Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay R.Wasaarihii hore
ee Norway
Muqdisho, 15, June, 2013… Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee
Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xafiiskiisa kulan kula
qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Norway Kjell Magne Bondevik oo hada ah
gudoomiyaha Xarunta Oslo ee dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha oo la asaasay
sanadkii 2006.
Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa kulankii uu la qaatay uga warbixiyey xaaladaha
dalku marayo, iyo horumarada ay dowladdu ka samaysay dhanka xuquuqul insaanka,
dowlad wanaaga iyo nabad ku soo dabaalida dalka.
“Dalka Norway wuxuu Soomaaliya ka taageeraa arimaha horumarinta, waana waddan
aan leenahay xiriir wanaagsan, waxaana ka wada hadalnay sidii dawladda gacab
looga siin lahaa dhanka dib-u-dhiska iyo dawlad wanaaga” ayuu yiri Ra’iisul
Wasaaruhu.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee Norwey ayaa sheegay in Soomaaliya uu
yimid dhowr jeer, maantana ay ka muuqato Muqdisho isbadal badan oo dhan kasta ah
oo ay sameysay dawladda Soomaaliya,
“Sanadkii 2005 ayaa ka dagay xilka R.Wasaaraha Norway, waxaana u jeestay inaan
ka shaqeeyo horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka, xafiikaygu wuxuu
u qoondeeyey barnaamijyo lagu hormarinayo baarlamaanka Soomaaliya, waxaan ka
wada hadalnay R. Wasaaare Saacid sidii aan taageero u siin lahayn xafiiskiisa
iyo golaha wasiirada. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Norway
Masuulkaan ayaa sidoo kale sheegay in uu dawladda Soomaaliya kala shaqayn doono
baahinta maamul wanaaga, federaalisamka, iyo horumarinta xuquuqul insaanka,
iyadoo markastana la dhowrayo shuruucda dalka u degsan, waxaana xaruntiisu
xariir wada shaqyan la leedahay Carter Center oo uu gudoomiye ka yahay
madaxweynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter.
---DHAMAAD---
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the Prime Minister
Mogdisho-Somalia
Media@opm.gov.so
Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2013
|