SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Ciidamadda Dowladda oo ku soo Ururey Ilaalo Shaqsi !!

Magaalada markaad Dhex Socoto waxaa Waddo kasta kugu Dhaafaya Ciidamo Milatari ama Booliis oo Saaran Gawaarida Dagaalka ee loo yaqaan Tiknikadda kuwaas oo ilaalo ka ah Madaxweyne ,Gudoomiye Baarlamaan , Raiisul Wasaare , Wasiir, Xildhibaan , Agaasime Guud, Maareeye , Generaal Ciidan , Gudoomiye Degmo, Siyaasi Madaxbanaan ,Horjooge NGO, Agaasime Idaacadeed ,Qabqable Dagaal oo hore,Shirkado Shisheeye Ganacsatada Hotelada,Shirkadaha Diyaaradaha iyo Ganacsade Jeeb Buuran.

Marka la fiiriyo Ciidamadaan ilaalada ah waxaa Dhamaantood la ii sheegey in ay Mushaar ka qaataan Dowladda Federaalka waayo Shaqsiga Ilaalada u yahay ma awoodo in uu Bixiyo Mushaarkiisa marka Dowladda ayuu Mushaar uga raadiyaa isagoo si hoose ula heshiiya Sarkaal uu markii hore uu ka tirsanaa Askarigaas Ilaalada ah ee uu ka soo watey waxaana marka la gaaro Mushaar Bixinta aad arkeysaa Askarigii Ilaalada ahaa oo tagaya halkii uu ka tirsnaa ee Safka Hore ee Dagaalka si uu u soo qaato Mushaarkiisii dibna ugu soo laabta Shaqsigii uu Ilaalada ka ahaa .

Maalin waliba waxaa Maqleysaa Ciidamo ayaa Tababar loo soo xirey laga soo bilaabo ilaa Dowladii Cabdulaahi Yuusuf waxayna Ciidamadaa marka uu Tababrka u soo Dhamaado mid waliba wuxuu Xooga saaraa sidii uu uga mid Noqon lahaa Ilaalada Hayadaha iyo Shaqsiyaadka aan kor ku soo sheegney.

Waxayna dadka u kuur gala arrimaha Ciidamada ay sheegeen in Ciidamo kor u dhaafaya ilaa 15 Kun oo Ciidan ay hadda Ilaalo yihiin ama Staff kuwaa oo Badankooda Saaran Qiyaas ahaan 200 oo Tikiniko ah waxay sitaan 15 kun oo Qori , 5 Kun oo Qoryaha Dabamiishaarka ah, 2 kun oo Baasuuke ah, Shidaalka lagu Shubo Tiknikadas waxaa Maalinkii ku baxa ,5 Kun oo Liitar Shidaal ah , Qaadka ay isticmaalaan Ilaaladaas waa Maalinkii ku baxa Kharash ahaan ku Dhawaad 50 Kun oo Doolar , Inta badan Gawaarida Tiknikada ee Cabdi Bilayaasha waxaa sidii Gaari Raaxo u ugu Adeegta Ganeraalada oo Munaasbadaha Dowladu qabto ku tagaan ama Tababar la xirayo.

Waxaan si aad ah ula yaabey markii aan indhaheyga qabteen meel uu Qarax ka dhacay oo isugu timid ilaa 40 Tikniko ah oo mid waliba uu wato Sarakaal la sheegey in uu ka tirsan yahay Ciidamada Dowlada , waxayna Saraakiil hoose ay sheegeen in Gawaarida Generaalada Wataan lagu Bixiyey qaab Qabiil, qaarkoodna waxay sheegeen in Laba ama Saddex la siiyey sidoo kale waxaa jira Talisyo Ciidan oo aan Xiligaan loo Baahneyn ,Sida Taliska Ciidamada Cirka iyo kuwa Badda kuwaas oo ay Saraakiil noo sheegeen in Talisiyadaas lagu Naas Nuujiyo Jeneraalo ay sheegeen in ay Howl Gab hore u Noqdeen ,kuwaa oo Mushaar ku qaata ilaa Dhowr Boqol oo Ciidan oo aan Jirin waayo waxay ahayd in Xooga la saaro Ciidamada Dhulka oo ah Aas-Aaska Hooyada Ciidamada oo Xiligaan Baahideeda taagan tahay,intaas oo Tikniko ah , Hub ah,Ciidan ah , Shidaal ah,iyo Kharashba leh waxaa lagu Difaaci karaa Qaran dhan.

Ciidamadaas faraha badan iyo Tiknikadaas iyana Xad dhaafka ah qaarkood marka ay wada Marayaan ku socda si Xowli mararka qaarkood Rasaas ku furta Wadooyinka Cariiriga ah ee Magaalada Muqdisho, kuwasoo waxyeelo ka soo gaarto Dad Shacab ah , waliban maalmahaan kuma sii jirto oo Gawaarida ilaalada laga yahay uma soo dhawaan karaan Gawaarida kale oo mararka qaar waxaaba lagu furaa Rasaas oo markii dambe ku soo Biya Shubta “Waan ka Shikiyey” Markii ay Sababtey Dhimasho iyo Dhaawac , waxaa ka sii daran Gawaarida Shirkadaha Shisheeye waxaana iyana Ilaalo ka ah Ciidamo iyana la sheegey in ay ka tirsan yihiin Ciidamada Dowlada , waxaana Saraakiil hoose oo ka tirsan Ciidamada ay ii sheegeen in Ciidamadaas ay qaataan laba Mushaar , mid uu ka qaato Shirkada uu u shaqeeyo iyo mid uu ka qaato Taliskii uu markii hore uu ka tirsanaa , qaarkoodna waxay Ciidamadaas Xiran yihiin Direyska Ciidamada Dowlada Milatari ama Booliis ee uu Qaranku lahaa halkii la rabey in loo Xiro Astaan kale, waxaana Askarigaan la sheegey in uu qaato Labadaas Mushaar uu u Fududeeyey Sarkaalkii markii hore Xukumaayey markii ay si Wanaagsan isku fahmeen.

Sidoo kale waxaa aad la yaabeysaa Ciidan Dowladeed oo wata Direyska Milatariga Booliiska oo Taagan wado kuwaa lacago ka qaato Gawaarida Dadweynaha , waxaana Askarigaas markii hore halkaas loo keeney in uu ilaalo ka noqdo Goobtaas , sidoo kale Markaad raacdid Gawaarida Bl-ka waxaad arkeysaa Askar Shacabkii ku dhex jira weliba isaga oo Hubeysan oo Mararka qaar Hubkii uu watey ay waxyeelo ka soo gaaro Shacabkii la saaraa Gaariga , Waagii hore ma dhici jirin in Askari ha Hubeysnaado ama yuusan Hubeysnaan in uu raaco Gawaarida BL-ka ah Wuxuuna Askarigaas uu Xeradiisa ku tagi jirey Lug/ama gaari khaas ah.

Guntii iyo Gabagabdii Dadka qaar ayaa qaba in ay adag tahay in la helo Ciidan la mid ah Ciidamadii hore laga soo Xuli jirey Gobolada Soomaaliya oo idil kuwaas oo lagu soo xuli jirey Astaamhii Ciidamada, sidoo kale Ciidamada waxaa laga qaadan jirey Ardeyda Dugsiyada Dhexe iyo Sare kuwaas oo Aqoontooda ku Kordhin jirey Ciidamada kale aan Aqoonta lahayn marka Askari Dhalinyaro ah oo Xaley oo dhan ku soo jeedey Noocyada Balwada way adag tahay in uu Badbaadiyo Shacabkiisa , haddii aan soo qaadano hadalkii ugu Dambeeyey ee Madaxweyne Xasan Shiikh uu kula Hadley Saraakiisha Cidamada ayaa yiri “ Sarkaal aan Ciidankiisa Isbaaro ka Celi Karin Shaqada ha Isaga tago , waa Dhamaatey Xiligii Askari Isbaaro Dhigta Maxkamad Keligii la soo taagi jirey ,labadiina Maxkamada ayaa la idiin saarayaa haddii kale Sarkaalow Shaqada isaga tag hadii aadan Askarigaada isbaaro ka Celin Karin, marka Sharafta Ciidanka waxay soo Nooqon kartaa iyadoo Askariga Asluub yeesho oo kala dambeyn timaado ”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | July 22, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;