Uqeybsanaha Dhanka Waxbarashada, Hidaha iyo Dhaqanka Safaaradda Soomaalida
Dalka Sudan oo kulan la qaatay Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka Dalka Sudan.
Uqeybsanaha Dhanka Waxbarashada, Hidaha iyo Dhaqanka Safaaradda Soomaaliya ee
Dalka Suudaan Mudane C/qaadir Maxamuud Cali Guulane ayaa shalayto kulan la
qaatay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dhaqanka Suudaan, iyagoo
kawada hadlay Xiriirka labada Wasaaradood gaar ahaan Hidaha iyo Dhaqanka.
Ugu horeyn C/qaadir Guulane
ayaa Wasiirka Warfaafinta Sudan uga warbixiyay Xaaladda Soomaaliya ay iminka ku
sugan tahay, iyo Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada gaar ahaan qeybta
Tacliinta iyo Hidaha iyo Dhaqanka, waxa uuna sheegay in Horumar badan laga
gaaray dhanka soo celinta Hidde iyo Dhaqankii ay Soomaalida lahaan jirtay.
Guulane ayaa mahad ballaaran aan lasoo koobi Karin ujeediyay Dowladda Sudan oo
ay dhan waliba Soomaalida ka caabisay, hadii ay noqon laheyd Dhanka
waxbarashada, Tababarista Ciidamada iyo intaasi inkabadan oo aan lasoo koobi
karin.
Sidoo kale Uqeybsanaha Dhanka Waxbarashada, Hidaha iyo Dhaqanka Safaaradda
Soomaaliya ee Dalka Suudaan Mudane C/qaadir Maxamed Cali Guulane ayaa ka
Codsaday Wasiirka Warfaafinta Sudan in dib loosoo celiyo Hidaha iyo Dhaqankii ka
dhaxeyn jiray Labada Wadan oo ahaa isdhaafsiga Fannnaaniita, isagoo tusaale
ahaan u soo qaatay Hobolada Waaberi oo dhowr mar booqasho ku yimaadeen dalka
sudan, iyadoo lagu Xasuusto Heesihii ama Barnaamijkii loogu magac daray Dunyaa
Dabanga.
Wasiirka Warfaafinta Dalka Suudaan Axmed Bilaal Cusmaan ayaa isagana dhankiisa
Xusay in Soomaaliya iyo Suudaan dhaqan Dhan walbo ah ay lahaayeen Sidii Dhici
Jirtay Sideetameeyadii Xiligaas oo Fanaaniin Waa wayn oo Soomaaliyeed Sudan
yimaadeen sida Xaliimo Khaliif Magool, Axmed Rabsho, Axmed Naaji Sacad iyo
fanaaniin kale oo waaweyn sida uu wasiirka sheegay.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay Diyaar u yihiin Mar walba in lasoo celiyo
Dhaqanki iyo Fankii Soomaaliya iyo Suudaan ay isdhaafsan jireen ayna door
bidayaan in fanaaniintii waa wayneed ee Soomaaliyeed Suudaan ay yimaadaan.
Ugu danbayntii kulankaan ayaa kusoo dhamaaday is afgarad iyo jawi dagan.
C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab)
cmc_vip@hotmail.com
Khartuum - Suudaan
Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2013
|