SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Xafiiskii UNPOS ee Soomaaliya ee Mahiga oo 3-da June isku Bedeleya Howgalka UNSOM ee Nicholas Kay

Iyadoo 2 Bisha June ay ku egtahay Hawshii uu qaban jiray Xafiiskii Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNPOS ayaa la filayaa in Maalinta Berri ah oo bishu tahay 3-da Juun 2013 Xafiiskaas Xafiiskii bedeli lahaa laga furayo Soomaaliya. Xafiiskan Cusub ee UNSOM oo hawshii uu Xafiiskaasi hayay bedelayay ayaa Doorkiisa waxaa loo qaybiiyay illaa Afar Qaybood oo waa weyn.

Xafiiskan ayaa waxaa wax qabadkiisa ka mid ah inuu gacan ka gaysto Abuuridda iyo Kicinta Siyaasadeed ee istaraatiiji lagu heli karo Xasilooni iyo Nabadeyn oo ay ka mid tahay inuu soo abaabulo qaybaha kale ee Qaramada Midoobay iyo Caalamkaba isagoo taageeri doona Ajandaha Nabadda Amniga iyo Dhismaha Qaranka Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Xafiiskan wuxuu Taageero Siyaasdeed siinayaa Dawladda Federaalka iyo hawlgalka Midowga Afrika oo ay ku jiraan Nabadeynta dib u dhiska Dalka Hay’adaha Dawladda Xagga Maamulka.

  

Taariikhda Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya

Hawl galka Xafiiskan ayaa waxaa kaloo ka mid ah sidii diiradda loo saari lahaa arrimaha ay ka midka yihiin dhex dheexadin taageero loo fidiyo dadaalka dib u heshiisiinta dawladda ee mudnaanta leh ee ugu muhiimsan sida is bedel lagu sameeyo laguna dhisayo Hay’adaha Soomaaliya ee Amniga iyo Garsoorka iyagoo la siinayo talooyin Farsamo.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa 29kii Bishii abril ee Sanadkan Nicholas Kay oo u dhashay Boqortooyada ingiriiska oo ah Dibulumaasi Waaya aragnimo u leh Afrika u magacaabay inuu noqdo Ergeygiisa gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa UNSOM kaasoo Hoggaamin doona isku xirka hawlaha Qaramada Midoobay.

Ka sokow Magaalada Muqdisho waxaa Xafiiskan UNSOM laga furayaa Magaalooyinka Baydhaba iyo Hargaysa iyo Garoowe iyadoo Mustqbalkana lagu fidin doono Magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya hadii lahelo Amaan la isku haleyn karo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | June 2, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;