Hay’adda Hormuud Telecom Foundation oo Barnaamij Shaqo Abuur ah u Sameysey
qaar ka mid ah Naafada.
Hay’adda Hormuud Telecom Foundation ayaa fulisay Mashruucii ugu Horeeyey kaasoo
shaqo loogu Abuurayo qaar kamid ah Dadka Naafada ah ee ku Nool Dalalka.
Mashruucaan ay fulineyso Hay’ada Hormuud Telecom Foundation ayaa waxaa ka
Faa’iideystay 20 Qofood oo Naafada Garguuratada ah.
Gudoomiyaha Hey’ada C/llaahi Nuur Cusmaan oo ka hadlayay Munaasabadda ayaa
sheegay in Mashruucani yahay kii labaad Muddo Shan Maalmood ah oo ay Hay’adu
jirto, isagoo xusay in Mashruucii ugu horeyay ay ka faa’iideysteen Haween Danyar
oo sidaan oo kale Hay’addu shaqo ugu abuurtay.
Mudane Nuur ayaa dhanka kale
xusay in Hay’addoodu ay Dhawaan Hirgelin doonto Isbitaal cusub (Dialysis Center)
oo Kilyaha loogu sifeyn doono Dadka ay Kelyuhu fariisteen. “Dadka Kelyuhu
fadhiisteen aqbaar wanaagsan ayaan u heynaa waxaan u keenay qalab lagu sifeeyo
si lacag la’aan ayaana ugu adeegi doona maadaama Hormuud Telecom Foundation u
taagan tahay inay wax ka qabato hadba Baahiyaha Bulshada wixii Karaankeeda ah”
ayuu yiri C/llaahi Nuur Cusmaan oo intaa ku darey “Qof kasta oo isticmaala
isgaarsiinta Hormuud wuxuu qeyb ka yahay Caawimaada dadka tabaaleysan”.
Munaasbadaan Shaqooyinka loogu Abuurayey Dadka Naafada ah ayaa waxaa ka soo qayb
galey Qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka , Isbitaalada gaarka loo leeyahay ,
Hayadaha Gargaarka , waxgarad , Culimaudiin iyo marti Sharaf kala duwan ,
waxayna ka qayb galayaasha Munasbadaas ay si aad ah ugu Mahadceliyeen Hayadda
Hormuud Telecom Foundation oo iyadu ah mida dadkaas shaqada loo Abuurayo ka
Saacideysa Dhinaca Dhaqaalaha ,Iyadoo Hayadaan ay noqotey hayadii ugu horeysey
ee wax u qabat dadka ay saameyeen Dhibaataooyinka kala duwan ee Dalka soo marey.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2013
|