Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud oo ku Baaqay Dar Dargelinta Xeerka
Saxaafadda Soomaaliya.
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Kulan
kula qaatay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho qaybaha kala duwan ee
Warbaahinta ee ka Howlgasha dalka waxaana Kulankaas soo qaban qaabiyey Qaybta
Warbaahinta ee Madaxtooyada Dowladda Federaalka

Madaxweynaha oo halkaa ka hadlay
ayaa ugu horeynba soo dhaweeyay Saxafiyiintii uu halka kula kulmay isagoona u
ballan qaaday inuu Dhageysan doono Fikradahooda ku aadan sidii loo Dhaqangelin
lahaa Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed oo dhawaanta ay soo gudbisey Wasaaradda
Warfaafinta , Golaha Wasiiradan ay Ansaxiyeen.
Xasan Shiikh ayaa ku dheeraaday Xeer la’aan iyo Nidaam la’aan muddo dheer
lagu jiro in aya ka wanaagsan tahay in la yeesho Xeer wax kala haga loogana baxo
sharcila’aanta manta dalka ka jirta ee dhinaca saxaafadda.
Madaxweynaha ayaa ku booriyay Saxafiyiintii halkaa isugu timid in ay dadajiyaan
Xeerka Saxaafadda isagoona hoosta ka xarriiqay in Xeer la’aan aan la shaqayn
Karin Xeerkuna uu yahay mid ay leeyihiin Saxafiyiinta Soomaaliyeed xuquuqdooda
Cayimaya.
Madaxweyen Xasan Shiikh ayaa farta ku fiiqay in Xeerku uusan wada wanaagsanaan
Karin isla markaana ay dhici karaan Qodobo haatan wanaagsan balse wuxuu xusay in
mar walba lagu salaynayo Wadciga iyo Duruufaha Dalka ka jira.
Kulankii shalay gelinkii dambe uu Madaxweynuhu la qaatay qaybaha kala duwan ee
Warbaahinta Dalka ayaa ahaa kii Labaad oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ,
waxaana ka horeeyey Kulan uu Raisul Wasaaraha uu la qaatey Qaybaha kala duwan ee
Warbaahinta kaasoo looga doodey Xeerka Saxaafadda
Si kastaba dhawaan ayaa la filayaa in Xeerka Saxaafadda marka la Turxaan bixiyo
in loo gudbiyo Baarlamaanka Soomaaliya si ay iyaguna u ansixiyaan ka dib waxaa
uu Xeerkaas uu Dhaqan galayaa marka uu uu Madaxweynaha uu saxiixo.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2013
|