Hay'ada USAID oo Dawlada Hoose ee Degmada Baargaal iyo Bulshada Deegaanka Ku
wareejisay Dhismayaal Cusub iyo Qalab Xafiisyo
Hay’ada dawlada maraykanka u qaabilsan kaalmada dibadda ee USAID ayaa
maantay Dhismayaal iyo xafiisyo qalabaysan ku wareejisay maamulka
Dawlada Hoose ee Degmada Baargaal iyo Bulshaada Deegaanka kuwaasi oo
ay maal gelisay hay’ada USAID isla markaana ay fulisay hay’ada DAI.
Munaasabad loo sameeyay wareejinta iyo Furitaanka dhismayaasha cusub
iyo Qalabka kala duwan ee xafiisyada oo lagu qabtay xarunta Dhismaha
Cusub ee Dawlada Hoose ayaa waxaa ka soo qayb gaalay Gudoomiyaha
Degmada Baargaal Axmed Maxamuud Yuusuf ( Axmed Guray ) ,Nabadoon Axmed
Salaad C/raxmaan , ururka Hooyooyina , Ururka Dhaliyarada , ganacsato
, Culamaaudiin iyo masuuliyiin ka kala socday hay’adaha DIA, USAID,
iyo marti sharaf kale. Gudoomiyaha Degmada Baargaal Axmed Maxamuud Yuusuf ( Axmed Guray ) oo
munaasabadaasi hadal ka jeediyay ayaa u mahad naqay hay’ada USAID
wax-qabadka kala duwan ee ay soo gaarsiisay Bulshada Deegaanka ,
waxaanu tilmaamay in hay’ada USAID ay tahay hay’adii waxqabadka ugu
badanaa soo gaarsiisa Bulshada Deegaanka Waxaanu intaasi ku daray gudoomiyuhu in hawlahan ay hay’ada USAID ka
wado deegaanka ay wax badan ka caawin doonaan Bulshada Deegaanka
dhinacyada aminiga , waxbarashada iyo caafimaadka maadaama ay
mashaariicdan ay ku jiraan iskuulo , xarumo caafimaad ,xarumo
dawladeed ,Wadooyin , iyo dhismayaal kale oo bulshadu u baahantahay
waxaanu shaqaalaha Dawlada Hoose kula dar-daarmay in ay ilaaliyaan
qalabkan loogu deeqay isla markaana ay sida loogu talo galay uga
faa’iidaystaan.
Waxaa kale oo Isna Kahadlay Munaasabadaas Mudane Axmed siciid Aw Nuur
oo ka socday Hay’ada DIA , Asagoo warbixin Dheer oo ku saabsan
Mashaariicdaas ka jeediyay madasha Mudane Axmed siciid Nuur ayaa intaas ku daray in ay dadaal dheer u
galeen sidii loo fulin lahaa mashaaricdaas , tan iyo markii looga
dhawaaqay shirkii jabuuti ,ayadoo ay soo wajaheen caqabooyin badan
sidii burcadii deegaanka ka jirtay iyo kuwo kale oo badan Waxaa Kale oo madasha lagu soo bandhigay barnaamajyo lagu
wacyigalinaayo dhalinyarada deegaanka oo loogu muujinaayo ahamiyada ay
leedahay aqoonta , anshaxa , iyo dhawritaanka sharciyada iyo
dawladnimada iyo kala danbaynta , loogana digaayo dhibaatooyinka ay
leedahay burcadbadeednimadu , oo halkudhigoodu ahaa “ qoriga dhig ,
qalinka qaado “ Mashaariicda maantay lagu wareejiyay Bulshada Degmada Baargaal ayaa
waxay ka koobnaayeen Dhisme cusub oo loo dhisay Dawlada Hoose iyo
xafiisyadiisii oo si casri ah u qalabaysan , iyo sidoo kale iskuul
sare iyo agabkiisii oo loo dhisay degmada baargaal , mid hoose dhexe
oo loo dhisay qoraxaad iyo dayactir lagu sameeyay wadada Hoosi gaabo Maxamed ibraahim Axmed
Faafin: SomaliTalk.com | June 7, 2013
|