SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Dowladda Somaaliya oo 22 sano kadib, dib uga mid noqotay Heshiiska caalamiga ee waddamada Afrika Carribean and Pacific (ACP) iyo Midowga Yurub(EU) loona yaqaan COTONOU AGREEMENT

Shirweynihii 38aad ee golaha wasiirada waddamada Africa, Carribean and Pacific iyo Midowga Yurub (EU-ACP) ayaa lagu qabtay 6-7 June 2013, magaalada Brussels ee dalka Belgium, waxaana looga hadlay codsi ay dowladda Federaalka Somaaliya ay hore u gudbisay, oo ahaa in dib loogu oggolaado ka mid noqoshada saxiixayaasha heshiiska Cotonou agreement oo ah heshiis wadajir ah oo u dhaxeeya wadamada saboolka ah ee Afrka- Carribean and Pacific iyo Midowga yurub oo la saxiixay 23 kii June sanadkii 2000.

Haddaba kulankaan oo ay shir gudoominayeen Wasiirka Arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Dalka Botuswana Mudane Phandu SKELEMANI iyo Wasiirudowlaha Ganacsiga iyo Horumarint Dowladda Irelend mudane Joe COSTELLO ayaa lagu ansixiyey codsigii dowladda federaalka ah ee somaaliya ay hore u gudbisay. ka mid noqoshada heshiiskaan waxa ay dowladda Somaaliyeed fursad u siineysaa in ay hesho dhaqaalaha loogu talagalay mashaariicda horumarinta ( Development Projects ) oo ka baxsan deeqaha xaaladda biniaadanimo ee la siiyo wadamada soo koraaya.

Mr Joe Costello oo shirka ka dib ka hadlay shir jaraaid ayaa waxa uu yiri " Heshiiska maanta aan halkaan ku gaarnay ee loo oggolaaday Somaaliya ka mid noqoshada heshiiska Cotonou, waxa uu bog cusub u furayaa Dowladda Federaalka ee Somaaliya iyo Midowga Yurub, taasina waxa ay tilmaan cad u tahay in Dowladda Soomaaliyeed ay si buuxda dib ugu soo noqotay kaalintii ay ku laheyd Bulshada caalamka".

Dhanka dowladda Somaaliya waxaa kulankaas uga qeybgalay Safiirka dowladda Somaaliya u fadhiya wadanka Belgium iyo talyaaniga ahna wakiilka DFS ee midowga yurub Mudane Nur Hassan Hussein ( Nur Cadde), waxa uuna halkaas ka yiri erayo mahadnaq iyo soo dhaweyn isugu jira. Ambassador Nur Cadde waxa uu yiri " Dowladda Somaaliya waa ay soo dhaweyneysaa goáanka taariikhiga ee halkaan lagu gaaray maanta,muddo labaatan sano ka badan ayaan ka maqneyn heshiisyada caalamiga ah , ha yeeshee maanta wixii ka danbeeya dowladda iyo shacabka Somaaliyeed waxa ay heystaa fursad u sahleysa dib u dhiska iyo horumarka wadanka".

Heshiiskaan iskaashiga EU- ACP ee loo yaqaan Cotonou Agreement, waxaa saxixay in ka badan 79 waddan oo wadamada saboolka ee Afrika, Cerribeanka iyo Pacifigga iyo Midowga Yurb. Wadankii ugu danbeeyey ee ka mid noqda waxa uu ahaa South Africa. Dowladda Somaaliya hore ayey uga mid ahaan jirtay heshiiskaan ka hor 1991 oo loo aqoon jiray waagaas LOME Agreement, ha yeeshee sanadkii 2000 loo beddelay Cotonou Agreemnet.

Mahadsanidiin

HESHIISKII COTONOU 2000 Halkan ka eeg http://ec.europa.eu/europeaid/where/acp/overview/cotonou-agreement/

Faafin: SomaliTalk.com | June 8, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;