SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

God Sireed Ha Qodin, Haddii aad Qodidna Ha Dheereynin?!!

EX. XILDHIBAANE SHIIKH SAHID MOHAMED YUSUF

Mareykanka, gobolka VA.

sahidyusuf@yahoo.com

HORUDHAC:

Madaxweynihii hore ee soomaaliya Mudane Sh Shariif Sh Ahmed wuxuu ahaa Madxweyne Soomaaliya oo dhiiqo dhex taal ka soo baxshay,Anigoo ka mid ahaa kooxdiisii Ururka Isbahaysiga Dibixoreynta Soomaaliyeed ayaan Soomaaliya ka badbaadinay in ay noqoto maxmiyad Dalka Ethiopia , markii aan qaadanay Heshiiskii july 2008 ee Djabouti ka dhacay ee qoraayey in faragalinta Ethiopia dhamaato , dawladdii jirtayna la badelo.

Kadib waxaa bilowday Dagaalkii AL-qaacidda oo ay shabaab hogaamineysay, taas uu Madaxweyne Sh. Shariif Geesino iyo mitidnimo muujiyey kana guuleystay.

Kadib waxaa dhacay is qabqabsigii siyaasadda iyo sidii looga bixi lahaa Kumeelgaarka ,walow aanan waqtigaas Dawladda ka tirsaneyn, haddana waxaan arkaa in dhiiqo kale laga soo baxay oo Soomaaliya la soo badbaadshay ayadoo waliba lala qabo Dulqaadnimadii uu muujiyey Madaxweyne Sh Shariif iyo Heshiisyadii ka dhacay Puntland . ( Garoowe 1 & Garoowe 2 ) .

Kadibna waxaa lagu guuleystay in Road map kii la soo afmeero oo Doorasho ka dhacdo Magaallada Muqdisho oo Dastuur lagu ansaxiyo , Baarlamaan iyo Madaxweynana la doorto.

Madaxweyne Sh Shariif waxayaabahaas oo dhanba waa lagu xasuusan karaa in uu Soomaaliya dhiiqo ka soo baxshay oo laami cagta u soo saaray.

Maxaa ka danbeeyey Akhristoow maxay keeneyn Kooxda Damul Jadiid iyo Madaxweyne Xasan ???? Runtii waxaan u arkaa in ay muddadii koobneyd ee 8 bilood aheyd in ay Soomaaliya dib ugu cesheen, sansaantii Colaadeed ee 1991.

Waxay Dhimiyeen ama damqeen Boogtii bogsaneysay, waxay soo cesheen Qabyaalad lagu kala tago, waxay abuureen is maandhaaf maalinba maalinta ka danbeysa isa soo taraaya.

Bal Akhristoow annagu waxaan is laheyn Arrimaha Jubbooyinka ayaa ugu adag oo dawladaan burburkeeda soo dhaweyneysa ??? .

Se waxay ka faruurantay meel aysan ka fileynin Mudane Xasan iyo Damul jadiid ????? فَأَتَاهُمُ اللَّهُ مِنْ حَيْثُ لَمْ يَحْتَسِبُوا wuxuu Allah uga yimid meel aysan iska fileynin ???? WAA BAAQII BEESHA XAWAADLE EE HIIRAAN shalay ka soo yeeray in ay Dawladda kalsoonida kala noqdeen ????

sidoo kalee kii maanta ka soo yeeray beesha Gaal jecel weyn ee ayagu kalsoonidii kala noqday Dawladda xasan Culusoow.

Akhristoow arrinka jubbooyinka waxaa ka sii daran Gobollada Dhexe ilaa banaadir sida ay isku raaci lahaayeen ama loogu Heshiin lahaa ???? Maxaa ku ogeysiiyey Gobolka Shabeellada Hoose oo muddo 23 sano ah tacadiyo iyo dhul balaarsi laga waday, haatanna wali la rabo in ay sii haystaan kuwii xoogga ku qabsaday oo loo xalaaleeyo.

Maxaa u ogeysiiyey waxa a socda Bay & Bakool oo ah ayaduna miino duugan oo kaliya sugeysa waxa ka soo baxa Jubbaland ????

Arrimaha Federaalka fari kama qodna ???? Dawladdaan waxaa la rabay in ay arrimahaas sharciyo iyo khubaro ( techno garaphic) ah ay u bixiso si loo dajiyo Sharciyo Caddalad ku dhisan iyo waaltinimo iyo i sii aan ku siiyo ku dhisan ??? Dulqaad iyo wada tashi ???? una maleyn maayo in Dawladda aan arkay ay hor boodayaan rag aan wali da'dii 50 aad aysan u buuxsanmin in ay naga saari karayaan marxaladaan aan galnay ee Federaalka ah ????

Madxweyne Xasan waxaa uu is yiri Jubbboyinka cabudhi inta kale ha ku quusatee ??? se wuxuu hilmaamay Oraahdii Allaah ka yeersiiyey : ( Hiiraan wiil aad dhasheen oo taqaanaan keensada ??? Jubbaland na annagaa u soo dhiseyna Maamul ku meel gaar ah ??? فَأَتَاهُمُ اللَّهُ مِنْ حَيْثُ لَمْ يَحْتَسِبُوا Allaah baa arrinkii Hiiraan iyo Bay & bakool fashiliyey ???? wuxuu ka soo galay Guriga irridiisa danbe se waa ku bariiqday.

Maxaa ka dhacay Bay & bakool maalin cad baa si gardaro ah sow looma cunin Maamulkii Geeseey oo walioba qaab aad u xun oo loo maray Guddoomiyaha Baarlamaanka jawaari???? se maxaa ka dhacay wali fari kama qodna Magaallada baydhabo boogtii waa dhiimoosaa ??? Boogtii waa caabuqday ??? maalmo ka hor ma maqleyseen Maamulihii magaallada Bardaale oo Al-shabaab isku dhiibay ??? Magaallada Xudur ooy Al-shabaab la wareegeen ???? Fari kama qodna qorshayaalka damull jadiid ????.

Bay iyo bakool iyo hiiraan xaalkoodu wuxuu ahaa aan ku soo dabno maamul u sameyntooda Jubbooyinka, oo aan baajino dawlad goboleedka jubbaland ??? se waxaa ka soo baxay maamulkii jubbooyinka oo istaagay iyo gobolladii kale oo burburaaya ???? .

Bal ila dhageeysta haddaladaan :

( Haddan nahay beesha xawaadle kalsoonidii waan kala noqonay dawladda ciidamadeeniina waxay noqonayaan maanta laga bilaabo ciidamo beeleed ??? Wasiirka arrimaha gudahana wuxuu gashtay shaar qabiileed oo wuu siibay shaarkii Dawladnimo ) .

Sidoo kale beesha gaal jecel weyn baa ayaduna maanta kala noqotay kalsoonidii dawllada soomaaliyeed ee uu Hogaamiyo xasan culusoow garguurte !!!!

Hadaladaassi waxay ahaayeen kuwa xoog badan oo ah xaqii oo feerta ka dilaacay ?????.

Waa Maahmaahdii labadii xaq daro ku heshiisa xaqey isku dagaalaan ???.

Sheekadaan waxay i soo xasuusisay maahmaah uu sameeyey Malcolm X 1963, xilligii midab kala sooca Mareykanka :

WUXUU YIRI MALCOLM X GEESIGII WEYNAA EE MAREYKANKA MADOW AHAA :

"If you stick a knife in my back nine inches and pull it out six inches, that's not progress. If you pull it all the way out, that's not progress. The progress comes from healing the wound that the blow made. They haven't even begun to pull the knife out. They won't even admit the knife is there.!!!!!.

Wuxuu yiri malcolm X : ( Haddii middi lagu dhex dhigo 9 inch ah oo lix inch lagaa soo saaro ??? waxba laguuma sameeynin xataa haddii lagaa soo wada saaro oo aan laga shaqeynin in la bogsiiyo boogtii ,waxba laguuma qabanin???? Xataa ma aysan bilaabin in ay midda kaa soo saaran ???? xataa ma aqoonsano in middi ku dhex taalo !!!!.

Haddaladaan waxaa la mid ah ( CHICKENS COMING HOME TO ROOST) !!!! UU YIRI GEESIGII WEYNAA EE MALCOLM X : ( DOOROOYINKU GURIGEEY IMANAYAN SI LOO SHIILO ) !!!! .

Waxaa hadalladaas la mid ah dawllada Xasan culusoow ooy kalsoonidii kala noqonayaan Beelaha degga gobolka Hiiraan , shalay waxaa kala noqday Beesha Xawaadle madaxweynaha Abtiyaashiis , Maantana waxaa kala noqotay Beesha gaal jecel Weyn !!!!.

Soto iskaalo ha loo soo daadago " CHICKENS COMING HOME TO ROOST "

Xasan culusoow in uu dhibaato ka geystay jubbaland ma aqoonsana ??? marka aad baan ugu faraxsanahay in Doorooyinka gobolka hiiraan ay mid mid ugu soo daataan meeshii lagu Shiilaayey !!!!!!

Maqaalkayga waxaan ku soo gabagabeynayaa maahmaahdii Soomaaliyeed ee oraneysay:

( GOD SIREED HA QODIN ,HADDII AAD QODIDNA HA DHEEREYNIN , KU DHICIMEYSAA MA OGIDE ) !!!!! AMA GOD WALLAALEED HA QODIN BAY AHEYD ???!!!.

MAHADSANIDIIN.

EX. XILDHIBAANE SHIIKH SAHID MOHAMED YUSUF
Mareykanka, gobolka VA.
sahidyusuf@yahoo.com

http://somalitalk.com/tag/saahid/

Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;