Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Jawaab ka bixisay Warbixintii Guddiga
Qaramada Midoobay (UN Contact Group)
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFS ayaa u qornaa sidan:
Soomaaliya waxey ku baaqeysaa Guddi Dhex-dhexaadin ah in loo sameeyo
warbixinnada soo socda ee Guddiga QM Muqdisho, 23 July 2013 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wallaac ka muujisey
warbixintii ay dhowaan guddiga dabagalka Xayiraadka Hubka Soomaaliya iyo Eretria
oo khaladaad fara badan oo qaarkood iska horimaanaya iyo arrimo aan sax aheyn ay
key jireen, kuna baaqay in wadatashi lala sameeyo dowladda iyo in la abuuro
guddi dhex-dhexaadin ah oo la horgeeyo arrimaha qaldan inta aan warbixinta la
shaacin. Af-Hayeenka Madaxtooyada Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) oo maanta
saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa yiri “ Warbixintan waxaa ku jira arrimo
fara badan oo tixgelin u baahan. Waxaan ku faraxsannahay aqoonsiga guddiga QM ee
ah in Dowladdu ay si fiican ula shaqeysey, tan oo tusaysa sida ay nooga
go’antahay furufrnaanta. Hase yeeshee waxaan aad iyo aad uga xunnahay Guddigan
QM inuu ku guuldarreystey inuu dowladda kala hadlo warbixintooda iyo
go’aanaddooda si aan u gudbino jawaabaheeena ka hor inta aan la baahin
warbixinta. “Waxaa muuqata in warbixinta lagu saleeyey xan, sheekooyinka fadhi ku dirirka,
iyo ku tiri-ku-teen, kuwaas oo dhaliyey inay soo baxdo warbixin aan dhex-dhexaad
aheyn oo eedeyn aan sal iyo baar toona laheyn ku fadhisa loo baahiyey caalamka
oo dhan. “Warbixinta sida guracan lagu keenay waxey tuseysaa oo caddeyneysaa sida
Guddigan QM uu ugu guuldareystay inuu u fahmo xaaladda dhabta ah ee dalka ka
jirta. Warbxintan waxey qatar ku tahay nabadda iyo xasilinta dalka. “Dowladda Federaalka waxey codsaneysaa in Golaha Ammaanka ee QM ay sameeyaan
inay dhacdo wadatashi laga yeesho warbixinta iyo inay sameeyaan guddi
dhexdhexaad ah oo warbixinnada mustaqbalka tixgeliya jawaabaha dowladda iyo in
warbixinnada khaladka ah laga saaro warbixinada inta aan la daabicin. “Tani waxey muhiim u tahay nabadda iyo xasilinta dalka iyo sumcadda QM si
warbixinnada mustaqbalka ay u noqdaan kuwa ku dhisan xaqiiqda oo la hubiyey isla
markaana dhex-dhexaad ah. “Waxaan ku faraxsannahay in warbixintu ay xoogga saartay kooxaha Al-Shabaab oo
khatar ku ah dalka iyo qaswadayaasha kale. Kuwaan oo khatar nagu wada ah una
baahan inaan ciribtirno. “Waxaana ku faraxsannahay in burcad-badeedu ay yaraatay, waxaana ka
wallaacsanahay dambiilayaasha oo kordhay. Waxaana noo taalla shaqo badan oo aan
ummadda u abuureyno shaqooyin iyo nolol si looga fogaado falalka dambiyada ah. “In lagu tilmaamo Bankiga Dhexe mid si shaqsi ama gaar ah loo isticmaalo oo
habka “Fadlan” ka ah loo isticmaalo, waa mid aan sax aheyn oo sharaf ka dhac ku
ah Soomaalida sida aadka ah u shaqeysata oo duruufo adag ku shaqeeya si dalku uu
dib ugu dhismo. “Habka ay ugu yeereyn “Fadlan” oo shaqsiyaad wax lagu siiyo ma aha mid jira oo
xaqiiqada ayaa ah in si sharci ah ay ku baxaan lacagaha oo wasaaradaha iyo
hay’adaha dowladda ku baxa oo aan heysan nidaamka caalamka oo ay tahay in
hay’adahu ay shaqsiyaad loogu tala galay u soo qaadaan lacagahooda. “ Haddii ay guddigan QM imaan lahaayeen Muqdisho oo ay si dhab ah u fiirin
lahaayeen sida lacagaha loo xareeyo iyo nidaamka lagu bixiyo waxey arki
lahaayeen sida sharciga ah ee uu Bankiga u shaqeeyo. “Waxaan bilownay nidaamka iyo shuruucdii haggaajinta dhaqaalaha, oo aan la
shaqeynaa hayadaha Bankiga Adduunka iyo hay’adda lacagta Adduunka (IMF). “Waxaan ku dadaalnaa inaan horumar weyn ka sameyno maamulka iyo maareynta
maaliyadda, oo bilihii la soo dhaafay waxaan ku guuleysanay:
- Inaan maamulkii iyo maareynta maaliyadda haggaajiney oo aan la shaqeynaa Bankiga
Adduunka iyo IMF;
- Waxaan dhameystirnay sharcigii maaliyadda oo hadda Baarlamaanka hoyaalla;
- Waxaan daabacnay miisaaniyadii oo aan si dhab ah ugu dhaqannaa;
- Waxaan dhowaan sameyneynaa Guddigii Maamulka Bankiga
- Waxaan u yeerannay Hanti-Dhowr caalami ah si ay u baaraan xisaabaadkeenna;
- Bankiga oo aan casriyeyney oo aan u sameyney habkii Swift Code-ka, iyo nidaamkii
guud;
“ Madaxweynahu aad buu uga hadlay sida aan loogu dulqaadan karin musuqmaasuq,
waxaana sameyn doonnaa baaritaanno la xiriira falalka musuqmaasuqa oo aan
tallaabo ka qaadi doono cid allaale iyo ciddii ay ku caddaato.
“Ma dafireyno inay jiraan caqabdo dhanka khibradda ah, hase yeeshee waa naga
go’antahay inaan sii dedejino horumarka dhanka maaliyadda. Hay’adahu waa mihiim,
waana inaan sii dhisnaa hay’ado lagu kalsoonaan karo. “Ma aha in la is tuso in sanad gudihiisa wax walba lagu bedeli karo, waqti beyna
qaadaneysaa inaan isbedel dhab ah la nimaadno oo horumarka aan sameyneyno waa
mid soo soconaya. - DHAMAAD – Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Senior Advisor & Spokesperson to the Office of the President,
engabdirahman@gmail.com
+252 615 479911 or +252 699
998854
Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2013
UN Report:
http://www.un.org/ga/search/view_doc.asp?symbol=S/2013/413
------
Qodob ka mid ah Warbixintii UN-ka
Warbixin ay July 12, 2013 soo saartay kooxda Contact Group ee Qaramada
Midoobay ayaa si qayaxan u cadaysay cawaaqibka ka dhalanaya haddii Soomaaliya
aqbasho nidaamka xadaynta badda ee loo yaqaan EEZ (Exclusive Economic Zone
for Somalia), taas oo ah in Soomaaliya waayeyso gebi ahaanab badda muranka
la geliyey oo ay qaadan doonto Kenya.
Arrintaa warbixinta UN waxay ka tiri:
"Marka Soomaaliya aqbasho EEZ ee nidaamka hoos imanaya UNCLOS, markaas waxaa loo
baahan doonaa in Soomaaliya iyo Kenya ay bilaabaan wada xaajood labada dalba
aqbalsan yihiin oo kusaabsan xuduud badeedka. Taasi waxay albaabka u fureysaa
suurtagal in ay noqoto in dib loo xadeeyo xuduud badeedka badda ayadoo laga
bedelayo xariiqda ku qotonta xeebta (perpendicular position) oo loo bedelo
xariiq jiifta oo laacaysa loolka (Latitude line). Isbedelkaasi waxa uu xaqiiqo
ahaan dhulka la isku hayo qaybtiis ama gebi ahaantiisba hoos geynayaa badda
Kenya. Sababtaas awgeed ayey ahayd tii keentay in 8-dii October 2011 ay
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya cod ku diideen isku daygii ahaa in EEZ
lagu soo daro nidaamkii Roadmap-ka,"
sidaas waxay ku caddahay warbixinta UN-ka
ee
S/2013/413 soona baxday July 12, 2013 boggeeda 249 iyo 250.
Waxaana warbixinta UN-ku cadaysay in Soomaaliya ay sannadkii 1972 cabirka
baddeeda ku qeexday 200 mayl-badeed oo ah Territorial Waters.
Waxaa arrintaas (in Soomaaliya ay leedahay 200 nm oo territorial waters ah)
ayidey go'aan ay June 6, 2013 soo saareen Golaha
Wasiirada DFS, kaas oo qeexay sidan "Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya
waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka
xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo
continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee
ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran."
Haddaba waa maxay Faraqa
u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?
|