SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Wafdi Ka Socda Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ka Qeybgalay 20 Sano Kadib Shirka ACP-EU Oo Brussels Ka Furmay “SAWIRRO”

Wafdi ka socda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay bur burkii kadib ka qeybgalay ACP-EU oo ka furmay magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub.

Wafdiga ka socda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hogaaminaya Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar waxaana wafdigan ay shirka horgeeynayaan hormarradii ugu dambeeyey ee uu ku talaabsaday Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Dowladda Biljamka iyo madaxda Midowga Yurub sida heerka sare ah ee ay usoo dhaweeyeen Wafdiga ka socda Baarlamaanka Soomaaliya ee uu hogaaminayo.

Wafdigan uu hogaaminayo Gudoomiye Ku Xigeenka Koobaad ee Golaha Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyaha gudiga arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali,Mudane Xildhibaan Maxamuud Cabdi Xasan , iyo Mudane Maxamed Xasan Cawaale oo ah la taliyaha gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaana xubnahan maanta ay si rasmi ah u fadhiisteen kuraastii Soomaaliya oo mudo sanado ah banaaneed.

Talaabadan ay wafdigan ka socda Baarlamaanka Soomaaliya uga qeybgalayaan shirkan ka furmay xarunta Midowga Yurub ee Brussels ayaa ka qeyb ka ah hormarrada sii kordhaya ee uu Baarlamaanka Soomaaliya ku talaabsanayo marka loo eego dhanka xiriirka iyo wadashaqeynta Baarlamaannada Caalamka.

----DHAMAAD---- Xafiiska Warfaafinta Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | June 19, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;