Madaxweynaha Soomaaliya “Ciidamada Kenya Soomaaliya uma Imaan In qabsadaan
ee waxay u yimaadeen in ay Nabad ku soo Dabaalaan”
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo iminka
booqasho ku jooga Magaalada Yokohama ee dalka Jabaan ayaa waxaa uu halkaa kulan
kula qaatay Madaxweyne ku Xigeenka Kiinya William Ruto Labada Mas’uul ayaa ka
wada hadlay Xiriirka labada Dal iyo Mugdiga waayahan dambe soo kala dhex galay
gaar ahaana Arrimaha Gobolada Jubbooyinka oo Ciidamada Kiinyaanka ee halkaa ku
sugan lagu Eedeeyay arrtimo ay ka mid yihiin Xayiraad ay Ciidamada Kiinyaanku ku
rogeen wufuud ka socotay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa Sheegay in CiidamadaKkiinyaanku wax badan ka
qabteen Xaaladda Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka isla markaana Xukuumadda
Soomaaliya ay ogsoon tahay Doorka Ciidamada Kenya ee Sugidda ammaanka
Goboladaas. Madaxweynaha ayaa farta ku fiiqay in Kiinya Ciidamadoodu Naftooda ay
u Hureen sidii Nabad iyo Xasilooni loogu soo Dabbaali lahaa Degaanadii ay ka
saareen Dagaalyahanadii Xarakada Shabaab welina ay u taagan yihiin sidii ay
Soomaaliya cagaheeda isugu taagi lahayd.
Xasan Shiikh ayaa hoosta ka
Xarriiqay in Kenya ay ka bixi doonto Dalka halkaasna aysan u imaan inay qabsato
balse ay jiraan Dad War Xuma Tashiil ah oo Dicaayado ka faafiyay Ciidamada
Kiinyaanka.Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa beeniyay Jiritaanka in Xukuumaddu
Magaalada kismaayo u soo dirtay Ciidamo Hubaysan si Dagaal ay ugu qaadaan
Magaalada KIsmaayo ee halkaa ku sugan arrimahaas oo dhamaantooda ku sheegay been
abuur iyo Dicaayado laga sameynayo arrimaha Magaalada Kismaayo.
William Ruto oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa Madaxweynaha ku raacay in Kiinya
marnaba aysan dooneyn inay qabsato Dhul Soomaali leedahay isla markaana ay ku
shaqaynayso Waqtiga Amisom marka xiligaas la gaarana ay isaga bixi doonaan
Gobolada ay Soomaaliya kaga sugan yihiin sida Magaalada Kismaayo iyo Degaanada
kale ee ay Ciidamadoodu joogaan.
Madaxweyne ku Xigeenka Kiinya ayaa qeexaya sababta dhabta ah ee ay Dalka
Soomaaliya u soo galeen isagoona hoosta ka xarriiqay in ay tahay Nabadgelyodarro
Hareysey labada Dal isagoona farta si gaar ah ugu fiiqay sida uu Dhaqaalaha
Dalkaasi u Wiiqmay tan iyo markii Dagaalyahanada Xarakada Shabaab ay bilaabeen
in Gudaha ay u soo galaan Dalka Kiinya oo ay ka geystaan Falal Amaadaro ah .
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | June 2, 2013
Madaxweynaha Somalia oo la kulmay Madaxweyne Ku xigeenka Kenya iyo wafuud
kale
Yokohama, 01 June 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Xasan Sheekh Maxamud oo ka qeybgalaya shirka TICAD V ee ka socda magaalada
Yokohama ee dalka Japan ayaa waxuu kulamo gooni gooni ah la yeeshey mas’uuliyiin
ay ka mid yihiin Madaxweyne Ku xigeenka Kenya, Madaxa Bankiga Adduunka, Madaxa
UNICEF, iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa maanta magaalada Yokohama ka furmay shirkii caalamiga ahaa ee TICAD kiisa
shanaad oo ay madaxda dalalka Africa uga qeybgalayeen. Shirkan ayaa Dowladda
Japan 5tii sanaba mar u qabata dalalka Africa iyadoo lagu xoojinayo xiriirka
Africa iyo Japan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud
ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Kenya Willaim Ruto oo ay ka
wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha qaxootiga, Kismaayo,
iyo arrimaha amniga. Labada mas’uul ayaa si wanaagsan isagu afgartay dhammaan
arrimihii ay ka wada hadleen iskuna raacay in shir caalami ah lagu qabto Nairobi
oo ay labada dowladood iyo Qaramada Midoobey wada shir guddoominayaan iyadoo
looga hadlayo sidii Soomaalida qaxootiga ku jooga Kenya ay dalkoodii hooyo dib
ugu soo laaban lahaayeen iyadoo Qaramada Midoobey laga sugayo inay qaxootigaas
nolol wanaagsan ugu sameeyaan dalka gudihiisa. Labada mas’uul waxey ka wada
hadleen oo kale arrimaha Kismaayo oo labada Wasiir Arrimo Dibedeed ay Nairobi ku
hareen si ay isula meel dhigaan arrimaha amniga xuduudaha. Labada Wasiir (Fowzia
iyo Amina) ayaa maanta shir jar’aaid ku wada qabtay Nairobi soona bandhigay in
labada dowladood ay isku raaceen in guddi wadajir ah ay ka wada shaqeeyaan sidii
arrimaha amniga xuduudaha xal waara loogu heli lahaa iyo soo xoojinta xiriirka
taariikhiga ah ee labada dal. Waxaana la rajeynayaa in labada madaxweyne ay
dhowaan kulmaan si loo sii ambaqaado kulamadoodi hore ee Addis Ababa iyo
Mombasa.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar a la yeeshay madaxa Bankiga
Aduunka Jim Yong Kim oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen sidii
Bankiga Adduunka uu Soomaaliya uga saacidi lahaa maamulka iyo maareynta
maaliyadda, sidii Somalia deymaha lagu leeyahay looga cafin lahaa si shacabka
Soomaaliyeed ay u helaan mashaariic horumarineed oo uu bankiga Adduunka
hirgeliyo.
Ugu danbeyntii Madaxweynaha Somalia waxuu kulan la qaatay Anthony Lake, Madaxa
UNICEF iyo Erthurin Cousin, oo ah madaxa WFP. Madaxweynahu waxuu kala hadlay
sidii hay’adahaas ay si toos ah ula shaqeyn lahaayeen dowladda iyo qeybaheeda
kala duwan.
- DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson
Office of the President of Somalia
|