SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Xukuumadda Kenya oo Iska Fogeysey Eedeyntii Qaramada Midoobay u soo Jeedisay ee Dhoofinta Dhuxusha Dekedda Kismaayo.

Iyadoo Maalintii shalay warbixin ay qortay Qaramada Midoobay Xukuumadda Kenya lagu eedeeyay in ay qayb ka yihiin isla markaana ay wax ka dhoofiyaan Dhuxusha taala Dekadda Kismaayo ayaa maanta markii u horeeyay waxaa arrintaa beeniyay si kululna uga hadlay Afhayeen ka tirsan Ciidamada Kenya oo ku sugan Magaalada Kismaayo ee Gobolka jubada Hoose.

Afhayeenka u hadlay Ciidamada Kenya ayaa sheegay in la yaqaano Ciidamadooda sababta ay Soomaaliya u soo galeen taasoo ah buu yiri la dagaalanka Dagaalyahanada Xarakada Shabaab.Wuxuu intaa ku daray in Ciidamadooda ay halkaa u yimaadeen sugidda Ammaanka sidaa darteedna aysan suurta gal ahayn in ay wax ka dhoofiyaan dhuxusha lagu eedeeyay taasoon haba yaraatee shaqadooda ahayn



Af hayeenka ayaa ku Eedeeyay Xiligii Shabaabku ay ka talin jireen Magaalada Kismaayo in halkaas ay si Sharcidarra ah uga dhoofin jireen halkaas isla markaana ay ka heli jireen Malaayiin Doolarka Maraykanka ah.Waxaa uu farta ku fiiqay in Kenya ay la socoto Mamnuuciddii hore Qaramada Midoobay ay u Mamnuucday Dhoofinta Dhuxusha sidaa darteedna aysan xiligan jirin wax Dhuxul Dhoofin ah oo ciidamdooda .

Ciidamada Kenya ee ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa lagu eedeeyay in ay Maamulka Axmed Madoobe ay ku gacan siiyaan ka dhoofinta Dhuxusha Dekadda Magaalada Kismaayo halkaasna ay ka helaan lacago aad u fara badan.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
 

Xukuumadda Kenya oo Lagu Eedeeyay in ay Maamulka Raaskambooni u Fududeysey in Si Sharci Darro ah Dhuxul uga Dhoofiyaan Magaalada Kismaayo

Warbixin dheer oo ay qortay Qaramada Midoobay Xafiiskeeda Degaanka ayaa lagu sheegay in Dekadda Magaalada Kismaayo Si Sharci darra ah looga dhoofiyo Dhuxushii hore loo Mamnuucay in laga dhoofiyo Dekadda Magaalada Kismaayo War bixinta ay qodhey Qaramada Midoobay ayay ku sheegtay in Maalintiiba laga dhoofiyo Dekddaas illa Boqol Kiish oo Dhuxul ah loona dhoofiyo Wadamada Carabta. SII AKHRI....
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 16, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;