SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

DHAQ-DHAQAAQA ISBEDDEL-DOONKA DAL-UDUG

DHAMBAALKII 1-aad

Sida uu u bukoodo qofka aadamiga ah ayaa bulshaduna ay u bukootaa. Qofka xanuunsan wuxuu doontaa daawo uu ku caafimaado, isaga oo ka beeg qaadanaya hadba inta uu taakta cudurku yahay. Haddii kale wuxuu og-yahay in xanuunku uu ku sii kordhayo, dabadeed ama uu u dhimanayo ama uu howl-gab u noqonayo. Waxaa sidaas lamid ah bulshada xanuunsan oo haddii ayan caafimaad doonan loo yaabaa in ay ama baaba´do ama howl-gab noqoto oo dalkeedii, iyada oo taagan la garab-meersho.

Cudurrada dadka ku dhaca waxay u qeybsamaan kuwo ku dhaca xubnaha jirka (Somatic Diseases) iyo kuwo ku dhaca maskaxda oo ah buufis (Psychiatric Diseases). Bulshaduna waxaa ku dhaca labadaas jaad oo cudurro ah oo marna cudurro (epidemic iyo pandemic) baahsan iyo colaado ayaa wiiqa tabarteeda, marna cudurro buufis kala duwan ah oo qabyaaladda iyo fadhi ku-dirirka ay kamid yihiin ayaa jaha-wareer ku rida. Waxaa jira xanuun kamid ah kuwa buufiska ah oo lagu magacaabo (Schizophrenia), kaas oo ku dhaca dadka. Calaamadihiisa waaweyn ee lagu garto waxaa kamid ah isku dhex-yaac xagga hadalka iyo xagga fekerka (disorganized speech and thinking). Sababtu waxay tahay, qofka xanuunsan cimiladii nolosha ayaa cabsi badan ku heysa (persecutory in nature).

Qofka xanuunkaas qaba, ayaa wal-walka uu cudurku ku hayo dartiis wuxuu la doontaa cimilo caalam khayaal ah oo uu ku caafiyo naftiisa. Sidaa darteed wuxuu noqdaa qof buufiskiisa kula nool caalam kale oo ka dheer kuu ku nool yahay ee dhabta ah, laakiin isaga waa uu ku caafimaad qabaa. Qofkaasi wuxuu noqdaa mid ka fog xaqiiqada nolosha dhabta ah ee uu ku sugan yahay. Cudurrada buufiska ah ee ceynkaas ah, bulshooyinka waa ku dhacaan. Laakiin wuxuu si xooggan u muuqdaa, markii uu cudurku galo hoggaankii laga doonayey in uu bulshada daweeyo. Calaamadaha hoggaanka xanuusan waxaa kamid ah hadallada is-khilaafsan oo heer go´aan-dowladeed ah, kuwaas oo ayaamo gudahood ka soo baxa xubnaha ugu sareeya maamulka.

Maalmihii la soo dhaafey, muddo toddobaad gudihiis ah ayaa maamulka Puntland waxaa si rasmi ah uga soo yeerey hadallo aanan hir-gelinteeda ku raagin waaqica nololeed. Waayo mudda gaaban dabadeed waxaa ka daba-yimid hadallo kale oo iyaguna rasmi ah, kuwaas oo lagu burinayo kuwii hore. Maamulka waxaa ka soo yeerey khabar rasmi ah in degaanka ay doorasho ka dheceyso. Isla-maamulkii ayaa khabar kale soo saarey uu ku joojiyey arinkii. Waxay si rasmi ah u yiraahdeen xoog baanu ku qabaneynaa doorashada, misana waxay yiraahdeen dhiiggii daatey eed kuma lihin. Waxay si rasmi ah u yiraahdeen shir issimo laguma qaban karo Puntland, misana waxay leeyihiin Garoowe ayaanu ku marti-qaadeynaa shirka issimada ee Qardho ha laga soo duwo. Waxay si rasmi ah u sheegeen in qabaa´ilka ay u fasaxeen xubnihii barlamaanka ee 66-ka wakiil ahaa in ay soo doortaan, misana lacago badan oo laaluush ah waxay ku bixinayaa sidii ay u soo celin lahaayeen xubnaha barlamaankii hore. Waxay si rasmi ah u codsadeen in barlamaanka la shiriyo oo laga doodo magacaabidda guddiga khilaafaadka. Misana shirkii oo socda ayaa taleefan la soo direy oo la amrey in la joojiyey qodobkii laga doodayey.

Go´aamadaas iska daba yimid oo midba uu midka kale burinayo, waxay si rasmi ah uga soo baxayaan masuuliinta xilka haya kuwooda ugu sareeya. Arinkaasi wuxuu ishaaro u yahay xanuunka buufiska ah ee ku sii kordhaya mu´asasaddii maamulkii. Sida nolosha lagu bartey cidda xanuunsan waxay u baahan tahay daryeel iyo kalgacal xigaalo. Laakiin waa haddii cidda xanuunsan ay qirsan tahay xanuunka, oggoshahayna in la daweeyo. Isla-markaas xigaaladuna ay yihiin kuwo u danqanaya oo diyaar u ah in ay cod iyo cudud mideysan ugu gargaaraan cidda dhaawacan. Isbeddelka aanu dooneynaa wuxuu yahay in Puntland ay yeelato mu´asasad caafimaad qabta, go´aamadeeduna yihiin kuwo dadku ka tashadeen, inta rogrogeen ay ka fiirsadeen. Dabadeedna la meel-mariyo iyada oo raali laga wada-yahay.

  • Xigaaladu daryeel iyo kalgacal bey ku dumantaaye
  • Wax dulloobey ruuxii xurmada laga daboolaaye
  • Qaarkeen dubkii dhalashadiyo diidyey magaciiye
  • Inaan daniba iga heynin baa iga daweeneysa
     
  • Durba waa ahaadaa wuxuu doono Eebahaye
  • Qoomkii duceystaa kolbuu daw u bixiyaaye
  • Dowladnimada noo timid asaan dad u ahaan weyney
  • Ilaahey sidii uu damcaa iga daweeneysa
     
  • Docna kuma nagaadoo nabsigu waa dawaar socone
  • Nin ragoo danbeeyiyo qabbaan daalacaad arage
  • Daciifnimo kor loo dhigahayiyo darajo hoos aadi
  • Inuu dunida xaalkeed yahaa iga daweeneysa (Cismaan Yuusuf Keenadiid)

Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka Midnimo
Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 28, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;