Hayadda HARO oo Degmada Wadajir ka Qaybisey Deeq ay soo Dhiibeen Walaalaha
Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika
Hayadda Humanitarian Afrikan Relief Organization (HARO) oo inta badan Gacansiisa
Dadka tabaaleysan ayaa waxaa Horaantii Bisha Ramadaan Ka bilowdey qaar ka mid ah
Gobolada Soomaaliya Mashruuc ay ugu Magacdartey Afurinta Dadka Masaakiinta ah ee
aan heli Karin wax ay ku afuraan , wuxuuna ahaa Mashuuraacan mid ay horey ay
Hayadda u sameyn jirtey marka la gaaro Bisha Ramadaan.
Iyadoo ka Duuleysa Hayadda HARO Aragtidaas ay hore u qaadatay waxay Mashuucaas
ka fulisey Bisha Ramadaan qaybo ka mid Magaalada Muqdisho waxay DegmadaWadajir
ee oo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ka qaybisey Raashin noocoyo kala
duwan kuwaas oo isugu jirey Bur , Bariis , Sonkor , Saliid iyo Timir , waxaana
Mashuurcaas ka faaideystey Qoysas aad u fara badan kuwaas oo ku jira Xerooyin
Barakacayaal ah oo ku yaal Magaalada Muqdisho .
Intii ay socotey Qaybinta Deeqadaas Gargaarka ah ayaa waxaa Kormeerayey Xubno ka
socdey Hayadda HARO kuwaa oo u kuurgalayey sida loo qaybinayo Deeqdaas , sidoo
kale waxay eegayeen in Deeqadaas ay gaartey dadkii loogu talagaley ee aadka u
tabaaleysnaa kuwas oo laga soo ururiyey Xerooyin Barakacayaal ah oo ku yaal
Degamada Wadajir

Masuuliyiin ka tirsan Hayada oo Saxaafada ku la hadlayey halkii laga qaybinayey
Deeqdaas ayaa waxay sheegeen in Deeqdaas ay ka timid Walaalaha Muslimiinta ee
Soomaalida ah kuna Nool Waqooyiga Ameerika kuwaas ay sheegeen in ay ugu
Talagaleen in dadka Soomaaliyeed ay ku Afuraan inta lagu Guda jiro Bisha
Barakeysan ee Ramadaan , sidoo kale waxay sheegeen in aysan Deeqadaan ahayn
Deeqdii ugu horeysey ee ka timid Walaalaha Maslimiinta Soomaaliyeed ee Waqooyiga
Ameerika.
Dadkii loo qaybiyey Deeqdaas ayaa waxay ugu Mahadceliyeen Walaalahooda
Soomaaliyeed ee ku Nool Waqooyiga Ameerika waxayna kula dardaarmeen in ay halkaa
ka sii wadaan gacantii iyo Caawinaada ay siinayaan Walaalhooda Soomaaliyeed ee
ay isug Darsameen Colaadaha, Abaaraha iyo Cudurada waxayna Deeqdaas Qaybinteeda
ku Dhamaantey Sidii loogu talagalely.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | July 28, 2013
|