Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho oo Lagu Wareejinayo shirkad laga leeyahay
dalka Turkiga
Warsaxaafadeed ka soo baxay golaha wasiirada DFS ayaa tibaaxay in "Golaha Wasiirada Ayaa Maanta Ansixiyey Hindise Sharciyeedka Duulista Cirka Iyo
Saadaasha Hawada".
Goluhu wuxuu go’aan saday in shirkad laga leeyahay dalka Turkiga lagu
wareejiyo maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade, waxayna shirkadaas balan
qaaday in mudo sideed bilood gudaheed ah lagu soo kordhin doono garoonka isbadal
dhan kasta ah, waxaana saddexdii sano ee la soo dhaafay gacanta ku hayey
maamulka garoonka diyaaradaha shirkada SKA.
Warsaxaafadeedka oo dhan hoos ka akhri:
War-saxaafadeed:
Golaha Wasiirada Ayaa Maanta Ansixiyey Hindise Sharciyeedka Duulista Cirka Iyo
Saadaasha Hawada
Khamiis, 13, June, 2013…Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir gudoominayey
Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) waxayna ka doodeen qodobo muhiim
ah oo ay ka mid yihiin Hindise Sharciyeed ay soo gudbiysay Wasaaradda
Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka, Shirakad Turki ah oo dhawaan
lagu wareejin doono maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade, Dib-u-soo celinta
feestooyinkii iyo qadarintii 26 June iyo 1-da Luuliyo, iyo Wasaarada Horumarinta
iyo Adeega Bulshada oo soo jeedisay qabashada shir muhiim ah oo ku saabsan
midaynta manhajka waxbarasho ee dalka. Shirka goluhu markii uu soo idlaaday waxaa saxaafada uga warbixiyey qodobadii ka
soo baxay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, B.Isgaarsinta iyo Gadiidka Mudane
Cabdullahi Cilmooge Xirsi oo ugu horayntii ka hadlay ahmiyada uu leeyahay
sharciga duulista cirka iyo saadaasha hawada. “Sharcigaan waxa uu kaalin mug leh ka qaadanayaa dib u hanashada maamulka hawada
Soomaaliya , kobcinta dhaqaalaha, abuurida shaqooyin dalka gudihiisa, soo
celinta sharafta iyo karaamada Soomaaliya, iyo xirfadlayaal sare oo dalku
yeesho, waxaa xusid mudan in Wasaaraddu ku guulaystay in ay dib u la soo noqoto
maamulka hawada Soomaaliya 22 sano kadib oo ay horay u maamulaysay Hay’ada ICAO
ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka hawada” ayuu yiri Wasiirku Sidoo kale goluhu wuxuu go’aan saday in shirkad laga leeyahay dalka Turkiga lagu
wareejiyo maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade, waxayna shirkadaas balan
qaaday in mudo sideed bilood gudaheed ah lagu soo kordhin doono garoonka isbadal
dhan kasta ah, waxaana saddexdii sano ee la soo dhaafay gacanta ku hayey
maamulka garoonka diyaaradaha shirkada SKA.
Dhanka kale goluhu wuxuu ayidday soo jeedinta Wasaaradda Horumarinta iyo Adeega
Bulshada taas oo ah in la qabto shir looga hadlayo waxbarashada dalka oo dhici
doona 18-20 bishaan June, kaas oo ay ka soo qayb galayaan qurba joogta,
aqoonyahanada, culimo-u-diinka, iyo xubno ka tiran golaha wasiirada, waxaana
wasaaraddu soo bandhigaysaa manhaj midaysan oo dalku yeelanayo. Ugu danbayntii goluhu wuxuu isku raacay in maalmaha 26 June iyo 1-da luuliyo loo
sameeyo dabaaldegyo balaaran oo lagu muujinayo qaranimada Soomaaliya, waxaa
sidoo kale goluhu meel mariyey in dhamaan deeqaha dhaqaale ee dalka soo gala la
soo marsiiyo Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorshaynta Qaranka.
----DHAMAAD---
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the Prime Minister
Mogadisho-Somalia
Media@opm.gov.so
13 June 2013
Prime Minister moves to take charge of Somalia’s airspace
Somalia took a giant leap towards full control of its airspace today, as Cabinet
approved a draft civil aviation law that will revolutionise sovereignty of the
country’s skies.
“This law is going to help Somalia take charge of its airspace,” said Minister
of Information, Transportation and Telecommunication Abdullahi Elmoge Hersi. “It
helps economic growth, it helps job creation and it helps develops aviation
skills for our nation. And it shows once again that we are in charge.”
The draft legislation now goes to parliament for debate and, once passed, will
form the foundation of the new Somali aviation framework, with full control of
Somali airspace being transferred by the UN’s International Civil Aviation
Organisation later this year.
Cabinet also agreed full government participation in the forthcoming National
Education Conference for Somalia, a three-day congress between 18-20 June
involving civil society and local administrations to develop a national
curriculum. The Conference will “review current needs, achievements and
challenges facing the education system to generate consensus on the critical
challenges among all stakeholders”.
In a landmark, unanimous decision, Cabinet called upon foreign donors to route
their support exclusively through the Ministry of Finance and Planning.
“For too many years aid to Somalia has been delivered in a very fragmented
fashion, which is neither efficient nor desirable,” said His Excellency Prime
Minister Abdi Farah Shirdon. “From now on we would like all international donors
to channel their funding through the Ministry of Finance and Planning. We
believe that will help achieve donor objectives and meet the needs of Somali
people, while demonstrating appropriate respect for the Somali government and
its policies.”
Finally, the defence minister reported the findings of his recent visit to
Kismayo, discussing the progress achieved on security, centred on the important
ceasefire agreed and the willingness of all sides to begin negotiations.
ENDS
Ahmed Adan
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
Email: media@opm.gov.so
Mobile: +252 (0) 616 440 028
Faafin: SomaliTalk.com | June 13, 2013
|