Golaha Wasiirada oo meel mariyay Miisaaniyad gaar ah oo loogu talogalay
Mushaaraadka Ciidanka
Muqdisho July 28, 2013---- Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
ayaa maanta isugu yimid kulan gaar ah, kaasoo uu shir gudoominayey Ra’iisul
Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyadoo looga dooday
qodobo dhowr ah oo ay ka mid aheyd Miisaaniyad gaar ah oo ay soo gudbisay
Wasaaradda Maaliyadda.
Kulankan ayaa sidoo kale diirada lagu saaray qodobo ay ka mid ahaayeen
dardargelinta howlaha Maxkamaddaha iyo Cadaaladda dalka, dhismaha hay’ad
qaabilsan Qaxootiga iyo Barkacayaasha iyo qiimeyn lagu sameyn doono hubka sharci
darada ah ee ku jira gacanta dadweynaha.
Afhayeenka Xukuumada Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo warbaahinta uga
warbixiyay kulanka ayaa xusay in kulanka si qotadheer looga hadlay xaaladda
amniga isaga oo sheegay in golaha Wasiiradu ay si xoogan u cambaareeyeen falkii
fuleynimo ee shalay lagu weeraray xarunta ay deganaayeen shaqaale u dhashay
Turkiga halkaasoo ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in golaha Wasiiradu ay meel mariyeen dhismaha
hay’adda Dib-u-dejinta Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, waxayna goluhu is
tuseen muhiimada ay Qaxootiga iyo Barakacayaasha u leedahay hay’addan, waxaana
la filayaa inay ka qeybgalaan howlwadeenada hay’addan shirka ka dhacaya
magaalada Nairobi ee looga hadli doono qaabka ugu haboon ee dib loogu celin karo
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Qaxootiyada.
Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale, meel mariyay Miisaaniyad gaar ah oo uu soo
gudbiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan, kaasoo
loogu tala galay bixinta mushaaraadka ciidanka iyo howlaha amniga, maadaama ay
dawladdu bilowday bixinta mushaaraadka ciidanka kala duwan ee dawladda iyada oo
adeegsaneysa Qasnada dawladda.
“Miisaaniyaddan waa mid u gaar ah Mushaaraadka Ciidanka iyo howlaha Amniga,
dawladduna waxay xil gaar ah iska saartay sidii ay u joogeynt laheyd xaquuqda
Askarta” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo hadlayay intii lagu guda jiray kulanka
Golaha.
Golaha ayaa go’aamiyay in la dardargeliyo lana xoojiyo howlaha Maxkamadaha iyo
Cadaalada, si talaabo sharciga waafaqsan looga qaado kooxaha nabadiidka ah iyo
cid kasta oo ka hor timaada sharciga, gaar ah aana kooxaha nabadiidka ee iyagu
caadeystay inay shacabka dhibaateeyaan isla markaana khal khalgeliyaan amniga.
Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia
Ra’iisul Wasaaraha oo booqday Xaruntii shaqaalaha Turkida ee la qarxiyay,
una tacsiyadeeyey
Muqdisho, July 28, 2013----Ra’iisul
Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”
ayaa saaka booqday xaruntii shalay kooxaha nabadiidku ay la beegsadeen qaraxa
taasoo ay deganaayeen shaqaale u dhashay dalka Turkiga oo howlo samafal
caafimaad ugu fidin jiray shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqashadiisa waxaa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha,
Wasiirka Gaashaandhiga iyo Wasiirka Maaliyadda, waxayna kormeereen goobta qaraxu
kad hacay, iyaga oo u kuurgalay baaxada saameynta qaraxa, waxayna warbixin ka
dhegeysteen shaqaale Turki ah oo iyagu goob joog ahaa xilligii qaraxa.
Booqashada kadib, ayaa waxaa shir jaraa’id ku wada qabtay dhismaha shaqaalaha
Turkida, Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya
Kamaludin Kani Torun.
“Waxaan aad uga tacsiyadeynayaa dhibaatadii halkan ka dhacday, waana
cambaareyneynaa falkaan fuleynimo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo sidoo
kale tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday ardaygii
Soomaaliyeed ee qaraxa ku dhintay.
“Dawlada iyo shacabka Turkiga ma ilaawi doono kaalmadii ay shacabka Soomaaliyeed
u fidiyeen iyo waqtigii adkaa ee ay garab istaageen ummadda Soomaaliyeed” ayuu
mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in dawladda Soomaaliyeed ay xoojin
doonto sugida amniga dalka, si qaab nabadeed ay ugu fulaan howlaha gargaarka iyo
dib u dhiska ah ee ay dalka ka wadaan shaqaalaha Turkida.
Safiirka Dawladda Turkiga ee Soomaaliya Kamaludin Kani Torum ayaa isna sheegay
in dawladda Turkiga ay sii wadi doonto isla markaana laban laabeyso taageerada
dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ayna sii wadi doonaan mashaariicda
horumarineed ee ay ka wadaan qeybo badan oo ka mid ah dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale, kormeeray dayactir ay shaqaalaha Turkigu ka
wadaan wadada isku xirta Garoonka Aadan-cadde iyo isgoyska KM4, waxaana Ra’iisul
Wasaaruhu uu carabka ku adkeeyey in dawladda Turkigu ay uga mahadcelinayaan
kaalinta horumarineed ee ay ka wadaan dalka.
Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia
Faafin: SomaliTalk.com | July 28, 2013
|