SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Naagtaada mar dambe ha iiga soo dacwoon!

Oday abwaan ah oo indheer garad ah ayuu ahaa. Inantisii ayuu wiil u guuriyey. Marka hore baahi ayaa la isu qabaa, mid walbana kan kale malag ayuu u haystaa, hoosna la isuma oga. Tan kale mar haddii aroos dhoco oo la aqalgalo jannadii aakhiro in la galay oo dhib adduun intaas ku dhamaatay ayay dhalinyaradu uqabaan.

Say doonta ha ahaatee miyigii la isku guursaday ayaa muddo la isku qabay, ka dibna meeshu waa adduun, carrab iyo ilkaa isugu dhow iyaguna waa is qaniinaane waa la is qoonsaday, dhalinyarada badankeeduna ma dareensana inantaan inuu xilkeedii si buuxda ula soo wareegay oo dhib iyo dheefba ay labadoodu is huranyihiin. Wuxuu rabaa inuu wixii fiicnaan ahna ka nuugo, wixii dhib ahna reerihii usoo koriyey markiiba kula ordo.

Ka dib odaygii soddoga ahaa ayuu u ergooday. Odaygii maandhow orod oo reerkaaga dhaqo ayuu ku yiri. Muddo ka dib buu ergo kale kula soo laabtay odaygii, isna wuxuu ku yiri labadiina kaliya ii imaada. Aqalkii ayaaa seddexdoodi ku cidlaysteen.

Meeshu waa miyi dhar qumana ma jiro. gabadhu waa inay mar uub qabto. Odaygii gabadhiisii ayuu ku yiri aabbe marada aad qabtid iisoo fur!. Waxay tiri: aabbe maro kale ma qabo. Wuxuu yiri: yeelkaaye ii soo fur. Gabadhii way fakartay: aabbe amarkiisa lama diidi karo, hortiisana la iskuma qaawin karo!.

Intay kacday oo ninkeedii dhinaca shishe kaga gabbatayy ayay maradii soo furtay oo usoo taagtay aabbeheed!. Odaygii wiilkii ayuu ku jeestay oo wuxuu ku yiri: waryaa ma aragtaa?. Orod oo naagtaada mar dambe ha iiga soo dacwoon.

Gabagabadii dhalinyaro gabdhaha la idiin guuriyey eega sida ay dad oo dhan idiinka xigsanayaan oo xataa iyaga oo idiin xanaaqsan ay idiinku gabbanayaan, idinkuna isku daya inaad sidaas oo kale usoo dhaweysataan xaalad walba. Tan kale rag gob ah iska dhiga oo ka xishooda inaad gabdhaha markay idiin godlanyihiina maashaan markay idinka gaagaxaana reerihii idin siiyey kula orodaan.

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;