SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Ra’iisal Wasaaraha oo soo dhaweeyay go'aanka Qaramadda Midoobay ay ku taageertay dadaalka dawladdu ugu jirto xasilinta Jubboyinka*

Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid" ayaa si weyn u soo dhaweeyay go'aanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay ku taageereen doorka dawladda ee ku aadan xasilinta dalka.

Warbixintan ayaa Golaha Amaanku ka soo saareen xaalada Jubboyinka iyo xasilinta dalka guud ahaan, kadib markii uu golaha u warbixiyay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM mudane Taye-Brooke Zerihoun. Waxayna golaha qoraalkan ku cadeeyay sida ay uga walaacsan yihiin xaalada amniga ee Jubbooyinka. Ayagoo dhanka kalena goluhu muujiyeen inay taageerayaan dadaalka dawladda Soomaaliyeed ay ku doonayso inay gobolada Jubooyinka ku xasiliso ayadoo ka duulaysa go'aamadii IGAD isla markaana kaashanaysa xafiiska UNSOM.

Golaha Amaanka ayaa warbixintan ku sheegay sida ay bulshada caalamka uga go'an tahay inay tilaabo ka qaadaan cid kasta oo hor-istaagta ama caqabad ku noqota xasilinta iyo dib-u heshiisiinta Soomaaliya.

"Waxaan si weyn u soo dhaweynaynaa warka ka soo baxay QM ee ay ku muujiyeen taageeradooda iyo sida ay u garab-taagan yihiin hawsha dib-u heshiisiinta iyo federaalaynta ee ay dawladdu hormuudka ka tahay," ayuu yiri Ra'iisal Wasaaruhu.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa Golaha Amaanka ee QM uga mahad-celiyay doorkooda suuban ee ay ku taageerayaan nabadaynta dalka iyo sida ay go'aanka cad uga qaateen cid kasta oo caqabad ku ah xasilinta dalka.

"Waxaan Golaha Amaanka uga mahad naqayaa mawqifka cad ee ay nagala qaateen kuwa caqabada ku ah dib-u heshiisiinta iyo nabadeynta dalka, gaar ahaan masiirka gobolada Jubbooyinka," ayuu yiri Ra'iisal Wasaaraha oo intaas ku daray in xalka Jubooyinka iyo dalka intiisa kalaba uusan ku jirin qori caaradiis ee xalku ku jiro wada xaajood iyo in la helo isku tanaasul bulshada dhexdeedaa.

DHAMAAD

FG Tifaftiraha:

Warbixintii QM halka ka daalaco:

http://www.un.org/News/Press/docs//2013/sc11032.doc.htm

Ahmed Adan
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia

Email: media@opm.gov.so
Mobile: +252 (0) 616 440 028

Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;