Madaxweyne Xasan “Midowga Yurub waxaan u siinay dhulka inay xafiisyadooda u
soo guuraan Dalka Gudihiisa”
- “Waxaan shirka Brussels ka sugeynaa inuu xasilinta iyo horumarka
dalka qeybweyn ka qaato.”
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFS:
Muqdisho, 24 July 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii dhul bixinta guddoonsiiyey
Nick Westcott oo ah Agaasimaha guud ee Afrika ee Midowga Yurub, si Midowga Yurub
ay xafiisyadooda u soo guuraan dalka gudihiisa oo ay si rasmi ah uga howlgalaan.
Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlayey Muqdisho ayaa yiri “Aad iyo aad baan
ugu faraxsanahay inaan idin siino dhul si aad xafiisyadii Midowga Yurub ay uga
howlgalaan dalka gudihiisa oo ay shacabkii Soomaaliyeed u soo dhowaadaan.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Midowga Yurub waxaan uga
mahadcelineynaa sida ay marwalba u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed,
codsiga dhulkana waa calaamad tusineysa sida ay uga go’antahay inay dalka uga
howlgalaan, oo ay mashaariic horumarineed oo anfacaya shacabka Soomaaliyeed uga
hirgeliyaan.”

Madaxweynaha ayaa sheegey in Soomaaliya ay maanta mareyso marxalad ay
tallaabooyin horumarineed key tallaabsaneyso maalinba maalinta ka danbeysa.
Midowga Yurub marka uu si rasmi ah uga howlgallo dalkana ay kaalin weyn ka
qaadaneyso sidii ay dowladda ugala shaqeyn laheyd mashaariicda horumarineed oo
shaqooyinka loogu abuurayo dhalinyarada Soomaaliyeed oo diyaarka u ah inay
dalkooda si hagar la’aan ah ugu shaqeeyaan.
Nick Westcott ayaa aad iyo aad uga mahadceliyey waraaqihii dhul bixinta oo la
guddoonsiiyey, sheegeyna in Midowga Yurub uu marwalba garab taagan yahay
Dowladda Soomaaliyeed oo uu hoggaamiyo Mudane Xasan Sheekh Maxamud.
- DHAMAAD –
Madaxweyne Xasan “Waxaan shirka Brussels ka sugeynaa inuu xasilinta iyo
horumarka dalka qeybweyn ka qaato.”
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFS
Muqdisho, 24 July 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qeybgalay shir ay diblomaasiyiinta
beesha caalamka isagu yimaadeen Muqdisho oo looga hadlayey shirka 16ka September
ka dhacaya Brussels. Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Maaliyadda iyo
Qorsheynta Mudane Maxamud Xasan Suleymaan, Nick Westcott oo ah Agaasimaha guud
ee Afrika ee Midowga Yurub, Marcus Cornaro oo ah Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee
Xiriirka iyo horumarka ee Midowga Yurub, Erygeyga Gaarka ah ee XG ee QM,
Erygeyga Gaarka ee Midowga Africa, safiirka Midowga Yurub iyo safiiro kale iyo
bulshada rayidka Soomaaliyeed.


 Madaxweynaha
oo khudbad ka jeediyey shirka isla markaana saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa
yiri “ Waxaan shirka Brussels ka sugeynaa inuu xasilinta iyo horumarka dalka
qeybweyn ka qaato.”
Madaxweynaha ayaa sheegey in shira Brussels rajo weyn laga qabo, dowladdana ay
isu diyaarisay, waxuuna yiri “Dowladdu juhdi badan bey gelisay shirkan oo loo
xilsaaran guddi farsamo oo latashiyo la wada bulshada qeybaheeda kala duwan, si
ay u soo ururiyaan baahiyaha kala duwan si dalka uu u noqdo mid horumar joogta
ah ka sameeya dhanka xasilinta, amniga iyo siyaasadda. Rajo weyn baan ka qabnaa
shirkan bacdamaa ay Midowga Yurub iyo Soomaaliyaba ay si wadajir ah uga wada
shaqeynayaan sidii uu shirkan u noqon lahaa mid najaxa.”
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegey in dokumentiga la diyaarinayo uu yahay
mid laga wada qeybgaliyey dhammaan bulshada Soomaaliyeed waxuuna yiri “
Dokumentiga COMPACT ee la diyaarinayo waa mid lagala tashtay bulshada rayidka
ah, maamulada dalka ka jira oo dhan, iyo khubaro key takhasustay diyaarinta
dokumentiyada. Dhammaan mashaariicda aan dooneyno in dalka laga hirgeliyo waxey
noqonyaan kuwo laga fuliyo dhammaan dalka oo dhan.”
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub iyo beesha caalamka sida ay uga
go’antahay in Soomaaliya ay u noqoto dal xasilan oo horumar ballaaran taabanaya.
Madaxweynaha ayaa yiri “Aad iyo aad baan uga mahadcelineynaa EU iyo beesha
caalamka sida ay ugu go’antahay inay u taageeraan Soomaaliya, shirka Brussels
waa mid ay Dowladda Soomaaliya la shir-guddoomineyso Midowga Yurub, kaasoo
Dowladda Soomaaliya ay ku bandhigi doonto dokumenti (COMPACT) si wanaagsan loo
diyaariyey oo ka tarjumaya baahida mashaariicda dib loogu dhisi karo dalka oo
dhan. Waa fursad qaali ah oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay ka wada
faa’iideysan doonaan, shaqana u abuuri doono dhalinyarada Soomaaliyeed, isla
markaana xasilinooda iyo degennaanshaha dalka qeybweyn ka qaadan doona.”
- DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Senior Advisor & Spokesperson to the Office of the President,
engabdirahman@gmail.com
+252 615 479911 or +252 699 998854
Faafin: SomaliTalk.com | July 24, 2013
|