Siyaasiga Jaamac Maxamed Qaalib oo Iska Fogeeyay Eedeymo ay u soo
Jeediyeen Guddiga Daba Galka Cuna Qabataynta Hubka Somaliya iyo Eritireeya
General Jaamac Maxamed Qaalib oo mar soo noqday Taliyihii Ciidanka Boliiska
Soomaaliyeed Xiligii Xukuumaddii Dhexe ee Milateriga ahayd ayaa markii u
horeeyay wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo la xirira Xaalada Soomaaliya mar
uu la hadlayey Idaacadda Afka Soomaaliga ee BBC-da
Mr Qaalib
ayaa ugu horeynba ka hadlay Eedeyntii Guddiga Qaramada Midoobay u xil saaran
daba galka arrimaha Hubka Dawladaha Somaliya ee Eritireeya ay ku eedeeyeen inuu
Ajente u yahay Xukuumadda EretirIya isagoona sheegay inuusan ajenta oo micnaha
loola jeedo Basaas Eritireeya inuusan isagu ahayn Ajente Ereteriya, arrintaasna
ujeedada ka dambaysa ay tahay in cidii ka soo hor jeedda Dawladda Itoobiya loo
arko in Xiriir ay la leedahay Dawladda Ereteriya oo caalamku siyaalo kale u arko.
Jaamac Maxamed Qaalib ayaa qiray inuu Ereteriya muddo dheer uu joogay hase
yeeshee joogistiisa Ereteriya oo Safaaradaha Dalalka Xubnaha ka ah Golaha
ammaanka ay joogaan in aan isaga si gaar ah loogu arag inuu Xiriir gaar ah kala
dhaxeeyo.
Mar wax laga weydiiyay qaalib Ururkii uu ka tirsanaa ee Xisbul Islaam ayuu
sheegay inuu kala jabay oo labo u qaybsamay iyadoo Garab ka mid ahna uu ku
biiray Xarakada Shabaab taasoo sooba af jartay jiritaankii Xisbul Islaam Gen.
Jaamac Maxamed Qaalib ayaa intaa ku daray in Ereteriya xiligii ARSta ay aad u
soo dhaweeyeen halkaasna ay u ahayd Saldhig haatanse uu isaga tegay arrimahan ay
ku eedeynayaana Guddigaasi ay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin.
Mar la weeydiiyay Siyaasigan tegistii uu dhawaan tegay Magaalada Hargaysa iyo
Cafiskii uu u fidiyay Madaxweyne Siilaanyo ayuu sheegay inay taasi sax tahay
Hargaysana uu dhawaan tegay balse uusan Cafis weediisan Madaxweyne Siilaanyo
hase yeeshee uu qaatay Cafiskii uu u fidiyay Madaxweynaha Somaaliland.
Ugu dambayntiina Siyaasiga Jaamac Maxamed Qaalib ayaa mar la weydiiyay
Joogistiisa iminka Magaalada Muqdisha iyo Aqoonsigiisa Maamulka Somaliland ayuu
wuxuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in Muqdisha ay tahay Magaalo Soomaaliyeed
cid ka celin kartana aysan jirin arrinta Gooni isu taagga SoomaaliLandna uusan
haatan diyaar u ahayn inuu Siyaasad ahaan ka hadlo.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | July 28, 2013
|