Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ugu baaqday dowladda South Africa
badbaadinta nafta iyo hantida dadka Soomaaliyeed
Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho Kusimaha Xoghayaha Joogtada ah
ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Ambassador Cabdisalaam
Xaaji Axmed Liibaan ayaa waxa uu ugu baaqay dowladda South Afrika inay ka
shaqeyso badbaadada nafta iyo hantida dadka Soomaaliyeed .
Danjire Cabdisalaam , waxa uu xusay in dowladda Soomaaliya ay wafdi u diri
doonto wadankaasi , si wax looga qabto dhibaatooyinka loo geysto Soomaalida .
Shirka Jaraa’id oo ku qabsoomay Xarunta Wasaaradda , ayaa waxa Kusimaha
Xoghayaha Joogtada uu aqriyay war- saxaafadeed-ka Wasaaradda oo ah sida hoos ku
xusan :
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya , waxa ay aad
uga xun tahay dhacdooyinka murugada leh ee lagu dilay , laguna dhaawacay
muwaadiniinteeda, hantidoodana lagu boobay intii ay socdeen rabshado is xig-xiga
oo ka dhacay Magaalooyinka Pretoria,Diepsloot iyo deegaanka Booysens Park oo ka
tirsan Port Elizabeth ee dalka South Africa .
Wasaaraddu , waxa ay ka muujineysaa dareen naxdin leh falka dhagaxa loo
adeegsaday ee lagu silac dilay 29 –kii May muwaadin Soomaaliyeed oo aan waxba
galabsan, goobtiisa ganacsigana lagu boobay , si la mid ah waxaa isla deegaanka
Booysens Park ee Magaalada Port Elizabeth oo dhacdadani argagaxa leh ay ka
dhacday lagu boobay dhammaan rugaha ganacsi ee Soomaalida.
Wasaaraddu , waxa ay dib u
xusuusineysaa shacabka iyo dowladda South Africa taageeradii gumeysi diidka
ahaa,taa badalkeeda aaney maanta fileyn Soomaaliya in dadkeeda lagu gumaado
wadankaasi oo loola bareero dil , kufsi, boob iyo barakicin , waxaan u aragnaa
nasiib darro , qalbigeenuna wuxuu tiiraanyada la wadaagayaa qoysaska iyo
dhibanayaasha Soomaaliyeed , sidaas darteed , Wasaaraddu waxa ay ku dhawaaqeysaa
qodobadan :
1- waxaanu garab taaganahay muwaadiniinteena ku dhibaateysan dalka South Africa.
2- Waxaanu ka codsaneynaa dowladda iyo shacabka South Africa inay is garab-
taagan dadka Soomaalida ah ee wadankooda ku nool , ayna xil iska saaraan
badbaadada naftooda iyo hantidooda.
3- Waxaanu ugu baaqeynaa dowladda South Africa inay gacan bir ah ku qabato
dhammaan dambiilayaasha caadeystay falalka bani’aadanimada ka baxsan ee
fuleynimada leh ,kana dhanka ah dadka Soomaalida ah , ayna horgeyso maxkamad ,
si loogu xukumo ciqaabta dambiga ay galeen.
4- Waxaanu ugu baaqeynaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool South Africa inay
xushmeeyaan sharciyada kala duwan ee ka jira dalka South Afrika.
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
info@mofa.gov.so
Prime Minister calls on South Africa to protect vulnerable Somali community
3 June 2013
Prime Minister calls on South Africa to protect vulnerable Somali community
His Excellency Prime Minister Abdi Farah Shirdon today expressed his concern
for the safety of the Somali community in South Africa.
In a letter to President Zuma, the Prime Minister said:
“I appeal to the Government of the Republic of South Africa as a matter of
urgency to intervene and contain this unnecessary and unfortunate violence
against Somali business communities to preserve peace and stability, thereby
further strengthening and promoting brotherly relations between our two peoples
and governments.”
The Prime Minister also sent his sincere condolences to the families of those
Somalis who were killed or wounded and lost their properties during the recent
violence in Diepsloot, Pretoria and Booysens Park, Port Elizabeth.
“On the other hand, I also call for all the Somalis in South Africa to respect
and adhere rigidly to the local laws and customs, work with the Somali Embassy
in Pretoria, maintain calmness, knowing that my government will vigorously work
with the South African Government to address these recurring problems,” the
Prime Minister said. “Our thoughts are with those Somalis who have suffered at
this time of sadness.”
ENDS
Ahmed Adan
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
Email: media@opm.gov.so
Mobile: +252 (0) 616 440 028
Faafin: SomaliTalk.com | June 3, 2013
|