Kulan looga Hadlaya Nabadda iyo Isdhexgalka Bulshada oo lagu soo Gabagabeeyey
Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe
Ururka u Dooda Xuquuqda Dhalinyarada ayaa ku qabtay Magaalada Jowhar kulan
ballaaran oo looga hadlayay is dhex galka Bulshada, qaabka Dhalinyarada uga qeyb
qaadan karaan Nabada, iyadoo kulankan lagu Abaalmariyay Kooxihii ka qeyb galay
Tartan Isboorti oo Todobaadkan ka socday Magaalada. Waxaa kasoo qeyb galay inta badan qeybaha Bulshada iyadoo ay joogeen
Mas'uuliyiinta Gobolka oo uu ka mid ahaa ku Simaha Maamulka G/Sh./Dhexe Yusuf
Jaalle, Gudoomiyaha Degmada Jowhar ahna Duqa Degmada Maxamed Amiin, Taliyaha
Guutada 1 aad ee Ciidmaada Jeneral Maxamed Maxamuud Saney, Cisman Axmed Rooble
oo ka tirsan Mas'uuliyiinta SYAO, Gudoomiyaha Olombikada Gobolka Shongole,
Gudomiyaha Haweenka Gobolka Maamo Madyan iyo Marti sharaf kale.
 Dhamaan Haweenkii, Dhalinyaradii iyo Mas'uuliyiintii ka soo qeyb gashay ayaa
muujiyay Muhiimada ay u leedahay bulshada kulamada isdhexgalka bulshada iyagoo
SYAO uga Mahadceliyay Abaabulka iyo qabashada kulamada noocaan oo kale ah. Ku simaha Maamulka Gobolka Yusuf Cabdi C/lle (Yusuf Jaalle) oo Madasha hadalo ka
jeediyay ayaa ugu horeyn SYAO u jeediyay Mahadcelin ku aadan kulanka iyo
diyaarinta abaalmarinada, waxa uuna sheegay inuu garab taagan yahay dhalinyarada
iyo wax qabadkooda si nabada iyo isdhexgalka ay uga wada shaqeeyaan. Maxamed Amiin X. Cusman ( Caqiil ) Gudoomiyaha Degmada Jowhar ahna duqa
Magaalada oo isna hadalo ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in Dhalinyarada laga
doonayo iney noqdaan kuwo Nabada dhiirigaliya oo si hufan uga shaqeeya, isagoo
xusay inay hada meel wanaagsan marayo Barnaamijka deriseynta, oo lagu xoojinayo
Nabada ka jirta magaalada.
Taliyaha Guutada 1-aad gaaska 1-aad Ganeral Maxamed Maxamud Saney ayaa sheegay
in SYAO ay mudan tahay in la Abaalmariyo maadaama ay qeyb weyn ka qaataan dhiiri
galinta Nabadda iyo Dalinyarada. Gudoomiyaha Olombikada Gobolka Maxamed Khalaf Adan Shongole oo isagu si aad ah
isugu soo duway tartanka ayaa sheegay in ciyaartoyda laga doonayo ciyaarida
kubada si Nabad galyo ah, waxa uuna SYAO uga mahadceliyay sida ay uga gacan
siisay qalabka isboortiga iyo hadiyadaha loogu talagalay kooxaha. Mudane Cismaan Ahmed Rooble oo ka tirsan Mas'uuliyiinta SYAO oo ka hadlay
kulanka isugu jiray Abaalmarinada Kooxihii tartanka ka qeyb galay iyo ka wada
tashiga Nabada iyo iska warqabka bulshada iyo maamulka ayaa waxa uu goobta ka
balan qaaday in SYAO ay sii wadi doonto howlaha lagu hormarinaayo Nabada
Gobolka. Sidoo Kale Maamo Xaliimo Madyan oo goobta ka jeedisay kalmado u badnaa soo
jeedin ku aadaney kordhinta tartamada noocaan oo kale ah iyo in maamulka oo xil
iska saaro dowladana la kaashado ka shaqeynta wadooyinka magaalada soo gala oo
bur bursan meelo fog fogna laga soo wareegsado. Dhinaca kale soo gaba gabaynta tartanka ka sakoow waxaa iyana halkaasi ka
dhacday dood aad u xiisa badnayd oo dhex nartay dhallinyaradii ka soo qayb
gashay xiritaanka cayaarahaasi, kuwaasi oo si aad ah uga wada hadlayay arimo ku
aadan isdhexgalka Bulshada iyo sida looga shaqeyn karo amaanka Gobolka iskagana
war qabi karaan Maamulka iyo Bulshada Gobolka Sh/ Dhexe. Gabagabadii kulanka ayaa waxaa goobta ka hadlay Dhalinyaradii kulanka lagu
casuumay iyagoo sheegay in ay dalbanaayan in maamulka ka shaqeeyo badinta
tartamada iyo dhisida garoomada si isdhexgalka loo xoojiyo. Goobta ayaa lagu
abaalmariyay Bilado, Koobab Qalab isboorti Kooxihii kaalmaha galay iyo dhamaan
Ciyaartoydii qeybta ka ahaa tartanka inta uu socday iyo dhamaan intii qeybta ka
eheyd suurta galinta Tartankii Todobaadka socday. W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | June 8, 2013
|