Beer lagu Xanaaneeyo Digaaga oo Markii ugu Horeysey
laga Hirgeliyey Muqdisho (Al-Naciim Poultry Farm)
Anagoo ka kooban Koox Wariyayaal ah ayaa waxaa u Dhaqaaqney si aan u soo eegno
islamarkaana uga Diyaarino War Xarun lagu Xanaaneeyo Digaaga oo lagu Magacaabo
(Al-Naciim Poultry Farm) oo ku Taal Degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho Xaruntaas lagu Kobciyo Digaag si Hilib ahaan loogu Iibiya Dalka ayaa inta aan
gaarin waxaa sii marney Warshad yar oo lagu Farsameeyo Calaf ay Cunaan Digaaga
iyo Weliba Qaboojiyayaasha lagu Keydiyo Hilibka Digaaga iyo Daawaayinka lagula
Tacaalo waxaana halkaas warbixin kaga Dhageysan Dr Maxamed Xasan Buube oo ah
Dhaqtar si aad ah ugu Takhasusey Caafimaadka Digaaga isagoo sheegey in Digaaga
ay Bilaabeen in ay Hilib ahaan u Diyaariyaan uu aad uga Duwan yahay kuwa Dibada
laga keeno mar ay timaado dhinaca Dhadhan, Minaralka iyo Nafada, isagoo sheegey
Midka ay halkaan ku Beereen uu yahay mid lagu heleyo si Deg Deg isaga Cusub
(Fresh).
 
Dr Maxamed Maxamed Xasan Buube waxaa uu sheegey in Digaagaa halkaa lagu
Xanaaneeyo uu yahay mid Hilib ahaan loo isticmaalo oo ah Kan Cad , waxaa kale uu
sheegey in Digaaga uu maro Heerar kala duwan laga soo Bilaabo Warshada
Diirimaadka siineysa oo ah mid Muddo kooban ku Fiiqda Digaag ay u dhan yihiin
wax waliba uuna sii maro meelo kala duwan ilaa laga gaaro in Hilb ahaan loo
isticmaalo.  Beerta Digaaga ee Al-Naciim Waxaa lagu Bilaabey ilaa Shan Kun oo Digaagah taasoo
loogu Talagaley in Dadka Soomaaliyeed ay Hilib ahaan u Cunaan ,waxayna noo
sheegeen Masuuliyiinta Mashruucaas in Dalka Soomaaliya uu yahay Dalalka ugu
Horeeya in Lagu Xanaaneeyo Digaaga waayo waxaa uu sheegeen in Dalka uu leeyahay
Cimilo Wanaagasan oo saamaxeysa in Digaaga uu si wanaagsan ugu Koro uguna Kobco
. Markii aan gaarney Halka Rasmiga ahayd ee lagu Xanaaneeyo Digaagaas ee Degmada
Hilwaa waxaana halkaas aan ugu tagney laba Hool oo aad u waaweyn oo loogu
Talagaley in lagu Xanaaneeyo Digaaga waxaana halkaa kula Kulaney Mudane Diiriye
Maxamed Nuur oo ka mid ah Qurba Joogta Soomaaliyeed oo Dalka u yimid in
Maalgashadaa, wuxuuna si weyn u sioo Bartey Cilmiga Xanaaneynta Digaaga ,waxaana
uu sheegey in Muddo dheer uu Daraasad ku sameeynayey qaabka ugu Haboon ee
Hilibka Digaag looga Ganacsan karo ka dib markii uu arkey in dalka la keeno
Hilib Digaag oo la soo Dhoofiyey wadamo aad uga Fog Soomaaliya kaasoo uu ku baxo
Kharash aad u fara badan . “Waxaan Beertaan lagu Xanaaneeyo Digaaga u sameyney in aan Dadka Soomaaliyeed ka
iibino Hilib Cusub oo (Fresh) si looga maarmo kan Dibada laga keenyo”ayuu yiri
Diiriye oo Intaa raaciyey “ Digaaga aan Xanaaneyno ama halkaan aan ku Beerno
waxaa Kontoroola Dhaqaatiir Dhinaca Digaaga ku Takhasustey kuwaa oo la soconayo
Caafimaadkooda” Al-Naciim Poultry Farm waa Mashuucii ugu Horeeyey ee laga Hirgeliyo Dalka iyadoo
Mashuucaan loogu talagaley in lagu Daboolo Baahida Dhinaca Hilibka Digaaga ee ka
jirta dalka Soomaaliya waxaana la filiyaa in Mashruucaan Digaaga lagu Fidiyo
Guud ahaan Dalka W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | June 7, 2013
|