Madaxweynaha Somalia oo ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagalka
Kismayo
Mogadishu, 08 June 2013 – Shir Jar’aaid oo ay wada qabteen Madaxweynaha
Somalia iyo Ergeyga cusub ee QM ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo
dagaalada ka socda Kismaayo.
“Aad iyo aad baan uga xumahay inaan maqlo dagaalo ka soo cusboonaaday Kismaayo.
Waa arrin khaldan in Soomaalida dhexdooda ay is dagaalaan, oo dagaalku ma keeno
xal ama hami siyaasadeed.
“Waqtigii dagaalada waa uu dhammaaday. Waa inaan midownaa oo aan khilaafkeena ku
xalinaa si nabad ah. Waana inaan u midowno la dagaalanka kooxaha Al Shabaab.
“Dowladdu waxey dhowaan qabaneysaa Shir Dib-u-heshiisiineed sidii ay Madaxda
IGAD ku heshiiyeen 24kii May 2013”
DHAMAAD
Madaxweynaha Somalia oo ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan UNSOM
Mogadishu, 08 June 2013 –
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hassan Sheikh Mohamud
ayaa maanta ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan Ergeyga cusub ee
Xoghayaha Guud ee QM iyo xafiiskiisa cusub ee UNSOM.
Madaxweynaha ayaa Ergeyga cusub ee XG ee QM, ahna madaxa UNSOM, Nicholas Key ku
soo dhoweyey Villa Somalia oo ay kulankoodii ugu horreeyey ku qaateen ka dibna
ay si wadajir ah ula wada hadleen saxaafadda ayaa waxuu yiri:
“Farxad weyn bey ii tahay inaan Ambassador Kay ku soo dhoweyo Muqdisho isla
markaana aan si rasmi ah u soo dhoweeyo xafiiska cusub ee UNSOM.
“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay in QM ay nagala tashteen shaqsiga ay u soo
magacaabayaan Somalia, tanoo ah markii ugu horreeysey ee QM xafiiskooda wakiilka
ka ah dhammaan hay’adaha QM loo soo diro Somalia.
“Waa inaan dhammaanteen la wada shaqeynaa UNSOM oo aan ku saacidnaa sidii ay
shacabkeena u saacidi lahaayeen. Xafiiska wakiilka ka ah dhammaan hay’adaha QM
waxuu noo sahlayaa in la horumariyo adeegyada bulshada iyo wadashaqeynta QM iyo
Somalia. Waxaan kaaga mahadcelinaynaa taageerada aad taageertay qorsheyaasha
Dowladda ee amniga, nabadeynta iyo dib u dhiska Dalka.
“UNSOM waxey imaaneysaa waqtigii saxda ahaa oo dalku horumar sameynayo. Waxeyna
na siineysaa kalsooni buuxda ee QM iyo sida ay caalamku ugu heelanyihiin sidii
Somalia ay u soo kaban laheyd.
“Waxaa jira caqabado fara badan, hase ahaatee waa inaan ka wada gudubnaa oo aan
xalkooda u horseednaa. Laakin kaalmo yar oo la siiyo Somalidu waxey bilaabayaan
faa’iidada ka soo kabashada dalka oo hadda socda.”
Nicholas Kay oo ah wakiilka cusub ee XG ee QM ayaa yiri,”Waxaan u jeednaa cagaar
socda oo ah bilowgii Soomaaliya. Shacabka Soomaaliyeed aad bey mustaqbalkooda
uga rajo qabaan oo ay naga sugayaan hami aad u sareeya. Waana inaan xag sare
tiigsanaa. Caalamku waxuu la wadaagaa hamiga iyo rajada shacabka Soomaaliyeed.
Aad baana ugu faraxsanahay taageeradooda Xafiiska cusub ee UNSOM.
“Waxaana ku faraxsanahay kalsoonida Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxaana
iga go’an inaan arko Somalia oo dib u soo laabatay, oo nabad iyo barwaaqo dhex
taallo shacabka Soomaaliyeed.”
DHAMAAD
ka soo baxay xafiiska madaxweynaha
Madaxweyne Xasan Shiikh oo Dib Dalka ugu soo laabtey kana warbixyey Safaro
uu ku soo marey Qaarka ka mid ah Wadamada Caalamka
Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa m dalka
dib ugu soo laabtay.Wasiirka warfaafinta iyo Boostada ee dawladda Federaalka
Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa Saxaafadda uga warbixiyay safaradii
uu Madaxweynuhu ku kala bixiyay Dalalka Jabbaan iyo Kenya.
Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Jabaan
si wadajir ah u Guddoomiyeen shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo ka
dhacay Magaalada Yokahama ee Dalka Jabaan.
Shirkaas ayuu sheegay wasiirku in Xukuumadda Jabaan ay go’aan ku gaartay in ay
la soo ceshato xiriirkii rasmiga ahaa iyadoo Xukuumadda Jabaana ay balan qaaday
in ay gacan ka gaysan doonto dhinaca Horumarinta Xoolaha iyo Kalluumeysiga.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in Jabaan dhawaan ay Dalka Soomaaliya u soo diri
doonto Rag Khubaro ah kuwaasoo oo qiimeyn ku samaynaya Mashaariicda Horumarineed
ee Dalka Soomaaliya laga hirgelinayo.
Wasiirka ayaa soo hadal qaaday kulan Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya
muddo laba Maalmood uu kula qaatay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Madaxweynaha
Dalkaas .Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa soo hadal qaaday in labada Madaxweyne
ay isla soo qaadeen ka sokoow xiriirka labada Dal sidii dib loogu soo celin
lahaa Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Dalka Kiinya.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | June 8, 2013
|