Dr.Jamaal Barrow “waxa aanu ka codsaneynaa baarlamaanka inuu ansixiyo
Sharciga Shaqada arrimaha dibadda”.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.
Jamaal Maxamed Barrow ayaa maanta ka hor akhriyay Xubnaha golaha baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya Sharciga shaqada Arrimaha dibadda ( Foreign Service Low) ,
kaasoo Wasaaraddu ay diyaarisay , kuna dooneyso dib u yagleelidda hab raac
diblomaasiyadeed oo xilliyeynaya xilalka diblomaasiyadda iyo habka shaqo iyo
shaqaale ee Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha Soomaaliya ee dibadda .
Dr. Jamaal Barrow ayaa waxa uu yiri “ waxaan ka codsaneynaa Xubnaha sharafta leh
ee Baarlamaanka inay ansixiyaan sharcigan oo suuragelin doono dib u habeynta
Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha , kalana hagi doono shaqooyinka howlwadeenada kala
duwan ee dibadda, suuragelin doonana in xilalka diblomaasiyadeed loo magacaabo
dad xirfadda yaqaana, una tababaran , si loo raad-raaco balan-qaadyada iyo
heshiisyada ay la saxiixato dowladdeena dowladaha iyo ururada kale , waxa ayna
taasi horseedi doontaa in sare uu u kaco sumcadda muwaadinka Soomaaliyeed “.
Wasiir kuxigeenka waxa kale uu
sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo lixdii bilood
ee ugu dambeysay guulo wax ku ool ah ka gaartay hanaanka siyaasadda dibadda , ay
ka rajeyneyso baalamaanka inuu ansixiyo sharcigan oo sidoo kale suuragelin doona
in qarashaadka lacageed ee ay soo xareeyaan Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha ay la
wareegto Wasaaradda Maaliyadda , taasoo qeyb ka noqon doonta daqliga qaranka ee
lagu jaan-gooyo miizaaniyadda .
Xildhibaanada baarlamaanka oo fadhigooda maanta uu shirgudoominayay gudoomiye
kuxigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxa ay su’aalo kala duwan
weydiiyeen Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga
Caalamiga oo isna si saraaxad leh uga wada jawaabay , iyadoo hoolka kulanka ay
dhinac ka fadhiyeen Sharciyaqaano Wasaaradda ka tirsan.
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
info@mofa.gov.so
Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2013
|