SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Dawladda Sucuudiga oo Soomaaliya ugu deeqday 72 milyan oo doolar oo lagu fulinayo Mashaariic uu hirgelinayo Ururka Iskaashiga Islaamka

R.Wasaaraha ayaa soo dhaweeyey kaalmada Ururka Islaamka codsina u diray caalamka inay dib-u-dhiska Soomaaliya ka qayb qaataan

Muqdisho, 09, June, 2013…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa maanta ka qayb galay xaflad lagu daah furayey mashaariic ay dowladda Sucuudigu ugu deeqday Soomaaliya oo uu hirgalinayo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Mashaariicdaan ayaa waxaa ku baxaya lacag gaaraysa 72 milyan oo doolar waxaana wajigiisa koobaad oo maanta bilowday ku baxay 24 milyan oo doolar, iyadoo wax looga qabanaya lacagtaas arrimaha Caafimaadka, Waxbrashada, Biyaha, Beeraha iyo Arrimaha Bulshada.



Wakiilka Ururka Islaamka u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Maxmed Aadan ayaa sheegay in dowladda Sucuudiga maal galinayso mashruucaan oo noqon doona sadex waji, iyadoo laga hirgalinayo dhamaan goboladda Dalka.

“Ururka Iskaashiga Islaamku wuxuu diyaar u yahay inay kaalin mug leh ka qaadataan dib-u-dhiska Soomaaliya, mashruucaana waxaa wajigiisa kowaad laga hirgalinayaa gobolada dalka, waxaana horay Ururka Iskaashiga Islaamku 11 gobol oo dalka ah ka qoday 50 ceel” ayuu yiri wakiilka OIC oo dhanka kale sheegay in looga baahan yahay dowladaha ku jira Ururka inay qaataan kaalin la mid ah tan uu qaatay Sucuudigu si looga qayb qaato dib-u-dhiska Soomaaliya.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdullahi Cilmooge Xirsi oo wasaaradiisu marti galisay kulnka ayaa sheegay in Ururuka Iskaashiga Islaamku uu yahay kan labaad ee ugu weyn caalamka, waxaana xubno ka ah 57 dowladood, waana Urur u taagan u gar-gaarida Muslimiinta, mashrucaan aadka u balaaran oo ay ka fulinayaana Soomaaliyana uu qayb weyn ka qaadan doono xasilinta dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhankii uga mahadceliyey Ururka Iskaashiga Islaamka kaalinta uu ka qaadanayo fududaynta iyo isku dubaridka mashaariicda bani’aadanimo iyo hormarineed ee laga fulinayo Soomaaliya



“Deeq bixiyayaasha wadamada aan saaxiibka nahay iyo walaalheena wadamada Islaamka, waxaan ku bogaadinaynaa kaalinkii ay ka qaateen gurmadkii xiliyadii abaaraha culus ay ka jireen dalka Soomaaliya, Waxay geysteen gurmad deg deg ah oo badbaadiyey malaayiin Soomaali ah, Abaalkaas waa mid aan la ilaawi doonin, Soomaaliya maanta waxay gashay marxalad cusub oo ay dib ugu soo ceshatay dowladnimadeedii, waxaana looga fadhiyaa wadamada Islaamka inay qayb ka qaataan dib-u-dhiska dalka si ay Soomaalya cagaheeda isugu taagto. Ayuu yiri Ra’iisul wasaare Saacid oo dhanka kalana hambalyo iyo bogaadin u diray dowladaha ka qayb qaadanaya dib-u-dhiska Soomaaliya oo ay kamid tahay Boqortooyada Sucuudiga oo uu hor kacayo Boqor Cabdalla bin Cabudlcaziz Aala-Sacuud.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhawaajiyey in dib-u-dhiska dalku uu ka culus yahay kana gunweyn yahay gurmadka abaaraha, hadii aan dunida oo dhan u istaagina ay suurta gal ahayn in Soomaaliya ay kaligeed wajahdo.

“Qorsha Dowladaydu ilaa iyo markii golaha Barlamaanka ansixiyey waxay ku hawalneyd dejinta qorshe lagu dhisayo hanaanka dowladnimo laguna dardar-gelinayo dib-u-dhiska Soomaaliya. Waxaan diyaarinay qorshe ka kooban dib-u-dhiska hanaanka waxbarashada, Caafimaadka, Horumarinta Adeegyadda Bulshada iyo Kaabayaasha dhaqaalaha oo aan rajaynayno in Barlamaanku ansixiyo si loo hirgaliyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa codsi u diray dhamaan deeq bixiyayaasha caalamka in qorshaha dowladda dajisay ku kaalmeeyaan sidii loo meel marin lahaa, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey Ra’iisul wasaaruhu dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka inay kaalin buuxda ka qaadan doonaan dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

----DHAMAAD----

Diraac Salaad Fagaase

Communication Director Office of the Prime Minister

Mogdisho-Somalia

media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com | June 8, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;