479911 or +252 699
998854
Faafin: SomaliTalk.com | June 20, 2013
|