SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta oo Warbaahinta u Qabtay Muddo Shan iyo Afartan Casha ah oo ay Isku Diiwaan Galiyaan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdullaahi Ciil Mooge Xirsi oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Xeerkii Saxaafadda ee Dhawaanta Golaha Wasiiradu ay Gudbiyeen loona gudbiyay Golaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Xeerkan uu yahay mid muddo dheer laga soo shaqaynayay isla markaana lagu Casuumay qaybha kala duwan ee Saxaafadda Shirkii Hotel Jaziira horraantii Sanadkan ka dhacay.Ciil Mooge ayaa xeerkaas ku sheegay in ay ka soo tala bixiyeen Warbaahinta isla markaana wixii lagu dari lahaa iyo wixii laga reebi lahaa la iska arkay balse aysan haatan jirin wax ay ku kordhiyeen.

Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in hadda wixii ka dambeeya lagu dhaqmi doono Heshiiskaas marka ay meel mariyaan Xildhibaanada barlamaanka Federaalka Soomaaliya.Wasiirka ayaa dhinaca kale baaq u diray qaybaha kala duwan eee Warbaahinta sida Idaacadaha, T.V.yada, Website-yada iyo Jaraa’idada in Muddo Shan iyo Afartan Casho oo maanta ka bilaabanta ay isku soo diiwaan geliyaan.



Cabdullaahi Ciilmooge ayaa uga digay Warbaahinta qaybaheeda kala duwan in ay ka Madax adeegaan isagoona uga digay Warbaahintii arrintaa ka dhega Adeegta inaysan diyaar u ahayn inay sii shaqayso waa siduu hadalka u dhigaye.

Si kastaba dhawaan ayay ahayd markii Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed kuwaasoo sheegay in ay hor geyn doonaan Golaha Baarlamanka oo iminkuba Xeerkaasi uu hor yaalo kaasoo ka mid ah Hindiso Sharciyeedyada hor yaala Baarlamaanka Soomaaliya.

....

Xukuumadda Maraykanka oo la Shaaciyay in Muqdisha ay ku Leedahay Xabsiyo Lagu Xiro Dadka Looga Shakiyo Dagaalyahanada Xarakada Shabaab

Sida ay Qortay Jariidada The Nation ee ka soo baxda Dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in Sirddoonka Maraykanka ee CIA ay Xabsi ku leedahay Gudaha Magaalada Muqdisho.Jariidada ayaa xustay in Xabsigaasi uu ku yaalo agagaaraha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga gaar ahaana dhinaca Badda, Xabsigaas oo ay Jariidadu xustay in lagu Xiro Ragga ka tirsan Xarakada Shabaab ama Xiriirka la leh.

Xabsigaas ayaa la sheegay in Irddiisa hore ay Ilaaliyaan Askar ka tirsan Ciidamada Soomaalida halka hawsha xoogeeda Gudaha ay ka wadaan Saraakiisha Sirdoonka Maraykanka.Warbixintaas ay qortay Jariidada Nation ee ka soo baxda Dalka Marayakanka ayaa intaa ku dartay in xabsigaas CIAda Maraykanka ay ku leedahay Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Muqdisho xitaa lagu xiro Rag laga soo qabto meelo ka baxsan Soomaaliya sida Kenya kuwaas oo looga shakiyo in ay damacsan yihiin in falal qaraxyo ay ka gaystaan Gudaha Soomaaliya.

Dhinaca kalena warar hore u soo baxay ayaa sheegay in Ciidamada Sirddoonka Maraykanka ay Xafiis ku leeyihiin Xarunta Ciidanka Nabad sugidda Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho kuwaasoo ka qayb qaata wararka ama Su’aalaha la weydiiyo Dadka loo soo xiro in ay ka tirsan yihiin Dagaalyahanada Xarakada Shabaab ama xiriir ay la leeyihiinba.

Si kastaba Xukuumadda Maraykanka ayaa hore u shaacisey in ay Taageero dhinaca Milateriga ah ay ka gaysanayso Dalal ay ka mid tahay Soomaaliya oo ay ka hawl galaan Diyaaradahooda Duuliye la’aanta loo yaqaano kuwaasoo hawlo kala duwan ka fuliya Gobolka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 17, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;