Shir Sanadeedki Beesha Karanle oo lagu soo Gabagabeebey Magaalada Bristol
ee Cariga Ingiriiska
Shirweynihi Beesha Karanle
oo Sannadlaha ahaa ayaa waxaa Sanadkan Martigelyey Jaaliyadda Beesha ee
Magaalada Bristol,shirkaas oo ay ka soo qeybgaleen Dhamaan Ergooyinka Gobolada
Wadanka Uk, Shirkaas Ajendayaasha looga hadlayey ay ka mid ahaayeen
Dib u eegidda waxyaabihii u qabsoomay beesha Snadki la soo dhaafay.
Warbixnno laga Dhageystay Gudigi hore iyo Gudoomiyahooda.
Doorashada Gudoomiyaha Sanadka soo socda iyo Gudiyadiisa.
Baahida Beesha ee ku aadan Waxbarashada,Caafimaadka iyo Mideynta.
Ka qeyb-qaadashada Arimaha ka socda Wadankan aan joogno iyo Wadankeenii
Soomaliyaba.
Ugu horeyn waxaa Madasha ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyadda Bristol oo ergooyinka
ku soo dhaweeyey shirka Kornel Maxamud Xasan isagoo ka mahadceliyey ka soo
qeybgalka shirka oo ahaa mid ay Beeshu aad uga soo wada qeybgashay.
 
ka dib waxaa isagana Warbixinno laga dhageystay Gudoomiyhii waqtigiisu dhamaaday
ee Beesha Karanle ee Wadanka Uk Mudane Cabdi Rubac oo ku dheeraaday waxyaabaha
qabsoomay mudadii Sanadka aheyd oo uu haayey Xilkaas iyo waxyaabihii u qabsoomi
waayey,isagoo uga Mahadceliyey Beesha sidi loola shaqeeyey mudadii uu Xilkaas
haayey.
Intaas ka dibna waxaa loo gudbay Qodobadi kale ee Ajendaha oo ay ugu horeysay
Doorashada Gudoomiyaha Cusub ee Sanadkan oo uu ku guuleystay inuu Jaaliyadda
Hogaamiyo Mudane Maxamed Axmed Rooble oo si Aqlabiyad ah lagu doortay ka dib
markuu soo bandhigay wax qabadkiisa Mudada uu Xilka haynayo.
Ugu danbeyn shirkaas oo ku Dhamaaday Guul iyo isafgarad ayaa lagu Heshiiyey in
Sanadka soo socda lagu qabto Gobolka Great Manchester hadii Alle idmo.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mai amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | June 18, 2013
|