SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Cabdiqaasin Salaad Xasan oo Markii u Horeeyay ka Hadlay Xaaladda ka taagan Magaalada Kismaayo ee Jubada Hoose

Madaxweynihii hore ee Somaliya cabdiqaasin Salaad Xasan oo iminka ku sugan magaalada Qaahira ee Waddanka Masar oo waraysi siiyay Idaacadda VOAda laanteeda Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid tahay Xaaladda Gobolada Jubbooyinka.

Ugu horeynba Cabdiqaasim ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu yeeray in ay Xukuumadda Soomaaliya ay taageeraan isla markaana ay la shaqeeyaan maadaama Dawladani aysan ahayn ku meel gaar isla markaana ay ku socoto hanaanka dib u Heshiisiinta iyo dib u Dhiska Dalka.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in haatan uu dhamaaday xiligii ku meel gaarka oo ay soo bilowdey Dawladdii uu isaga Madaxweynaha ka ahaa illaa laga soo gaaray Dawladdan Maanta uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh Maxamuud.

Cabdiqaasim ayaa ka hadlay faragelinta Ciidamada shisheeye ee Dalka isagoona sheegay in marnaba faragelin shisheeye aysan soo kordhinayn wax wanaag ah loo baahan yahay in Soomaalidu ay arrimaheeda iyadu ka arrinsato wixii khilaafaad ah ee jirana lagu dhameeyo wada hadal.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday Xarakada Shabaab oo uu sheegay in ay yihiin dad Soomaali ah loona baahan yahay in ay qaataan heshiiska Nabadda kana soo laabtaan Dagaalka ay dalka ka hurinayaan.

Mar wax laga weydiiyay arrimaha Jubbland ayuu Cabdiqaasim sheegay in Jubada Hoose ay tahay Dhul Soomaaliyeed kan jooga Hargeysa, Baydhabo, Mudug iyo meel walba oo Soomaali ah in ay wax ku leeyihiin Goboladaas laakiinse uu taageersan yahay in Maamul Goboleedyada loo Madax baneeyo in ay samaystaan dadka Degaanadaas u dhashay ama deggan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa taageeray Maamul ay yeeshaan Gobolada dalka oo dhan gaar ahaana maamulka jubbaland ay ku dhisteen maamulkooda.Ugu dambayntii ayuu Cabdiqaasin Xukuumadda Federaalka u soo jeediyay in Maamulka Jubba land lagu taageero sidii uu u dhismi lahaa isla markaana uga mid ahaan lahaa maamul Goboleedyada kale ee Dalka ka jira.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;