Ra’iisal Wasaaraha oo u tacsiyay qoyskii iyo eheladii Xildhibaan Maxamed
Faarax Jimcaale
Inaa Lilaalhi wa inaaa Ilaahi raajicuun
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon
“Saacid” ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, eheladii iyo dhamaan xubnaha
Baarlamaanka Federaaliga ah ee Soomaaliya asagoo uga tacsiyeeyay geeridii
naxdinta lahayd ee ku timid Xildhibaan Maxamed Faarah Jimcaale oo maanta ku
geeriyooday magaalada Muqdisho
.
“Inaa Lilaahi wa inaa Illaahi Raajicuun, waxaan qoyskii, eheladii iyo dhamaan
Xildhibaanda Soomaaliyeed uga tacsiyaynayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid
Xildhibaan Maxamed Faarax Jimcaale,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.
Xildhibaan Maxamed Faarax Jimcaale waxa uu kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka
Federaaliga ah ee Soomaaliya. Waxaa uu maanta ku geeriyooday isbitaalka Madiina
ee magaalda Muqdisho saacado kooban kadib markii halkaas loo keenay xanuud kusoo
boodo ah oo dhanka caafimaadkiisa la xariira.
DHAMAAD
Ahmed Adan
Xafiiska Warbaahinka
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Email: media@opm.gov.so
Gudoonka Baarlamaanka Oo Tacsi U Diray Xildhibaan Prof Maxamed Faarax Jimcaale Oo Muqdisho Ku Geeriyooday Caawa…..WARSAXAAFADEED
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan jawaari ayaa tacsi u diray Allaha u naxariistee Prof Maxamed Faarax Jimcaale oo ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayaa yiri “INAA LILAALIHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN waxaan rabaa inaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diro Allaha u naxariistee Walaalkeen Prof Maxamed Faarax Jimcaale oo ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka kaasi oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho,runtii waa geeri naxdin leh” “waxa uu ahaa Xildhibaanka geeriyooday xildhibaannada ugu fir fircoon ee Baarlamaanka waxaanna Alle uga baryayaa inuu siiyo naxariistiisa jano, si gaar ah anigoo ku hadla magaca Golaha Shacabka waxaan tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey marxuum Maxamed Faarax Jimcaale” ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Allaha u naxariistee Prof Maxamed Faarax Jimcaale oo ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday fiidnimadii hore ee caawa Isbitalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayadoo xildhibaankana uu u geeriyooday xanuun si deg deg ah ulasoo dersay. ---DHAMAAD---- Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Faafin: SomaliTalk.com | June 20, 2013
|