SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu casuumay Xafladda Boqortooyada UK iyo Shirka hordhaca G8

Muqdisho, 14 June 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha UK David Cameron si uu uga qeybgalo xafladda loo sameynayo Boqortooyada Ingiriiska ee 15ka Juun oo ku beegan maalintii ay dhalatay iyo shirka hordhaca ee G8 ee Sabtiga 15ka Juun 2013.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa maanta oo 14ka bisha Juun ah lagu wadaa inuu London kula kulmo Rt Hon Justine Greening MP, oo ah Wasiiradda Horumarinta Caalamka (DFID), kulankaas ka dibna uu ka qeybgalayo casho sharaf ay mas’uuliyiinta UK u sameynayaan.

Madaxweynaha ayaa hoggaaminaya wafdi heer sare ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda Maxamud Xasan Saleebaan iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Cabdisalaam Xaaji Hadliye ayaa maalinta Jimcaha 14ka Juun 2013 ay gaarayaan magaalada London.

Maalinta Sabtiga ah ee 15ka Juun 2013 waxuu madaxweynaha la kulmi doonaa David Cameron Ra’iisul Wasaaraha UK, kana qeybgali doonaa xafladda Boqoradda Ingiriiska Her Majesty Queen Elizabeth II, ka dibna waxaa qado sharaf u sameyn doona Ra’iisul Wasaare ku xigeenka UK, ka dibna galabnimadii uu ka qeybgali doono shirka hordhaca G8 oo ay madaxda caalamku ka soo qeybgali doonaan oo looga hadli doono “Transparency Revolution: the G8 Tax, Trade and Extractives Event” oo ay tahay markii ugu horreysey oo Soomaaliya lagu casuumo shirarka G8.

- DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow

Madaxweyne Xassan oo Kulamo la qaadan doono Madaxda G8 ka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamud uu wehliyo Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamud Xassan Suleyman ayaa maanta kasoo degay London halkaasna kulamo kula qaadan doono Madax ka tirsan G8ka. Sanadkan ayaa shirka G8ka looga hadli doonaa “Ganacsiga, Canshuuraha iyo maamul wanaaga”.

Safarkaan ayuu Madaxweyne Xassan ku guubaabin doonaa dalalka G8ka in ay Soomaaliya la ganacsadaan oo ay maal gelin ku sameeyaan taas oo door weyn ka cayaari doonto sidii Soomaaliya ay nabadda ugu soo noqon laheyd. Sidoo kale wuxuu ku wargelin doonaa in hada dalku u furan yahay gancsi iyo wada shaqeyn.

Madaxweyne Xassan ayaa wuxuu la kulmi doonaa Raisul Wasaaraha Ingiriiska oo ay ka go’an tahay in uu taageero dowladda Soomaaliya. Ingiriiska ayaa safaaradiisii hore Magaaladda Muqdisho dib-uga furay labaatan sanno ka dib.
“Soomaaliaya waxey ku taalaa meel muhiim u ah caalmka oo dhan. Waa dal qani ah oo leh kheyraadka dabiiciga ah oo ku wanaagsan ganacsi iyo maal gashi. Maanta aduunka oo dhan diyaar buu noo yahay. Waxaan ku boorinayaa dhamaan raga iyo dumarka Soomaaliyeed in aan ka faa’ideysano fursadaan qaaliga ah.” Saa waxaa yiri Madaxweyne Xassan

Ugu danbeyntii ayuu ku soo gaba-gabeeyay in shaqo loo abuuro dhalinyaradda waxey ka mid tahay qaabka looga hortagi karo burcad badeeda iyo argagixisadda. Dhalinyaradda in shaqo loo abuuro waxey muhiim u tahay nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

--

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | June 13, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;