SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Dunnida Seddexaad Dacwaan Ka Qabaa ?

HORUDHAC:

Akhristoow bishii Agusto,2008 ayaan Baabuur Caasi ah ka soo raacday magaalada Addis Ababa ee Xarunta Wadanka Ethiopia ,Annigoo u socda Maagaaladda Jig Jigga ee Ismaamulka Soomaalida Ogaadeynya.
Safarkii Wuxuu qaatay in ka badan 11 saacadood, Jidku Wuxuu ahaa labo line oo iska hor imaanayaa, taas macnaheedu waa Hal line u socda Jig Jigga Iyo Hal line oo u soo socda Addis Ababa.
Markaan soo dhaafnay magaalada Naasereet , Ayuu dhul kii isku badalay Buuraley Iyo Beeraleey, asagoo Haddana noqday mid cariiri ah , ma ahan Baabuur kaliya ee waxaa ku socda Dad,xoolo,Baabuur,gaari dameer,baaskiil IWM.
Wadaddii waxay noqotay mid buur dul fuuleysa, marna ka soo dageysa oo dhaadhaceysa, waxaan arkay Baabuur badan oo shil ku gashay oo wali wadaada qeyb ka mid ah taala oo xayireysa halkii line, Markaan weydiiyey waxa looga qaadi waayey, waxaa la igu yiri waxaa la sugayaa in Ceymiskii uu yimaado oo uu qalad ka Ruux saaro ???? Khatartii waa Nagu sii badatay,taas waxaa ku dartaa Markaan Lax jiirnay, oo dadkii meesha deganaa oo idil ay dhagxaan noo soo qaateen, si aan laxda Qiimaheeda u bixino AMA baabuurka nalaga jabsho.
Waa Sannadkii 2008 dib ayaan u jaleecay Dagaalkii Ethiopia ay Soomaaliya ku soo Qaaday Dhamaadkii 2006, waxaan sawirtay Qiimaha Dagaalkaas ku kacay Iyo dhibaatada soo kala garatay Ethiopia Iyo waliba Soomaaliya.
Waxaan yaqiinsaday in Dhibaato Naf Iyo Maalba leh uu ku kacay Dagaalkaas 2006 kii, waxaan Sawirtay in Qarashka Dagaalkaas ku kacay jidkaan labada Line ah, Afar Line looga dhigi karay .
Waxaan sawirtay in Jidkaan oo Beeraleyda ay Dhibaato kala kulmaan in ay wax soo saarkooda hormarin laheyd Haddii afar line laga Dhigo ,Sidoo kalena ay si fudud wax soo saarkooda ku gaarsiinaa lahaayeen Addis AMA Naasareet amaba Jig jiga .
Maalintaas ayaan gaaray in wax Dunnida Seddexaad la yiraahdaa aysan jirin ee ay jiraan Dunnida Boqolaad ee soo koraaya ???? Runtii Dawladaha horay u maray Haddii ay kow yihiin , kuwa soo koraaya ee Afrika waa Dunnida Boqolaad ee ma ahan Dunnida Seddexaad ????!!!! Taas oon Dood ka leeyahay ????!!!.

Dimuqraadiyaddii ka dhacday Dalka Masar ( Egypt ) ????!!!!!

Dunnidii Seddexaad ee aan Muranka ka qabay, waxaan soo Xasuustay Sitimaankii hore markii ay Ciidamada Dalka Masaaridda ay Inqilaabeen Madaxweynihii Sharciga ahaa ee Mohamed Mursi ???!!!!!.
Waxaan Kaloo soo xasuustay Markay Maanta Dileen 52 shacab ah oo tukanayaa Salaaddii Subax ???? Waa Dunnidii Boqolaad ee ma ahan Dunnidii Seddexaad ????!!!!.

Akhristoow anniga oo ku nool Wadanka Mareykanka ayaa waxaa na soo maray Madaxweynihii George Bush kii labaad waa wiilkii 2000-2008 ma aan arkin Madaxweyne laga necbaa Siiba xilligiisii labaad ???? Se miyaa la Inqilaabay ??? Miyaa la riday ???? Miyaa la xiray ???? Jawaabta waa maya ee waxaa Lala sugay in uu dhameysto Waqtigiisa ???? Waxaan ku arki jiray Baabuurta Dabadooda ayaa lagu xayeysiinaayo ( Bumber sticker )taariikhda uu Bush Xukunka ka dagaayo oo aheyd 20 ka Bisha Janaayo,2009 .
Xukuumadii Bush ee liidatay marka Dadweynaha Mareykanka Cod kalsooni laga qaado, ayaa waxay dhashay in Nin Mareykanka Madoow ahi uu ku Guuleysto Madaxtinimadii, taas oo soo degdegtay oo aanan is laheyn Noloshiina ayaad arkaysaan ????!!!!!.

Maxaa ka haleysan Dunnida Boqolaad ee Afrika ???? !!!!!

Qaaradda Afrikada Madoow oo qarniyaal la soo daalo dhaceysay Gumaysi Iyo Adoonsi ,ayaa Sanadkii 1960 kii u ahaa Markay Qaaradda Gumaysigii Reer Galbeedka Xorriyadeedii ka qaadatay inteeda badan oo Soomaaliya ka mid aheyd ??? Dawladdo Rayid ah baa la amaamuday, se ma raagin oo dhamaadkii lixdameeyadii Iyo bilowgii
Toddobaataneeyadii waxaa bilaawday Afgambiyaadhii Milatariga ee ka dhacay Soomaaliya,Suudaan,Liibiya,Ugaandha,Zaire ,central Africa,Naajeeriya,burkiino faso, chad IWM.
Waxay noqotay Naqshad AMA ( style ) Xukunka lagu gaaro.
Dagaalladii iyo Afganbiyaddii waxay soo gabagaboobeen 1990, waxay Afrika Markaan Qaaday in ay u talaabsato habka Axsaabta badan AMA Doorashooyinka Dimuqraadiga ah ????
Waxay Doorashooyinka ka dhaceen Ethiopia ,Jabuuti, Ghana,Naajeeriya,Tanzania, kiinya,Zambia , Ugandha ,Rawanda,republic of Congo ( Zaire ) IWM .
Wuxuu Ururka midowga Afrika uu go’aamiyey in aan Afgambi danbe aan la taageerin, Dawladdii ku kacdana aan la aqbalin Ciidan Goboleedna loo dira Dawladda xaqa ah soo Celia sida ururrada Ewakis Iyo IGAD !!!!
Waxaa markiiba bilowday in mudadii lagu heshiiyey ee Madaxweynuhu Xukunka haynaayo oo aheyd labo waqti ( two Term. ) la Cilmiyeeyo oo Baarlamaanka looga darsado waqti Seddexaad sida ay sameeyey Ugandha Iyo Jabuuti Iyo Ethiopia oo u soo socotay Haddii uusan Melez dhiman laheyn ???!!!!!.
Taas waxaad ku dartaa in Doorashooyinka lagu shubto oo wax is daba Maris Ballaaran uu dhaco sida ka dhacday Doorashooyinkii Kiinya ee 2007 Iyo tii ugu danbeysay ee Jabuuti AMA Ugaandha .
Dawladaha Afrika ee ilaa haatan Dimuqraadiyadda lagu Amaano oo Dhawr jeer oo is xiga la isku wareejiyey waxaa ka mid ah Ghana,Naajeeriya,Mozambique ,Zambia,Tanzania , Senegal walow qas yar ka dhacay ???!
Akhristoow Maxaa ku ogeysiiyey wixii ka dhacay Ivory Coast Iyo Madaxweynahoodii Loren babuu oo ku dagaalamay markii si sharci ah looga adkaaday ,se Ciidamo Goboleedka Ewakis ay soo celiyeen Madaxweynihii Guuleystay , Lorenna loo taxaabay Maxkamadda Adduunka ee Hague ????!!!!!!.

AFGAMBIGII KA DHACAY DALKA MASAR ????!!!!!

Labo Usbuuc ka hor ayaa waxaa ka dhacay Dalka Masar Afgambi aan Caadi aheyn oo ay ka danbeeyeen Ciidamada Qalabka sida ee Dalka Masar, si aan geed a loogu soo gaban ayaa Madaxweynihii Sharciga ahaa Talladdii Wadanka laga xayuubiyey oo waliba la Afduubay oon ilaa haatan aan la ogeyn meel uu tin Iyo Cirib dhigay ??? Waa waxay Mareykanku dhahaan ( High way robbery ) jidka cad oo la isku dhacay ???!!!!
Madaxweynaha Siyaasaddihiisa waa laga soo horjeeday karaa se waa in loo daayo waqtigiisa in uu dhameysto,se tan oo kale waa Boob Wadankaas u horseedeysa Burbur Iyo kala danbeyn la’aan.
Ciidamada Masaaridda waxay ku marmarsoodeen Dadweyne ayaa soo dabad baxay oo Tahrir Square fadhiya ,waxaa ayaguna Raabicatul Cadeiyah fadhiya labanlaabkooda ka waran hee, oo wacad ku maray in aysan ka suuleynin ilaa Madaxweynihii Sharciga ahaa la soo cisho.
Xassuuqii ka dhacay Fagaaraha Al- Nahdah ee 52 qof ee salaadda subax tukanaayey lagu xasuuqay u maleyn maayo in ay meel la’aan dhaceyso ,oo dhiigoodu uusan Qiimo laheyn.

Waxaan Maqaalkeyga ku soo gabagabeynayaa Heestii ( ileen Afrikoow hurudooy ) !!!!!

hohey afrikaay hurudooy
cadaw ku helyey hurudooy
halyeeyadaadii hurudooy
haad baa cunaaye hurudooy
haamaa la saraa hurudooy
hayin sidisaa hurudooy
la hogaamiyaa
duli lama hilaabtee
aaway hanadadaadii
doqon baa habawsane
waligeed halaysane
sida xoolihiibaa
xero nalagu hooyaa.

Haddaba Akhrisstoow ma ila garatay in aysan Afrika Dunnida Seddexaad aheyn ee ay tahay Dunnidda Boqolaad Maalin kasta ayadaa is cuneysa oo Halyeeyadeedii dileysa oo Qoryaha la iskugu dhiibayaa.

Mahadsanidiin
Ex. Xildhibaane Shiikh Sahid Mohamed Yusuf
USA,Virginia
Sahidyusuf@yahoo.comDunnida Seddexaad Dacwaan Ka Qabaa ????!!!!!!
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 16, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;