SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Hay’adda Samafalka ee Humanitarian Africa Relief Organization (HARO) oo Dhar Noocyo kala Duwan u Qaybisey Dad Danyar ah

Hay’adda Samafalka ee Humanitarian Africa Relief Organization (HARO) ayaa Macaawino Dhar Nooco kala duwan ah ka qeybiyay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho waxaana la siiyey dad ku dhaw Kun Qof oo Dad tabaalaysan ah ,waxaana Deeqda Dadkaaa Tabaalaysan gaarsiiyay Xubno ka tirsan Hayadda HARO

Deeqda Dharka ah ayaa la wada Gaarsiiyay Dadkii ay Hayadu Diwaangelisey waxayna dadkii loo qaybiyey Deeqdaas u u Mahadceliyeen Hey’adda HARO ee soo gaarsiisay Deeqdaas Dharka ah,Deeqda la gudoonsiiyay dadkaas ayay u gaartay si isku mid ah ,waxayna isugu jirtay Dharka Dumarka iyo Raggu xirtaan iyo sidoo kale kuwa Caruurta waxaana sidoo kale wehliyay Kabo iyo agabka ay Ciyaalku ku cayaaraan.

Xubnhii ka socdey ama Wakiika ahaa Hay’adda Samafalka ee Humanitarian Africa Relief Organization (HARO) ayaa sheegay in ay ku talo jiraan in sidaan oo kale Dad Dan yar ay gaarsiin doonaan Deeqdaan oo kale Waxay intaa ku dareen Xubnihii ka socdey Hey’adda Samafalka ee Humanitarian Africa Relief Organization (HARO) in ay sii laba jibaari doonaan Howlaha Deeqaha lagu Gaarsiinayo Dadka Dhibaateysan ee ku Nool Guud ahaan dalka Soomaliya .

Hay’adda HARO ayaa ah Hay’adda kheyri ah ayaa inta badan waxay ku Howlan tahay sidii dadka Soomaaliyeed ee Dhibaateysan ay u gaarsiin lahayd Mucaawinaayin kala duwan waxayna horey ugu soo qayb qaadatey Dhibaatooyinkii kala duwana ee ka dhacay Dalka Soomaaliya, waxayna ka mid tahay Hayadaha fara ku tiriska ah ee ka Howlgala Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | June 6, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;