SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Khudbadii Ra'iisal Wasaaraha ee furitaankii Shirkii Waxbarashada: Dib-u Noolaynta Waxbarashada Soomaaliya

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta [June 18, 2013) magaalada Muqdisho ka furay shir Qaran oo looga arrinsanayo dib-u-habaynta waxbarashada Soomaaliya. Waxaana soo qabanqaabiyey Wasaaradda Horumarinta iyo Adeegga Bulshada, Hay’adaha UNESCO iyo UNICEF.

Hoos ka akhri khudbaddii Ra'iisul wasaaraha DFS iyo warbixin:

Dib-u Noolaynta Waxbarashada Soomaaliya

Juun 18, 2013, Muqdisho.....Mudanayaal, marka ugu horeysa dhamaantiin waad salaamantihiin.

Waxaa sharaf weyn ii ah in aan idinkala soo qeyb galo, rasmi ahaana u furo Shirka Waxbarashada Soomaaliyeed.

Ugu horeyn, waxaan u mahadcelinayaa, Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada iyo Agaasinka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Wasaaradda. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa, ka qeybgalayaasha iyo hay’adaha UNICEF iyo UNESCO oo ka qeyb qaatay suurto galinta shirkaan.

Shirkaan oo ah mid ummadda Soomaaliyeed aad ugu hanweyn tahay, kuna soo beegmay waqti is beddel taariikhi ahi dhacayo oo laga gudbay dagaalkii sokeeye iyo dawladihii ku-meel gaarka ahaa, mar labaadna aan dib u hananay dawladnimo rasmi ah ee dalkeena, ayaa shirkaan waxaa laga sugayaa qaabeynta nidaamka waxbarasho ee dalka.

Sida la ogyahay, waxaa dhalatay Dawlad Federaali ah oo hogaan u ah Soomaaliyada cusub una heelan inay aqoonta ku gaarto dhamaan noocyada horumarka banii’aadamku u baahan yahay sida dhaqaale, tiknologiyo iyo mid bulsho. Shirkaan wuxuu qeyb weyn ka yahay dadaalka dawladdu ugu jirto kobcinta tacliinta ubadka Soomaaliyeed, ayna kula dagaalamayso jahliga, cudurka, gaajada iyo dhamaan duruufaha kale ee aqoon daradu sal-dhiga u tahay.

Waxaad tihiin aqoonyahano iyo xulka xeel-dheerayaasha tacliinta oo laga doonayo inay ka talo bixiyaan sidii mar kale dhidibada loogu taagi lahaa nidaam waxbarsho oo tayaysan oo la jaanqaadi kara cilmiga iyo tiknologiyada qarnigan 21aad, isla markaana la wada awoodo.

Waxaa waajib dastuuriya ah in ilma kasta oo Soomaali ahi helo wax-barasho illaa heer dugsi sare gaarsiisan oo lacag la’aan ah. Taasi waa waajib culus ooy tahay inaan u tabaabushaysano dawlad iyo shacabba.

Qiimaha Waxbarashada

Waxbarasho tayaysan waa kaabaha dhaqaale ee ugu muhiimsan ee umaddeenu yeelan karto. Waxay noo suurto galinaysaa in bulshadeeno gaarto hadafkeeda dheer ee ah inaan dalkeena horumarinno. Waxay xoojinaysaa wadaniyada, waxayna gaashaan nooga tahay caddawga ummadeena ee ah jahliga, cudurka iyo faqriga baahay.

Ka sakow qiimaha weyn ee bulshadeena ay ugu fadhido waxbarshadu, waxaa hubaal ah in ahmiyad gaar ah u leedahay horumarka qoska iyo himilada ardayga Soomaaliyeed. Waxbarashadu waxay ardayda dhaxalsiisaa dhawr-sanaan, ixtiraam, dulqaad, wax isla-wadaag iyo asluub wanaagsan oo intuba aasaas u ah nolosha qofka, loona baahan yahay in lagu ababiyo ubadkeena.

Tacliinta oo aan ka baahi tirno shacbkeena waa jidka ugu haboon een ku abuuri karno bulsho midaysan oo qof kastaa uu door muuqda ku leeyahay horumarka iyo wax-soo saarka dalka. Si aan hadafkaas muqadaskaa u gaarno dawladdu waxay ku dadaalaysaa inay waxbarashada u qoondayso miisaaniyad lamid ah midda amniga iyo difaaca dalka u qorshaysan.

Hafadka Dawladda

Waxaan doonaynaa inaan ubadkeena ku ababino wadaniyad anagoo ka hortageyna afkaaraha guracan iyo xagjirnimada oo aan midkoodna manfac u lahayn ummaddeena. Dugsiyadeenu waa inay noqdaan kuwo ahmiyada koowaad siinaya ku barbaarinta ardayga akhlaaqda suuban, baranna dhaqankiisa iyo taariikhda dadkiisa iyo dalkiisa. Barayaashu waa inay had iyo jeer ku baraarug-sanaadaan mushkilada ay bulshada ku hayaan qabyaalada iyo quursiga, ayna ardayda ku barbaariyaan sinaan, walaaltinimo iyo is-ixtiraam.

Si wada-jir ah, waa inaan ardaydeena iyo dhalinyaradeena ugu baarbaarinaa qiimaha wadanka iyo in qofku aamino qofnimadiisa, diintiisa, dalkiisa iyo dhaqankiisa suuban. Dugsiyadu waa halka ugu haboon ee laga baahin karo dhaqanka suuban, diinta hufan iyo wadaniyada, waana meesha lagala dagaali karo afkaaraha qaldan ee lagu dhibaataynayo ummadeena.

Fasahaadka Caqiidada

Qaar dhallinteena kamid ah laga marin habaabiyay caqiidada Diinta Islaamka taas oo jaah-wareer weyn ku ah bulshadeena guud ahaan. Jaah-wareerka diimeed ee ummadda la soo gudboonaaday waxaa ka dhashay khatar aad u weyn. Waxaana ku khasbanahay inaan ka hortagno khatartaas anagoo xoogga saarayna inaan ubadkeenna si fiican u fahamsiino caqiidada suuban ee Islaamka.

Hirgalinta Qorshahan

Haddaba, si qorshaha waxbrashadu u hirgalo waxaa ka go’an dawladda, in wasaarada loo fududeeyo dhaqaalaha iyo tas-hiilaadka kale ee ay u baahan tahay. Sidoo kale, dawladdu waxay iska xil-saaraysaa diyaarinta macallimiintii hawshaas fulin lahaa. Xirfadda macallinimadu waa inay noqoto mid lagu tartamo oo dhallinta dugsiyada ugu fiican ay soo dalbadaan. Waxaana ku hamiyaynaa inaan kor u qaadno nolosha iyo tayada macallimiinta.

Dawladdu waxay ku guda jirtaa soo celinta iyo dib-u soo noolaynta dhammaan dugsiyaddii dawladda ee shacbiga Sooomaaliyeed ay iskaa wax u-qabso ugu dhisteen intooda badan. Dadka deggan dugsiyadda iyo dhismayaasha kale ee dawladda waxaan ugu baaqaynaa inay si deg deg uga guuraan goobahaas waxbarasho.

Waxaan soo celinaynaa dugsiyaddii farsamo ee dawladda kuwo cusubna waan hirgelin doonaa.

Sidoo kale waxaan ka shaqeynaynaa sidii dib loogu hawlgelin lahaa Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed waxaana lagu soo kordhin doonaa kulliyado hor leh iyo machadyo sare oo iyada hoos yimaada.

Gunaanad

Mudanayaal, martida sharafta leh ee shirweynahan qeybta ka ah, waxaan idinka sugaynaa inaad fikir cad ka dhiibataan nidaamkii iyo qorshihii waxbarashada dalku ku socon lahaa sanooyinka soo socda. Waxaan doonaynaa nidaam waxbarasho oo leh manhaj midaysan oo awood u leh inuu soo saaro jiil Soomaaliyeed oo cusub, isla markaana ahmiyad gaara siinaya barashada iyo kor u qaadidda afka Soomaaliga. Manhajkaas waa inuu soo saari karaa jiil cusub oo Soomaalinnimo, waxgaradnimo, karti iyo aqoon casriyana leh, maskax fayoow. 
Waxaan idinka sugaynaa inaad soo jeedisaan qorshe waxbarasho oo u qalma dalkaan, kaas oo hoorseedi kara in ummadeenu ku tilaabsato horumar dhan kasta oo nolosha la xiriirta ayna ka baxdo jahliga iyo gaajada.

Waad mahadsan tihiin dhamaan.

Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” 
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaliga ah ee Soomaaliya


Ra'iisul Wasaaraha ayaa maanta furay shirka heer qaran ee dib-u soo noolaynta waxbarashada Soomaaliya

Muqdisho, 18, June 2013…Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir heer qaran ah oo looga arrinsanayo dib-u-habaynta waxbarashada Soomaaliya, shirkaan ayaa lagu wadaa inuu socdo mudo saddex maalmood ah. Waxaana soo qabanqaabiyey Wasaaradda Horumarinta iyo Adeegga Bulshada, Hay’adaha UNESCO iyo UNICEF.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay xeeldheerayaal dhinaca waxbarashada, oo ka kala yimid gobollada dalka iyo dibadiisaba. Ra’iisul Wasaaraha aya khudbadda uu madasha ka jeediyey ku sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay qorshaynayso inay miisaaniyad balaaran u qoondayso waxbarashada dalka.

”Dawaxay ku dadaalaysaa inay waxbarashada u qoondayso miisaaniyad lamid ah midda amniga iyo difaaca dalka u qorshaysan, ayuu yiri Ra'iisal Wasaaruhu. Waxaana uu ku baaqay in si dad dag ah loo baneeyo xarumihii waxbarashada ee dawladda, "dadka deggan dugsiyadda iyo dhismayaasha kale ee dawladda waxaan ugu baaqaynaa inay si deg deg uga guuraan goobahaas waxbarasho.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay dib-u soo noolaynta tacliinta sare waxaana uu sheegay in dawladdu ku hawl-jirto in Jaamacadii Ummada dib loo furo.

“Waxaan ka shaqeynaynaa sidii dib loogu hawlgelin lahaa Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed waxaana lagu soo kordhin doonaa kulliyado hor leh iyo machadyo sare oo iyada hoos yimaada.” Ayuu tiri Ra'iisal Wasaaruhu. Waxaana uu dhanka kale sheegay in yoolka laga leeyahay dib-u-habaynta waxbarashada ay tahay sidii looga hor tegi lahaa fikradaha qaldan ee ku dhisan xagjirnimada iyo qabyaaladda, iyo sidii loo dhisi lahaa bulsho ka caafimaad qabta fikradahaas.

Shirka dib-u-soo noolaynta waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo maalinta khamiista ah ee soo socota, waxaana laga soo saari doonaa qorshe qaran oo ay hagayso Wasaaradda Hormarinta iyo Adeega Bulshada iyo talooyin ku aadan manhaj midaysan oo ay Soomaaliya yeelan doonto kaddib 22 sano.

DHAMAAD

Sawirada halkan ka daawo
http://s1190.photobucket.com/user/adangurey/slideshow/OPM%20Education

Xafiiska Warbaahinta ee
Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha
Muqdisho Somalia

Email: media@opm.gov.so

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 18, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;